Saturday, October 19, 2013

Ilmo La Soo Xaday Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Iyo Tirada Eedaysanayaasha U Xidhan

“Waxaa markii hore waxaa laga shakiyay Ilmaha iyo gabadha sidatay. Markii danbena....”
“Xaaskiisu ninkaas hore ayuu u deganaan jiray Hargeysa. Laakiin, Sidii Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Looga dhigay,”

Egal International Airport Departure Facility
Hargeysa – Ciidamadda Waaxda Socdaalka Somaliland ayaa madaarka Hargeysa ku qabtay Khamiistii doraad Ilmo sideed Bilood jiray oo loo maleeyay in la soo xaday.

Ilmahan ayaa sidda uu Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf Wargeyska Saxafi u xaqiijiyay, waxaa qabtay sarkaal ka tirsan ciidanka Socdaalka oo ka shakiyay qofka watay. “Waxaa markii hore waxaa laga shakiyay Ilmaha iyo gabadha sidatay. Markii danbena waxaa loo Xidhxidhay Ilaa Afar qof oo isku tuurtuuray oo mid loogu dhiibay Madaarka, labana Suuqa Hargeysa ka qaadeen oo madaarka kaga soo noqdeen iyo Nin Baasaaboorkiisa lagu qoray oo Madaarka Gudaha ugu jiray. Markaa Kiiskii waxaa gacanta ku haya ciidanka baadhista danbiyadda.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Waaxda socdaalka oo aanu xalay wax ka weydiinay arrintan. Waxaana uu intaas ku daray in natiijadda baadhistu soo saari doonto, laakiin, loo malaynayo in aan laga xadin Ilmaha gudaha magaaladda Hargeysa, balse, laga Keenay Xeryaha qaxootiga ee dalka dibadiisa. “Waxaa loo wadday magaalada Xamar, ilaa haddana dadkii Ilmaha dhalay may imman” Ayuu yidhi.

Maaha markii ugu horeysay ee sidan oo kalle caruur la soo xadday loogu qabto marsooyinka dalka laga soo galo, waxaana hore u jirtay oo ay tiraba laba jeer ciidamadda laanta socdaalku u qabteen caruur, kuwaasoo qaarkood ahaayeen sagaal caruur ah oo laga soo tahriibiyay Yemen.


Dhinaca kalle, waxaa jirtay maalmihii ugu danbyeey hadal-hayn iyo tuhummo la xidhiidha In Wasiirka Arrimaha gudaha dawlada Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku ciiday magaaladda Hargeysa oo tibaaxahaasi sheegayaan in qoyskiisu daganyahay. Sidaas darteed, waxaanu weydiinay Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxaa wararkaas ka jira, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Warkaasi ma jiro.,.Xaaskiisu ninkaas hore ayuu u deganaan jiray Hargeysa. Laakiin, Siddii Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Looga dhigay waxaan cadaynayaa in aanu dalka soo galin. Markaa wax warkaas ka jiraa ma jiro.” Ayuu yidhi

No comments: