Monday, February 18, 2013

Halkan ka Daawo: Telefishanka Ruushka oo baahiyay, muuqaalo cusub oo ku saabsan markii Dhagax ololayaa cirka kaga soo dhacay gobolka Ural ee dalkaas

Moscow: Telefishanka Ruushka ee xukuumadu maamusho ayaa baahiyay, muuqaalo cusub oo isugu jira, kuwo la duubay wakhtigii dhagax olalaya oo sida kubada u malaasani cirka kaga soo dhacay gobolka Ural ee dalkaas iyo dhul baaxadiisu aad u balaadhan tahay oo holcaya kaas oo sida telefishanku sheegay dabka aan ilaa wali ololkiisu bakhtiyin uu dhaliyay dhagaxaasi.

Masuuliyiinta Ruushanka ayaa iyagu wakhti baahinta telefishanka ka horaysay ka hadlay dhagaxaas iyo inta heerkiisu gaadhsiisnaa, kaas oo masuuliyiintaasi ku tilmaameen inuu ahaa nukliyeer kooban oo aan shucaac lahayn, laakiin gaadhsiisan heerkii iyo quwadii nukliyeerka. Gobolka Ural ee dalka Ruushka ayaa dhagaxani maalintii Jimcihii ee 15-ka February 2013-ka, uu ku habsaday, kaas oo isagoo sida kubada u duuban xawaare aad u sareeyana ku socda sida gantaalka oo kale ugu dhacay meel kaabiga ku haysa haro biyo fadhiistaan oo gobolkaas ku taala.

Sida masuuliyiinta Ruushku sheegeen waxa gariirkii iyo xoogii dhagaxaasi markii uu dhulka ku dhacay uu sababay, in guryo badan oo deegaankaas ku yaalay ku dumaan, isla markaana ay ku dhaawacmaan dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa kun iyo laba boqol oo qof, kuwaas oo ilaa sadex boqol oo carruur ahi ku jireen.

No comments: