Sunday, January 27, 2013

Maxaad Ka Taqaanaa Ninka Loogu Magac Daray Cusbitaalka Caruurta Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo maanta ay xadhiga ka jartay Marwada 1aad ee Qaranku Dhakhtark



Waxa magaalada Torino ee dalka Talyaaniga ku geeriyoodey, Allaha u nariistee, Dr Mohamed Adan Sheikh, oo hore mas’uuliyado kala geddisan ka soo qabtay dawladdii hore ee Jamhuuriyaddii Dimoqoraadiga ee Somalia, muddo badanna ahaa maxbuus siyaasadeed, xukumaddii milateriga ee Siyaad Barre.
DR Mohamed Adan Sheikh, waxa uu ku geeriyoodey cusbitaal ku yaalla magaalada Torino, halkaasi oo uu degganaa ilaa intii uu ka soo baxay Somalia, kana shaqayn jirey. Waxanu u geeriyoodey xanuun soo ritey oo muddo sanad ahba hayey.

Taariikh-nololeedkii marxuumka.

Sida laga soo xigtey dadkii aqoonta u lahaa ee ugu dhawaa, taariikhdii DR Mohamed Adan Sheikh oo koobanina waa sida soo socota:
  • Wuxuu ku dhashay dhulka howdka looyaqaan agagaarka Galaadi korkeeda sannadkii 1936.
  • waxaa asaga oo 5 jirah lakeenay magalada Mogadishu halakaas oo dugsi ka bilaabay.
  • Macallin buu noqday ayada oo dalka Talyaaniga waxabarasho oo u aaday horrantii 1950dii.
  • wuxuu jaamicadda Rome ka bartay Dhaqtarnimo asaga oo dalka ku soo noqday 1963, noqdayna dhaqtarkii ugu horreyey oo Soomaali ah oo dadka qala (First Somali Surgeon) asaga oo ka shaqeyeynjiray Isbitaal Martini & Digfer .
  • 1970 wuxuu noqday wasiirkii caafimaadka .
  • 1973 wuxuu noqday wasiirkii Tacliinta sar, waxanu qayb weyn ku lahaa asaasigii kulliyadaha jaamicada, gaar ahanna jaamicaddii daawooyinka iyo dhakhtarnnimada .
  • Aakhirkii 1974 ayaa la xiray oo kacaankii milateriga la isafgarnwaayey sagaal billood ayuna xirna .
  • 1975 wuuxuu noqday guddomihii hogaaka idologiyadda ee Xisbigii Hantiwaddaga .
  • 1980 wuxuu noqday wasiikii Warfaafinta .
  • 1982 marlabaada ayaa la xiray asaga oo lala xiiray madax-badan oo siyaasiyiin ah oo ay ka mid-ahaayeen madaweyne ku- xigeenkii Ismaaciil Cali Abukar halkaas oo uu lix sano labaatanjirow ku xirnaa ayaada oo Amnesty International ugu magacadartay MAXBUUSKI SIYAASIKA EE 1984.
  • markii maxkamadii siidayseyna 1988 ayaa hal sano oo kale guriga lagu xiray.
  • 1990 ayu Dalka Talyaaniga u soo dhoofay halkaas oo magalada Torino uu soo dagay.
  • Shaqadiisii hore ee Dhakhtarnimdii ayu ku noqday hase yaashe 1997 ayu doorahso ka qaybgalay waxaana loo doortay xubin dowladda hoose ee magalada Torino muddo kaddib wuu ka baxay oo dhakhatarnimadiisii buu ku noqday aysaga oo cisbitaalka Torino ku yaal ka noqday agasimaha caafimaadka ee cisbitaalka halkaas oo uu hal sano ka hor ka howl gabay .
  • ugu dabeyntii wuuxuu hadda madax ka ahaa xarunta Cilmibaarista Piemonte ee loogu talgalay Dhaqanka Africa (Centro Piemontese di Studi Africani)
  • DR. MOHAMED ADEN wuxuu qoray la buug oo la kala yiraahdo Arrivederci a Mogadiscio. Somalia: l’indipendenza smarrita oo micneheedu yahay XAMAR BAAN ISKU ARKI DOONAA: XORNIMADA NAGA SIBIIBIXATAY iyo SOMALAI NON E’ UN’ISOLA DEI CARAIBI oo ah SOMALIA MA AHA JASIIRAD CARIBBEAN
  • Wuxu marxuumkaasi ka tegey xaas iyo 3 carruur ah oo hadda hadda muddakar ah.
 Xigasho:- BBC SOMALI.

Marwada 1aad ee Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa maanta munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayay xadhiga ka  jartay Cusbitaalka Caruurta ee Caasimada Hargesya. Cusbitaalkan oo ah mid aad u wayn waxa loogu magac daray Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo EEBE naxariistiisa jano ha siiyee aynu taariikh nololeedkiisa kor kaga soo sheekaynay. 

Wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Yuuusuf Gabboose oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in Dr Maxamed Aadan Sheeekh ALLE ha u naxariistee ay u suuro gashay inuu Somaliland ka dhiso dhakhtarkan isagoo gacan ka helayey macalimiinta Jaamacadda Turino ee Dalka talyaaniga.

Intaasi Kadib waxan akhristayaasha jecelahay in aan u soo bandhigo Maqaal uu qoray Waiye fiiro dheer leh: oo la yidhaa Maxamed Amiin.


Dardaarankii Dr. Mohamed Aadan Sheekh & Furaha Wadahadallada, Somaliland-Somalia

Furaha dhabbaha wada-hadalada labada dhinac, Somalia iyo Somaliland waxay ka bilaabmi karaan in la qiro baahida ah abuurista xaalad debecsan oo hordhac u noqota turxaan bixin iyo kalsooni abuur. Si loo dhayo dhaawacyda iyo tabashada dadka reer Somaliland (Healing processes and measures).

Arrinkani waa mid qiima weyn ku leh cilmiga diblomasiyada iyo dhaqanka wada hadalada iyo xallinta khilaafaadka.

Dr. Mohamed Aadan Sheekh, Alle ha u naxariistee, markii uu ogaaday in geeridiisii soo dhawaatay ayaa wuxuu kula dardaarmay xaaskiisii inay Hargeiysa ka dhisto Cusbitaal.

Taasi waxay wax weyn ka beddeshey aragtidii dadka reer Hargeysa ka qabeen dadka reer Soomaaliya waxaanay u beddeshay dhinaca wanaagsan. Waxaa kale oo halkan xusid mudan hadalo ka soo yeedhay Dr. Abdilaahi Osoble Siyaad, markii uu ku dooday in dadka reer Somaliland ay hore-ba u diideen aftidii Dastoorkii 1963kii loo codaynayey oo ay ahayd in lagu xalaaleeyo midnimadii labada dhinac. waxaa kale oo arrinkan meel muuqata oo wax-ku-oola ka iska taagey Ambassador Abdillaahi Addow, markii  uu  lahaa, waa in Somaliland loo wada hadlaa si siman oo walaaltinimo ah. Waxaa kale oo xusid dheeraada mudan ninkii pilot-ka ahaa ee markii lagu amrray in uu ka qayb-qato duqaynta Hargeisa, isaga oo ka duulaya Madaarkeeda, iska bedelay ee diyaaradiisii la galay dalka Djibouti.

Waxaa intaba ka horeeyey oo sidoo kale mawqif cad iska taagey, Alle ha u naxariitee, ninkii la odhan jirey Abdilaahi Majoor, markii uu BBC ka yidhi Somaliland xaqbay u leedahay aqoonsi, maxaa yeelay markii la midoobayba waxay ahayd dawlad madaxnannaan oo adduunku aqoonsaday. mawqifyada sidan oo kale ahi waxay ka soo horjeedaan oo si toosa u burinayana weedhaha faraha baddan ee xanuunka badan oo aan loo miidaan deyin, sida 'Midnimadu waa Muqadas”, ma go’i karaan” xasuuq ma dhicin' IWM.

Cusbitaalka haatan dhismihiisu dhamaadka ku dhow yahay ee Dr. Mohamed Aadan Shiekh waxa uu tilmaan u yahay dhinaca wax-ku-oolka ah oo sahanka u ah mustaqbalka wadahadaladan maanta furmay.

Waxa uu sidoo kale horseed u yahay yuhuunta walaalnimada labada shacab. waxaa kale oo uu muraayad u yahay fekerkii hormoodka ahaa ee Dr. Mohamed Aadan  Shiekh rumaysnaan jirey. Waxaan xasuustaa arrin la iiga sheegay mar ay isaga iyo Mohamed Siyaad Barre wada hadlayeen, waxaana iiga soo Weriyey, Alle ha u naxariistee Warsame Ali faarax (Warsame Juguf) waxaanu ii sheegay in Dr. Mohamed Aadan ku yidhi Siyaad Barre.. “Waar bi'waaye dalka ha burburin,burbur buu ku socdaayee, reerkana magaciisa ha ceebayn”

Haddaba, dalkii waa kaas burburay, waxaanan qabaa in reerkii Siyaad Barre ka dhashay aanu ceebaysnayne, waxaa ceeboobey uu yahay nidaamka ama xukunka keligi talis ah.

Maanta oo labaatan sano ka badan la sii kala maqnaa sababo badan oo la og-yahay dartood, waxaa maanta taagan baahi wayn oo ah in la ogaado xaqiiqada ah in wada hadaladu u baahan yihiin ragg ama dumar la feker ah Dr. Mohamed Aadan Shiekh, iyo ragga kale ee aan hore magacooda u xusay. Dhinaca Somalilandna waxaa loo baahan yahay in la ogaado in dadka reer Somalia aanay, dad ahaan isku wada raacsanayn waxa loo yaqaan 'Midnimada Muqaddaska ah'  diktatooriga ah, ee ku dhisan argtida kiliya oo aan lahayn dulqaadka xambaarsan dareenka ka soo horjeeda kala-duwanaanshaha iyo is-ahaanshaha, dersnimo wanaaga, iyo wax-wada qabsiga, uu horseeday Dr. Mohamed Aadan Shiekh iyo ragga kale ee magacyadooda aan hore u xusay.

Haddaba waxaan leeyahay,wadahadaldu ha ku socdaan mabda'a dulqaadka iyo riiq-dheerida. Waana in lagu talo galo in wadahadaladu ay waqti dheer socon doonaan, maxaa yeelay waxaan qabaa in            dawlad-dhiska Soomaalia aan weli waxba ka dhaweyn. oo gacmaha  ajanebi ee ku jiraa kala  wataan danno kala duwan oo u kala gaara, marka hore, marka labaad-na waxa keliya ee ay isla oggol-yihiin yahay in ay iska fogeeyaan dhibaatada Somalida. Taasina waa mid aan lagula yaabi karin, inta siyaasiyiina Soomaalidu ay wadaan “I jiid aan ku jiidee!.

Wabillahi tawfiiq.

Adam Muse Jibril
Email: adamjibril@hotmail.com"> adamjibril@hotmail.com

No comments: