Muqdisho - Al-shabaab ayaa Salaadii Jimce weerar ay ku gashay Qasriga Madaxtooyadda Somaliya ka fulisay magaaladda Muqdisho, halkaas oo laguy soo waramayo qarax iyo is-rasaasayn in ay ku dhex martay labada dhinac.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya saraakiil ka tirsan dawladda oo masaajidka kula tukanaysay Madaxweynaha Somaliya in ay ku dhinteen weerarka isla markaana ay jiro khasaare balaadhan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda kaasoo saameeyey labada dhinacba.
Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Guuleed ayaa intaas ku daray in kooxihii weeraray madaxtooyada qaarkood la dilay kuwa kalena la qabtay ayna dowladdu gacanta ku hayso isagoo aan sheegin tirada ay qabteen.
Xilliga weeraradan ay dhacayeen ayaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay ku tukanayeen salaadda Jimcaha masaajid ku yaalla gudaha madaxtooyada.
Hase ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo; balse ay jiraan saraakiil dowladda ka tirsan oo weerarkan lagu dilay.
Wasiirka ammaanka Qaranka C/kariin Guuleed ma sheegin khasaaraha nafeed ee weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan ka dhashay, mana jirto cid uu si gaar ah ugu eedeeyay inay weerarka ka dambeysay.
Ma jirto cid weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan, balse Al-shabaab ayaa looga bartay weerarrada noocan oo kale ah inay ka fuliyaan Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment