Sunday, March 16, 2014

Russia vetoes UN Security Council resolution on Crimea - WATCH VIDEO

Russia has vetoed a United Nations resolution condemning the referendum on Ukraine's Crimean regionas illegal.

New York - Fadhi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku yeesheen, xaruntooda magaalada New York, ayaa xubnaha badankoodu isku raaceen in la canbaareeyo isla markaana sharci daro lagu tilmaamo aftida saacadaha soo socda ka dhacaysa, Degaanak Crimea ee Ukraine, hasa yeeshee waxa Qaraarkaas codka diidmada Qayaxan VITO ku hor istaagay Ruushka oo isagu ah waddanka laga yaabo in Crimea ay ku biirto aftida ka dib.

Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa 13-ka mid ahi taageereen qaraarkan oo Maraykanku soo jeediyay, halka dawlada Shiinuhu ka aamustay, Ruushkuna Vito ku kala diray, waxaana markii codka diidmada Qayaxan ee Ruushku isku hor taagay, bilaabmay canbaarayn maldahan oo dalalka Golaha Ammaanku Ruushku dusha uga tuurayeen, waana markii sideedaad ee golaha ammaanku ku guul daraysto xal midaysan oo xiisada Ukraine uu ka gaadho.

No comments: