Gaas ayaa la filayay inuu ka hadlo barnaamijka uu ku galayo doorashada balse waxa uu ku bilaabay khudbadiisi cay iyo caro, waxana buuq dhaliyay markii danbe hadal uu ka yiri goobta.
‘’Puntland waa naag qurxoon oo marba nin Aalkuliiste guursado’’ Ayuu yiri Cabdi Gaas, waxana uu keenay hadalkaasi gadood iyo in dad badan ay dibadda uga baxaan hoolka ay ka socotay Xafladu.
Maxamed Xirsi oo ka mida dadkii joogay goobta ayaa ku tilmaamay hadalka Gaas mid meel looga dhacay Puntland iyo dadkeeda, islamarkaasina noqon doonta mid Abdi Gaas u gashay taariikhda.
Goor dhow waxana idiin soo gudbineynaa muuqaalka laga duubay Gaas fadeexadiisa Dubai ee xalay.
Source: GAROWE ONLINE
No comments:
Post a Comment