Sunday, July 14, 2013

Shacabka Puntland Oo Guulaystay Fashiliyayna Maamulkii Faroole oo Rabay in uu Qabto Doorasho Deegaan Oo Uu Ku Shubto!!!

Dadwayne Gadoodsan oo Magalaada Qardho ku Gubaya Sanaaduuqdii Doorashada Deegaanka Maamul Gobledka Puntalnd
Garoowe — Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland, C/rxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey doorashadii goleyaasha deegaanka oo maalinta berri ah qorshuhu ahaa in ay ka qabsoomto dhammaan gobollada Puntland.
 
C/raxmaan Faroole oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe, ayaa sheegay in kaddib la tashi badan oo uu la sameeyey ku-xigeenkiisa Jen. C/samed Cali Shire, Gudoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi , Golaha Wasiirrada iyo Guddiga Doorashooyinka iyo kan nabad gelyada uu go’aan ku gaarey in uu joojiyo doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland ka qabsoomi lahayd maalinta berri ah.

Shirkan jaraa’id ee uu Faroole qabtay oo ahaa mid kooban, islamarkaana aysan war-baahinta loo ogolaanin in ay wax su’aalo ah weydiiso, waxa kale oo uu ka sheegay in sababta go’aankaas loo qaatay ay tahay; in la dhowro nabadgelyada iyo midnimada dadka Maamul Goboleedka Puntland.

Dr. Faroole wuxuu intaas raaciyey in Maamul Goboleedka Puntland aysan marna ka laaban doonin go’aankeedii ahaa in nidaamka maamul loo raro habka Dimuqraadiga, islamarkaana ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo lagu galo nidaamka axsaabta badan.

“Waxay dowladdu dadka u ballan-qaadaysaa inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ka sheegay in ay jiraan kooxo isugu jira qas-wadeyaal iyo argagixiso – waa sida uu hadalka u dhigaye- kuwaasoo isu soo baheystey sidii ay xilliga doorashada Maamul Goboleedka Puntland khalkhal siyaasadeed uga abuuri lahaayeen, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee doorashada loo hakiyey, maadaama ay dowladda mas’uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta ammaanka iyo kala danbeynta.

Hadalka Faroole ayaa ku soo aadaya xilli saaka dagaal khasaare nafeed geystey magaalada Qardho uu ku dhex maray ciidamada Maamul Goboleedka Puntland iyo dadwayne hubeysan oo ka cadhaysan doorashada golayaasha deegaanka, magaalooyin iyo tuulooyin badan ayay dadwaynaha gadoodsani waxa ay dab qabadsiiyeen oo gubeen sanaaduuqdii codbixinta ee deegaanadooda la keenay.

Qaar ka mid ah sawirada sanaadiiqdii maanta dadwayne caraysani ku gubeen deegaanada Buur Saalax, Qardho, .



Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu kala boobay sanaadiiqdii codaynta ee doorashada golaha deegaanka ee maamulka Puntland.
Waxaa la sheegay in dabley hubaysan ay gacanta ku dhigeen sanaadiiq badan oo la doonaayay in lagu codeeyo, waxaana sidoo kale ay gubeen 50 ka mid ah sanaadiiqdaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamada Puntland ay hadda is aruursanaayaan islamarkaana ay doonayaan inay la dagaalamaan Maleeshiyaadkaan.

Xaaladda Gaalkacyo aad ayeey u qasan tahay xilli walbana waxaa halkaasi laga filan karaa dagaalo qaraar oo ka qarxa iyo waxyeelo ka dhalata.

Sawirada Gaalkacayo





Sawirada Qardho



No comments: