Tuesday, February 19, 2013

Maamulka Dekeda Berbera Waxa uu Beeninayaa war kusoo baxay warbaahinta dalka

Eng.Cali Cumar Maxamed, Maareeyaha Guud Dekedda Berbera
Maamulka Dekeda Berbera Waxa uu Beeninayaa war kusoo baxay warbaahinta dalka oo ku saabsanaa Dekeda Berbera in la isku badelayo Madaxda Waaxyaheeda ama ku cusub la magacaabayo Taas oo ay qoreen wargeysyada dalka qaarkood 16 feb. 2013 waxaanu cadeynaynaa inaanay jirin wax isku shaandheyn iyo isku bedel ah oo qorsheysani inaanu jirin warkaasina yahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaanu kaloo cadeynaynaa inaanay waxba ka jirin in madaxda sare ee qaranku wax farogelin ah ku leeyihiin hawlaha shaqaalaha ee dekeda Berbera masuuliyadeedana Maamulka Dekedu leeyahay.

Waxaanu usoo jeedinaynaa Warbaahinta madaxa banan inay iska hubiyaan waxa ay qorayaan masuuliyiinta ay waxka qorayaana ay siiyaan xaqa ay u leeyihiin in wax laga weydiiyo waxa laga qorayo bulshadana aan loo gudbin war xaqiiqda ka fog oo been abuur ah.

ALLAA MAHAD LEH.

Eng.Cali Cumar Maxamed
Maareeyaha Guud Dekedda Berbera

No comments: