IBRAAHIN YUUSUF AXMED HAWD
Burburkii weynaa ee innagu dhacay dhaqanxumooyinka
ka dhashay waxaa ka mid ah sheegashada magacyo iyo xilal ku dhisan dhalanteed
ama danaysi xun. In magacyo iyo xilal aan la isu ogayn oo la isu aqoonsanayn la
sheegto waxaa ka sii daran hawlahaas oo aan qofka sheeganayaa gudan karin aqoon
ahaan iyo karti ahaanba.
Hawlahaa markooda horeba waxaa loo qoondeeyaa in
loogu danaysto si aad uga leexsan oo aad uga liidata sida loo sheegayo. Urur
siyaasadeed, urur samafal, urur diineed, urur dhaqameed, jaalliyad qurbejoog…
intaas oo waji iyo in kaleba waxani waa ay ku yimaaddaan. Waxyaalaha iyada oo
aan la ahayn sida dhalanteedka ah la isugu boqro waxaa ka mid ah fannaan,
abwaan, qoraa, suxufi, aqoonyahan, sheekh iyo xitaa madaxweyne. Dhaqankaa soomaalidu
ma ay lahaan jirin ee waa aafo innagu cusub. Gabyaagu gabyaa buu ahaan jiray
bulshadu u aqoonsan tahay, sheekhu sheekh buu ahaan jiray sidaa lagu og yahay,
suldaanku suldaan buu ahaan jiray dadkiisu ku oggol yihiin, hoobalku hoobal buu
ahaan jiray sidaa loo yaqaan, qof walibana waxa uu ku astaysan yahay buu dhab u
ahaa, waayo waxa ay ahayd wax uu ku sifoobay oo loo aqoonsaday.
Somali Pen (Ururka Qalinleyda Iyo Halabuurka
Soomaaliyeed) aniga oo aan rasmi ugu biirin, oo xitaa xeerkiisa arag, weligayna
meel arrinkiisa lagu hayo tegin, ayaan haddana la shaqeeyay oo dhiirrigeliyay.
Wax aan u arkayay xil anigaba ii yaallay oo la iga furtay. Urur magacaas leh in
la sameeyo iyo in la la shaqeeyaaba waajib bay ahayd. Waa loo baahnaa samayn
urur mideeya dadka halabuur ahaan isku xirfadda ama isku hiwaayadda ah. Taas
ayaa waxtar u ah in la wada difaacdo xuquuqda fikirka iyo halabuurka, in la
isla kaashado korinta waxa la wada jecel yahay oo af soomaaligu ugu horreeyo,
iyo in la noqdo madal lagu ilaaliyo habsamida qulqulka fikirka iyo halabuurka
bulshada. Xilkan culayskiisu waxa uu sii muuqanayaa kolka la og yahay baahida
laxaadka leh ee hor taalla afka iyo qoraalka soomaaliyeed.
Somali Pen haddaba wax ay ahayd in uu u taagnaado
ilaalinta dadka uu matalayo xuquuqdooda, danahooda iyo xorriyadda fikirkooda.
Si taa la mid ah wax ay ahayd in uu wada daboolo dadka uu magacooda huwaday
aragtiyahooda. Wax ay kale oo ay ahayd ururkaasi in uu matalo damiirka iyo
xorriyadda fikir ee idil ahaan bulsho weynta soomaaliyeed. Haddaba muddo dheer
oo ururkaasi magaca dadka soomaalida sitay ka dib waxaa la joogaa goortii la la
xisaabtami lahaa.
Ugu horreynba sida ururradeenna caadada u noqotay
mugdi weyn baa ku jira anshaxa Somali Pen ku shaqeeyo.
Haddii aynnu u fiirsanno waxaa inoo muuqanaysa in
aanu dhab uga run sheegin waxa uu ku magacaaban yahay, hubaashiina ku dhisan
yahay dhalanteedkii iyo danaysigii aynnu kor ku soo xusnay. Somali Pen
arrintiisu wax ay dhaharatay kolkii la hoos geeyay mid ka mid ah kelitalisyada
tirada yar ee dunida ku sii hadhay. Jabuuti oo la og yahay dulmiga siyaasadeed
ee yaalla iyo xorriyad la’aanta fikir ee bulshadu qabto, ayaa ururkii la hoos
geeyay. (Halkan ka arag falalkii ugu dambeeyay kelitalisnimada iyo argaggixinta
uu Ismaaciil Cumar Geelle dadkiisa ku hayo:
http://www.wardheernews.com/dawladda-jabuuti-oo-xubno-badan-oo-mucaaradka-ka-tirsan-xabsiyada-ku-gurtay/).
Somali Pen waxa Jabbuuti geeyay waa in magaca ururka
lagu socodsiiyo damaca xun ee kelitaliyahaa. Ujeedku waa in magaca halabuurka
iyo qalinleyda soomaaliyeed kelitalyahaa lagu maamuuso oo lagu qurxiyo, loogana
dhigo cod iyo tamar uu bulshadiisa madaxa kaga garaaco. Xitaa xubnaha ururka ee
aan siyaasadda ninkaa u jajabnayni kolka ay Jabbuuti joogaan wax ay ku qasban
yihiin in ay kelitaliyahaa ammaanaan, ama in ay ammaanistiisa aan xaqa ahayn
madaxa u ruxaan. Laakiin Somali Pen taa beddelkeeda ayay ahayd in uu u taagnaado.
Wax ay ahayd in uu nodqo codka xorriyadda iyo baaqa xaqa.
Guddoomiyhii hore ee ururka, Aadan Xasan Aadan
(Beleloo) wax aad moodi jirtay afhayeenka Ismaaciil Cumar Geelle, imikana waaba
Wasiirka Awqaafta. Aadan mooyi in uu weli ururka xubin ka yahay, taas oo aanu
xaq u yeelan karin isaga oo wasiir ah, kollayba se arrinkiisu waa tusaale
foolxun oo muujinaya ururkaasi sida uu siyaasadda ugu milmay.
Wargeys dhaqan-aqooneed oo afka Somali Pen ku soo
bixi jiray, kaas oo aan runtii u hanweynaa dadaalna ku darsaday, lana dhihi
jiray Hal-abuur, waxaa la degay oo lagu wada nacay ammaanista iyo qurxinta
kelitaliye Ismaaciil Cumar Geelle. Ururku wax ay ahayd in uu wada xaqdhawro oo
dhex ka noqdo aragtiyaha siyaasadeed ee ay dadka uu matalaa ku ka la duwan yihiin.
In kelitaliye loogu hiiliyo oo midiidin looga dhigaa dhexdhexaadnimo ma aha.
Taa waxaa la mid ah sida aanu Ismaaciil weligii dhexdhexaad uga noqon qaybaha
badan ee Soomaaliyadii burburtay.
Dhinac kale haddii laga eego, dadka Somali Pen
dhisay, iyo in badan oo xubnihiisa ka mid ahi, waa dadkii dumiyay maamulkii
Soomaaliya iyaga oo diiddanaa kelitalisnimadii Maxamed Siyaad Barre iyo
xorriyad la’aantii fikir. Kolkaa sidee buu damiirkoodu u oggolaaday in ay u
sacabtumaan kelitalisnimada Ismaaciil Cumar Geelle? Bulshada reer Jabbuuti
iyaduba sow u ma qalanto oo xaq u ma leh xorriyad siyaasadeed iyo fikir? Runtii
Somali Pen waxa uu fadqalallo ku yahay siyaasadda gudaha Jabbuuti, waayo
awooddii iscaabbinta bulshada ayaa ku waxyeelloobaysa.
Haddii aad kelitaliye ammaanto oo maamuusto ogow wax
aad adhaxda ka jebisay kii ku hoos dulmanaa ee hiilkaaga u baahnaaye. Xubnaha
Somali Pen ee Geelle midiidinka u ahi kolka ay sidaa yeelayaan waxgarad badan
oo dalkaa u dhashay baa caloolxumo waddooyinka la tuban oo ciil dibnaha
ruugaya. ”War dadkan kelitaliyaha nagu ammaanaya yaa naga qabta?! ayay meel
walba ka lee yihiin.
Urur ay ahayd in uu u taagnaado ilaalinta xorriyadda
fikir ee dadka afka soomaaliga ku hadla oo dhan, haddii kelitaliye lagu ammaano
qudhiisa ayaa xorriyadda fikirka cadow u ah. Haddii ay ahayd Somali Pen in uu
noqdo damal fikirka xorta ahi hadhsado, ma aha in uu noqdo durbaan lagu
taageero dulmi iyo kelitalisnimo.
Haddaba dhammaan xubnaha Somali Pen waxaa ku waajib
ah in ay ka fekeraan sidii ururkaa loogu duwi lahaa tubta toosan si uu waxtar u
noqdo. Waana in laga dhigaa madal lagu difaaco laguna xoojiyo halabuurka iyo
guud ahaan xorriyadaha fikirka. Waa in si buuxda looga madaxbanneeyaa danaha
siyaasadeed iyo waxyaalaha lagu qaybsan yahay.
Ibraahinhawd@hotmail.com
www.ibraahinhawd.com
No comments:
Post a Comment