Friday, February 21, 2014

WAR DEGDEG AH OO FAAHFAAHSAN: Madaxtooyada Somalia oo Qaraxyo Xoogani Ruxeen: Madaxwayne Xasan Wax ma Gaareen?

Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta ka dhacay banaanka hore ee xarunta madaxtooyada dowladda KMG ah ee Villa-Somalia.
Ilaa 5-qof ayaa lagu soo waramayaa inay qaraxaas ku geeriyoodeen, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 10-qof oo kale.
Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira qaar ay xaaladoodu aad u liidato waxaana durbadiiba loola cararay xarumaha caafimaadka iyo Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Cabdilaahi Xasan Bariise oo ah taliyaha ciidamada denbi-baarista ee DKG oo waxyar kadib markii uu qaraxaasi dhacay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay wax u dheceen.
Dhinaca kale waxaa mas’uuliyadda qaraxaas sheegtay ururka Al-shabaab oo qaar kamid ah saraakiishoodu ay arintaas warbaahinta magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen.
Al-shabaab ayaa intaas ku daray in weerarkan uu fuliyey nin isasoo miidaamiyey oo ka tirsan ciidamadooda, waxayna sheegeen inay ku dhinteen dad u badnaa askar ka tirsan kuwa DKG ah ee Soomaaliya.
Goobta uu qaraxaasi ka dhacay ayaa ah maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taal iridda hore ee madaxtooyda, waxaana xiligii uu qaraxu dhacayey goobtaas ku sugnaa askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada.
Waa qaraxii 2-aad ee noociisa ah ee sanadkan ka dhaca magaalada Muqdisho, horaanta bishii hore ee Feb ayeyna ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay meel u dhow Hotel Muna ay ku geeriyoodeen in ka badan 10-qof, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.
















No comments: