Monday, July 15, 2013

MAALINTII AAN QORAAGA NURUDDIIN DILKA KA BAAJAY!

(THE DAY I UNKNOWINGLY SAVED ‘NURUDDIN’s LIFE)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
 
Siciid Jaamac Xuseen
Maalin walba tobannaan kun ayaa geeriyooda, oo inta ay isugu dhow yihiin mooyee cid ka warqabta ama danaysaa aanay jirin.  Marka keliya ee geeridu qaran iyo in ka badan cuskataa, waa hadday ku timaaddo cid si weyn loo danaynayo.  Dhaawaca iyo halista uu qofku galaana taasoo kale ayay la mid tahay.  Qoraaga Soomaaliyeed ee adduunka caanka ka ah Nuuraddiin Faarax, ayaa ii sheegay inaan beri ka badbaadiyay shirqool lagu damacsanaa in lagu dilo.

Siday ku dhacday?!

Carwadii ugu weynayd ee loo qabto dad ka soo jeeda Afrika iyo tafiirankeeda, ayaa lagu qabtay dalka Nayjeeriya caasimaddeedii hore LAGOS (imminka ABUJA ayaa xarruntii dalka loo raray).  Dalalka ka soo qaybgalay tiro loo ma goyn ee waxay ku xirnayd cid waliba gaadiidka ay soo raacayso.  Soomaaliya 160 wax dheer yihiin ayay carwadaas kaga qaybgashay.  Dad Soomaaliya u dhashay balse aan toos uga socon dalkii, ayaa iyana carwadaa iskeenay.  Si fiican waxaan u xasuustaa Maxamed Jaamac Jibriil oo ka yimi Maraykanka iyo qoraaga Nuuraddiin oo ka socday dalka Britayn.  Carwadu tobannaan barnamij oo kala duwan ayay u kala baxaysay- ciyaaro, heeso, filimmo, dharxirasho, bandhig qalab hiddeed, doodwadaagyo iyo kuwo kale.

Nuuraddiin goobta na kulansiisay waxay ahayd doodwadaagga ( the colloquim) ay aqoonyahanno badani isugu yimaaddeen.  Mawduuca laga wada xaajoonayay wuxuu ahaa ‘ Kaalinta ay fanka iyo suugaantu ka ciyaarto horumarka dalka’ iyadoo qof waliba aragtidiisa dhiibanayo.  Dooddaas Soomaaliya waxaa uga qaybgalay dhawr qof oo ay ka mid ahaayeen Muuse I Galaal, Xuseen Maxamed Aadan (Hussein Tanzania), Aamina A Yaaxeen, Deeqa Colujoog, Shire Jaamac Axmed, Boobe Yuusuf Ducaale iyo kuwo kale.  Nuuraddiin si madaxbannaan ayuu kulankaas uga dhex muuqday. Micnaha kama tirsanayn kooxda Soomaaliyeed, mucaaradnimadiisana ma qarsanayn.  Dalka martida loo ahaa ee Nayjeeriya aqoonyahanno badan ayaa shirka u yimid uu ugu caansanaa qoraaga Wole Soyinka ee Nobel Prize-ka qaba.  Soomaalida dhinaceeda waxaa ugu cadcaddaa Dr. Xuseen Tanzania markay dhafoor-taabashada iyo qarannimo u hadalka tagto.

Labada aqoonyahan ee  Xuseen iyo Nuuraddiin isma indha-buuxiyaan oo waxaa ka muuqatay in aanay isku san bannaanayn.  Laba mawqif oo kala geddisan ayay kala taagnaayeen.

Gebagebadii Carwada, dalka martida loo yahay wuxuu kooxihii ka soo qaybgalay ku martiqaaday bandhig dhaqameed lagu qabanayay gobolka Kaduna (Kaduna State) ee waqooyiga dalka ku yaal.   Bandhiggaas sannad walba waa la qabtaa.  Wuxuuna caan ku yahay dhoollatus hiddeed oo isugu jira awr rakuub ah iyo farda-fuul lagu dabbaaldegayo.  Intaas waxa kooxda Soomaaliyeed u dheeraa in iyaga laga martiqaaday gobolka Plateau State magaala-madaxdiisuna tahay JOS.

Isaguna wuxuu ku yaal waqooyiga dalka Nayjeeriya oo waxa loo sii maraa KADUNA.

Dawlad goboleedka Plateau State ayaa kooxdii Soomaaliyeed ee ka qaybgashay carwadii LAGOS martiqaad u fidisay oo ka codsatay inay u soo bandhigaan riwaayad Soomaalidu ka dhigtay Lagos oo lagu magacaabo ‘DURBAAN’ (The Drum) oo telfiishannada dalkaa oo idil laga daawaday.  Codsigaa waa loo fuliyay.

Nuuraddiin oo sidiisa u danaynayay bandhigga Kaduna, qorshe kalena u socda ayaan sii wada raacnay tireenkii Kaduna u ambabaxayay.  Madaama aanu aqoon hore isu lahayn, ayaannu intii tireeenka la wada saarnaa, sheeko iyo waraysi aan rasmi ahayni na dhex maray.  Anigu xilligaas Nuuraddiin walaalkiis ka weyn oo la yiraahdo Maxamed Faarax Xasan, ayaannu madaxtooyada Soomaaliya ka wada shaqaynaa, laba agaasimena ka nahay oo aqoon iyo saaxiibnimo wanaagsani naga dhexaysaa.   Iswaraysiga kale ka sokow, Nuruddiin aad ayuu u danaynayay warka walaalkiis Maxamed ee aan si xogogaalnimo furfuran ugu gudbinayay, ay wehelisay ballanqaad in wixii farriin ah aan ka gaarsiin doono walaalkiis markaan dalkii ku noqdo.

Magaalada Kaduna markii tireenkii nala galay, ayaanu Nuuraddiin kala xiriir furannay.  Waxaa noo xigtay, labaatan sano ka dib 1997kii oo aanu ku kulannay magaalada London.  Dhacdada markan isu kaaya keentay waxay ahayd aasaasiddii «Ururka Qoraaga iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed» ee loo yaqaan ‘Somali P. E N Centre’ ,  uu isagu asaase ka ahaa iyo xubin duqeydeeda; aniguna guddoomiye-xigeen ka ahaa.  Xaflad qado sharaf  qoraaga Nuuraddiin lagu maamuusayo, ayaa naloogu qabtay guriga saaxiibkayo Khaalid Macow Cabdilqaadir.  Mar kale ayaannu Nuuraddiin isla soo qaadnay carwadii Nayjeeriya ee labaatanka sano ka hor aanu ka wada qaybgalnay iyo socdaalkii Lagos ilaa Kaduna aan tireenka wada raacnay.  Casuumadda lagu fara yaraystay, kulanka saaxiibbada isu hiloobay, iyo jawiga macaan oo si roon aannu u mahadinay ka dib, ayaa saxiibkay Nuuraddiin farta iga saaray sirtii sheekadan aan hordhaceeda ku yar dheeraaday.

-’Siciidow, ma ogtahay inaad adigoo aan isogayn dil la ila maaganaa iga baajisay?’
-’War khayr qaba ayaad sheegtay, ee bal ii faahfaahi’
-’ Ma xasuusataa tireenkii aynnu Lagos ka raacnay markaynu ku soconay Kaduna,
dhammaadkii carwada FESTAC ka dib?’
-’Haa oo si fiican ayaan u xasuustaa, ee maxaa iska galay safarkaa iyo dilkaaga,
waa yaabe?’



‘ Anaa kuu sheegaya, ee tireenkaa waxaa la socday rag la ii soo diray inay aniga i dilaan.  Adigu waxba lama aad socon ee waxaad gashay inaad walaalkay Maxamed iiga warrantid.  Ragga la ii soo diray meel aan innaga dheerayn ayay fadhiyeen oo hadalkeenna oo dhan si fiiccan bay ula socdeen.  Markaad iga tagtay ayay ii yimaaddeen oo i weydiiyeen inaan Ina Faarax Xasan ahay oo Maxamed Faaraxa Xamar ka shaqeeya aannu walaalo nahay. Haa, ayaan ugu jawaabay, ee maxaa jira oo soo kordhay.  Kolkaas ayay runtii ii sheegeen oo igu taabteen inay tireenka u soo raaceen si ay aniga i khaarijiyaan, jeer ay iswaraysigeennii ka maqleen inaan Maxamed wada dhalanay oo aan ina Faarax Xasan ahay.  Waxay intaas iigu dareen in loo sheegay inaan ahay qof ay dawladda Soomaaliyeed meel ay ka gasho weyday oo farta la iigu soo fiiqay keliya ee aanay war kale qof ahaan iga qabin.  Waxay aad uga naxeen inay mar dili gaareen inankuu dhalay odaygii reerka ee akhyaarka ahaa Faarax Xasan.  Sidaas ayaad ii badbaadisay.’

-’Maba aan ogayn, ee illayn gashi weyn ayaan kugu leeyahay!’

Qoraaga Nuuraddiin oo adduunka caan ku ah, qoraanimadiisa iyo qalinkiisuna bilan yahay, waxaan aad u jeclaan lahaa isagoo sheekadan wixii aan ka tegeyna daloolkeeda buuxiya, hab kale oo sidan ka farshaxansanna kusoo bandhiga, isagoo la kaashanaya hibada iyo hoodada uu u leeyahay suugaan curinta lagu yaqaan.  Sheekadan runteeda oo lagu kabo dareenka fannaanimo ee Nuuraddiin, waxaa hubanti ah in dad aan tiro yarayn oo Soomaali iyo ajnabiba lihi xiisaynayaan in loo soo daabaco.  Saaxiibkay Nuuraddiin caafimaadqab iyo cimridheeri ayaan u rajaynayaa, akhristayaashana Soonqaad ajar badan oo barakaysan.

Siciid Jaamac Xuseen

Emai: sjx2005@hotmail.co.uk

No comments: