Tuesday, February 19, 2013

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Kulmiye

Hargeysa (Ramaas) Febr 18,2013 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa ku dhawaaqay inuu u tartamayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, kaasi oo ololihii shirwaynihiisu bilaabmay.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Cabdiraxmaan Saylici, oo Caawa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye, oo uu hadda hayo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo shalay caddeeyay inuu u tartamaya Guddoomiyaha xisbiga iyo Musharax Madaxwaynaha.

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu sheegay in si kasta oo xaalada xisbigu tahay, haddana isagu uu u taagan yahay Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye, inkasta oo uu sheegay inaanu sheegi Karin wakhtiga shirwaynuhu dhacayo.

Xilka uu sheegay in Madaxwayne ku xigeenku u tartamayo ayaa waxa maanta isugu sheegay inuu u tartamayo Cabdikariin Xinif oo ah Agaasime Waaxeedka Maamulka ee Komiishanka la dagaalanka Aydhiska.

Dhawaaqa Cabdiraxmaan Sayliici, ayaa loolanka Kulmiye ee hogaanka xisbiga sii adkaynaya, maadaama oo ay hore hogaanka ugu tartamayeen siyaasiyiin door ahi.

No comments: