Monday, February 18, 2013

SAXAAFADA SOMALILAND: Maqaalada La Soo Qoro Iyo Waajibka Saxaafadeed

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Qalinkii Maxamud Caydiid Lafcambe

Wararka iyo dhacdooyinka saxaafadda reer Somaliland iyo dadka u badan baryahan dambe ee wax kaga soo qora warbaahinta ra`yiga akhristayaasha ayaa noqday mid ka baxday xuduudkii wax qoridda dadweynaha iyo mid ka fog dhaqankii iyo anshixii saxaafadeedba. Saxaafadda waajib iyo mus`uuliyad aad u baaxad wayn baa ka saaran qoraalada ay ku soo daabacayaan war baahintooda. 

Muwaadinniintana waajib muqadas ah ayaa ka saaran qoraaladay soo qorayaan ee war baahinta u soo daabacayso. 

Xoryadda daabacaadda qoraalada iyo xoriyadda odhaahduba waa tiir ka mid ah tiirarka dimuqraadiyadeeenna kuwa ugu muhiimsan.

In Xukuumad iyo mucaaradba  la is dhaliilaa waa mid ka mid ah  hannaanka dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay waxaa se qaldan in la duwo lana khal khaliyo majiiraha qoraalada ku dambaynaya saxaafadda.

Waxaa qaldan in xoriyatal qawlkii laga dhigto briij loo maro in aflagaaddooyinka war baahinta la isu mariyo, waxaa kale oo ila qaldan war is waydaarinta iyo war aan jirin abuurka la sameeyay in umadda lagu jaha wareeriyo.

Waxaa dhacda inta badan wararkii oo lagu duwayo siday ahaayeen ama uba dhaceenba bal se loo duwayo si qarad iyo ujeeddo kale ka dambayso. Waxaad arkaysaa websiyadii oo wararkii iyo dhacdooyinkii si kala duwan oo kala fog kuna salaysan ra`yi shakhsi oo ah ka wariyayaha loo soo daabacayo.

Doorka dabiiciga ah ee saxaafadu ku leedahay nolasha hawl maalmeedka ah ee qarananimadeenna waxaa waajib ku ah inay iska ilaaliyaan qoraalada dhaawacaya qarannimadeenna isla mar ahaantaasna iska hor keeni kara bulshadeenna.  Waxaa run ah in war tusaale ahaan ay qortay mid ka mid ah warbaahinta kala duwani uu abuuri karo kicin ,shaqaaqo iyo dhibaato wax yeeli kara qaranimada iyo xasiloonideenna aynu mudada dheer u soo dhabar adaygnay. 

Waxaa baryahan dambe saxaafadda ku soo baxa in la isugu jawaabo maqaalo beelaysan oo shar ah kana fog khayrka iyo walaaltinimada. Waxaa caado iska noqotay in maqaaladaas beelaysan aan la isugu aabbo yeelin laguna kala xishoon, oo kicin iyo dab hurinba lagu soo qoro.

Waxaa dhacda oo war baahinta ku soo baxa  in aad arkayso mararka qaarkood maqaalo dhaqanka ka baxsan oo rag  soo qoreen oo  qof dumara ama siyaasiyad ha noqoto ama yaanay noqon, ahna bir ma gaydo caar ah, hooyo ah, habaryar iyo eddo ah, sodoh ah ama walaal ah lagu weerarayo si xishmad darro ah. Wax isla dhinaca kale aad ka arkaysaa maqaal qof dumari  iyaduna soo qortay oo ka baxsan isna dhaqankeenna oo ay ku aflagaadoonayso nin ka da`wayn iyo mid aanay hore u sawirinba.

Mid waxaan u soo jeedinayaa saxaafadda reer Somaliland oo ah halbawle ka mid ah dhismaha qaranka, inay ku dadaalaan ilaalinta wajibka ka saaran qarankooda iyo mihnadooda saxaafadeedba umaddana u soo bandhigaan wararka iyo dhacdooyinka xaq`iqa ah ee ka fog mala awaalka, boqolkiiba boqolna cadayntiisii ay hayaan.

Waxaan saxaafadda u soo jeedinayaa inay gartaan masùuliyadda ka saaran qarannimada umaddana ka ilaaliyaan wararka aan cilmiyaysnayn ee suuqdiga ah isku dhacana abuuri kara. Saxaafadda waxaan u soo jeedinayaa inay warbaahinta ka ilaaliyaan wararka iyo maqaalada wax yeelada u leh qaranimada iyo mihnadoodoodii saxaafadeed ama nacayb iyo karaahiyo ku jirto.

Waxaa saxaafadda waajib ku ah inay saxaafadda ka ilaashadaan dadka eryada aflagaadaysan isugu jawaaba saxaafadda dhexdeeda. Saxaafadda waxaa waajib ka saaran yahay oo looga fadhiyaa maalin kasta war  iyo dhacdo xaqiiq ah, war xaqiidadiisu ay sal leedahay oo meel loogu hagaago la yaqaan , war aan loo adeegsan hunguri, war aan loo adeegsan nin jeclaysi iyo nin nacbaysi midnaba.  Halna waxaan u soo jeedinaya dadka qoraalada iyo aaraadaba ku soo biiriya warbaahinta kala duwan ee kala ah websiteska, jaraa ìdkii dalka iyo tiifiiyadaba inay iyaguna waajibkooda iyo mas ùuliyadoodaba ilaaliyaan. In Umadda ay isu jiidaan oo ay erayo latifan iyo dhaliilba is raacin karaan, wixii ra`yi ay ku biirinayaanna war baahintina ka daayaan colaad abuurka, kala fogaynta iyo aflagaadooyinkaba, inaanay isu muuqan, la isuna dul qaato war baahintana laga daayo wararka iyo maqaalada beelaysan iyo isu jawaabista dadka qaarkood kicin kara.

Waxaan taageersanahay Xoriyatal qawlka iyo xoriyadda qoraalka ee ku socota majiirihii, dariiqii iyo hannaankii ay lahayd, waxaan taageersanahay in xukuumad iyo mucaaradba la is dhaliili karo oo ay waajib tahay in la isu maro wadada habboon iyo hannaanka toosan ee xoriyatal qawlka iyo ta qoralkaba . 

Waxaa wanaagsan in dhaqanka anshaxa, ixtiraamka iyo edaabta suubban in la isu dhaliilo, qofk kastaa isaga oo qoraalkiisu eray latifan yahay ayuu hadana wax dhaliili kara laakiin eryga qalafsan ama aflagaadadu ku jirtaa dhaliil ma noqon karo ee waa cay dadka kala fogaynaysa uun. 

Dadku meel ma kala jiro ee waa isku dad, waa walaalo, habar- wadaag, waa ilma abti, waa isu abti iyo xididba. Waxaa iska caadi ah in hadaba aragtida siyaasadeed iyo ta xisbinimadaba lagu kala duwanaan karo  bal se si caafimaad qabta oo deggan doodaha qoraalada la isugu dhaliili karo. 

Waxaan waanadaydan ku soo gunaanadayaa,  umadda reer Somaliland  inay yihiin umad dun nadiif ah oo wanaagsan oo wada waaalo ah. Waa umad xejisatay nabadoodii iyo deganaanshahoodiba.  Hadaba walaaladayda saxaafada iyo dhamaan qorayaasha ku kala duwan ra`yga siyaasadeed waxaan kaga baxaya inay noqdaan kuwii qalinkooda ka ilaashada inaanu marnaba noqon kii sumeeya ama wax yeeleeya nabadgalyada, wada jirka iyo walaalnimadaumada reer Somaliland. 

ILLAAHAY waxaan inooga baryayaa inaynu noqono kuwii ilaashada qaranimadooda, walaaltinamadooda hormar iyo barwaaqana ku dambeeya.

Aamiin
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada

No comments: