Monday, May 5, 2014

SOMALILAND OO KA QAYB GALAYSA TARTANKA BARIGA & BADHTAMAHA AFRIKA EE KUBADA KOLAYGA

MAYORKA CAASIMADA IYO WASIIRKA CIYAARAHA OO SAGOOTIYAY KOOXDA KUBADA KOLAYGA EE DAWLADA HOOSE OO U ANBA-BAXDAY KA QAYB GALKA CIYAARAHA BARIGA IYO BADHTAMAHA AFRIKA.

Hargaysa - Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha  Iyo Moyarka Caasimada Hargaysa Ayaa Saaka Sii Sagootiyey Kooxda Kubada Kolayga ee Dawlada Hoose Oo Dalka Tanzania Kaga Qayb Gelaysa Ciyaaraha Barriga iyo Badhtamaha Afrika oo maalmaha soo socda furmi doona.


Wasiirka Ayaa Waxa Uu Kula Dardaarmay In Ay Muujiyaan Ciyaar Wanaag,Markastana Isku Hawlaan Sidii Ay Usoo Saari Lahayeen Magac Somaliland,Waxaana Uu Usoo Jeediyey Inaanay Goobtaasi Lagu Ciyaarayo Aanay Kasoo Raacin Maga Xumo.
Sidoo Kale Moyarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Ayaa Isna Dhankiisa Ku Booriyey Kooxdaasi Tagaysa Wadanka Tansaaniya,In Muujiyaan Ciyaar Wanaag Isla Markaas Ay Goobtaas Kala Yimaadaan Sharaf Iyo Magac Muuqda.
Ugu Horen Waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Olanbikada Oo Safarkaasi Qayb Ka Ahaa Waxaana Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay”
“Naadiga Ku Ciyaaray Magac Dawlada Hoose Ee Hargaysa Waxa Goobtan Ku Sugan Oo Anba Bixinay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Moyarka Caasimada Hargaysa Xildhibaano Ka Socda Golaha Deegaanka Ee Hargaysa Waxaana Raacaya Oo Safarka Ku Jira Xildhibaan Cago Yare,Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga.
Dhinac Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Maayarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiidi Solteco Waxaana Uu Yidhi”
“Waxa Laga Yaabaa In Ay Sannadkii Hore Idinka Habsaantay Sannado Badana Idinka Habsaantay Runtii Waxa Weeyaan Waa Dhaqaalo Yaraan Uun Idinka Oo Dhaqaalaheena La Socda Waanu Jecel Nahay Inaanu Dhalinyarada Waxa La Qabano Sannadkan Waanu Kasii Fikirnay Ka Hor Lakiin Sannadkii Hore Waxaanu Ugu Nimi Miisaaniyada oo Sharciyaysan Ayaanu Ugu Nimi Oo Aanay Sportiga Waxba Ugu Jirin,Idinka Oo Og Inaanu Garoonadii Wax Ka Qabanay Idiinka Aanu Safarkiina Wixii Aanu Idiinku Talo Galnay Iyo Waxaanu Ka Qaadan Karo Isku Dayno,Run Ahaantii Waxaanu Doonaynaan Ciyaarta Waa La Kala Badiyaa Waad Badin Kartaa Waana La Idinka Badin Kartaan Lakiin Waa Inaad Ku Suntanaataan Ciyaar Wanaag,Layidhaa Dadka Ka Yimid Somaliland Ciyaar Wanaag Ayey Halkaas La Yimaadeen Waxaana La Idiinka Baahan Yahay Inaad Magac Somaliland Soo Saartaan.
Maayarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Raaciyey”Kubada Waa Bar Cadaan Ah Iyo Bar Badawo Hadii Aad Badisaa Waxaad Kor Usoo Qaadeen Magacii Somaliland Lakiin Waxaan Anigu Idinku Dardaarayaa Waa Midh Qudha,Waxaana Weeyaan Inaad Si Asluub Leh Oo Dhaqan Wanaagsan Aad Walaalihiin Aad Iskugu Imanaysaan Bariga Iyo Badh-Tamaha Africa Ula Ciyaartaan Idinka Oo Halkaas Insha Alaah Magac Fiican Kasoo Kordhin Doona,Muhuumada Ciyaarahu Waxa Weeyaan Is Dhexe Galka Oo Ah In Aynu Wadamadaas Aynu Is Barano,Waxaana Aynu Nahay Wadanka Kaliya Ee Aqoonsiga Somaliland Lahayn Ee Hadan Doonaya Inuu Guul Kala Soo Hoydo Sidii Ay Caalamka Ugu Noqon Lahayd Cashar.
Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal Oo Isna Halkaasi Ka Hadlaya Ayaa Waxa Uu Sheegay:
“Kooxdan Baaskidka Ee Ku Ciyaaraysa Magaca Dawlada Hoose Waxaanu Leenahay Marka Hore Guul Iyo Wanaag Ayaanu Idiin Rajaynaynaa Marlabaadka Waxaad Tagaysaa Wadan Kale Waxaanad Ka Baxaysaan Wadankiina Sannadkii 2012kii Markii Aad Tagteen Meeshii La Odha Jira Kanbaala Waynu Sii Dardaaranay Wixii Aynu Kusii Wada Hadalnayna Oo Dhana Sidiisa Ayaad U Fuliseen Kaas Oo Ahaa Inaad Ciyaarta Kagag Qayb Gashaan Ciyaar Wanaag Iyo Asluub Wanaag Idinkuna Aad Isku Muujisaa Dadka Iyo Dalka Aad Tagaysaan Aad U Muujisaan,Sidii Maayarku Sheegay Hadii Ciyaar La Tago Oo Dadku Tartamaan Maaha In La Guulaysto Ka Guulaystay Iyo Kaan Guulaysanba Waxa La Doonayaa Inaad U Hambalyaysaan Waxaana La Idinka Doonayaa Sum-Cadiina Iyo Ka Wadankaba Aad Kor Usoo Qaadaan,Oo La Idin Yidhaa Waa Kuwii Ugu Akhlaaqda Wanaagsanaa Oo Shaadao Sharaf Sita.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Ku Daray”
“Runtii Qofkastaa Marka Uu Wadankiisa Ka Tago Ee Uu Meel Kale Tago Waxa Uu Noqdaa Laba Mid Uun Dadkuna Waxa Uu Ku Kala Duwan Yihiin Afafka Iyo Luuqadaha Iyo Midabka Uun Lakiin Dadku Garaadka Iyo Caqliga Si Uunbay Uwada Fikiraan Oo Ay Isku Fahmaan Waxaan Markaas Idinku Dardaarayaa Inaydaan Noqon Dad Lagu Xanto In Ay Yihiin Qaar Xun Waad Ogsoontiin Inaad Tihiin Dal Yara Oo Curdina Aanay Beesha Caalamkuna Aqoonsan Ee Inaga Waxa Inoo Dan Ah In Aynu Ka Dhexe Muuqan Dalal Kale Oo La Aqoonsan Yahay.

No comments: