Sunday, January 27, 2013

TOP SECTRET/Warqad Sir Ah; Wareegtadii Lagu Go'aamiyey Xukumkii Dilka Ahaa Ee Lagu Fuliyey 43-kii Qof Ee Burco Lagu Toogtay 20.12.1984. + Sawirka Wareegtada.




Oslo (Ramaas) Dec.30, 2012 – shabakada ramaasnews waxa ay akhristeyaasheeda halkan ugu soo gudbineysaa waraaq sir ah, taas oo ka soo baxday xafiiskii ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadii ciidamada qalabka sida.

Warqadda oo ah tii lagu fuliyey dilkii toogashada ahaa ee lagu xukumay 43-kii qof ee loo dilay magaalada Burco, dadkaas oo loo laayey qabiilka ay ahaayeen oo kaliya.

Qoraalka ayaa u qoran sidan:

HR.192/84 RG                                                     Burco, 20/12/84 

UJEEDDO:- FULIN XUKUN DIL AH

KU XIGEENKA XEER-ILAALIYAHA GUUD CQS

MARKUU ARKAY:- Go'aanka Maxkamada Dagaalka C.Q.S.

Lam 190/84 ee 20-12-84, kaas oo lagu cayimay

ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay eedaysanaasha kala ah.

1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac
2- “         - Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad
3- “         - Ciise Ibraahin Ismaaciil
4- “         - Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe)
5- “         - Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq)
6- “         - Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani)
7- “         - Axmed Cabdi Xasan
8- “         - Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar)
9- “         - Axmed Yuusuf Mire
10- “       - Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne)
11- “       - Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas)
12- “       - Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur)
13- “       - Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood)
14- “       - G/le Maxamed Cali Qorane
15- “       - Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar - (Qurmiye)
16- “       - Ismaaciil Saalax Wiriye “
17- “       - Maxamed Samatar Axmed “
18- “       - Saleebaan Hirad Aadan “
19- “       - Cali Cabdi Xasan “
20- “       - Aadan Jaamac Warsame “
21- “       - Maxamed Maxamuud Cabdi “
22- “       - Axmed Ismaaciil Maxamed “
23- “       - Cali Cumar Diiriye “
24- “       - Muuse Xasan Ibraahin “
25- “       - Cali Giire Cabdi “
26- “       - C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye
27- “       - Aadan Cali Ibraahin Qurmiye
28- “       - Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye
29- “       - Cabdi Xasan Jaamac “
30- “       - Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto
31- “       - Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay)
32- “       - S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay)
33- “       - Magacu wuu masaxmay
34- "       - S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay)
35- "       - Jaamac Cabdilaahi Saciid
36- “       - Dable Maxamed Cige Xabad
37- Edsane - Cabdi Cali Axmed
38- “        - Saciid Cismaan Geelle
39- “        - Abuukar Cabdilaahi Rooble
40- “        - Cabdilaahi Saalax Giir
41- “        - Cawil Saalax Giire
42- “        - Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) - Maqane
43- “        - Cabdi Xuseen Dheere - Maqane
 
In la fuliyo maanta 20/12/84 Saacadda 0700 subaxnimo laguna fuliyo goobta toogashada Burco.

MARKUU ARKAY:- QOD.227 XEER
MARKUU ARKAY:- QOD. 69 XEER
MARKUU ARKAY:- Xeer lam 54 ee 14.8.82
 
WUXUU GO'AAMIYEY

In go'aanka maxkamadda la fuliyo laguna fuliyo meesha iyo waqtiga ay cayintay, ayna fuliyaan koox ciidan ah oo hogaaminaayo Sarkaal ku haboon isaguna C.Q.Sida kuwaas ahaan K.D.S.iyo daraawiishta Booliiska.

WUXUU KALOO GO'AAMIYEY

In aasidda dadka iyo wixii kharaj ah loo xilsaaray D/Hoose ee Burco si toos ahna uu u maamulaya Guddoomiyaha Maamulka Degmada Burco.

KU XIGEENKA XEER ILAALIYAHA GUUD CQS
G/LE YUUSUF MUUSE FAARAX
 
Akhri Lifaaq Asliga ah ee hoose:  

source: Ramaasnews.com

1 comment:

Anonymous said...

Buenísima publicación. Efectivamente amo este sitio. ¡Seguid de
esta manera! ¡Volveré, ya que he marcado esta página como preferida y lo he twitteado a
mis seguidores!