Sunday, February 16, 2014

MAWQIFKA DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND EE MARXALADA DALKU MARAYO IYO QALALAASAHA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND




Ref: HW/O24/2014 Issued on 11 Feb. 2014

Ku: Guud ahaan Shacabka Somaliland - Gudo iyo Dibadba
Ku: Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland - Xarunta Barlamanka
Og: Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland - Xarunta Barlamanka
Og: Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud 'Siilaanyo'Madaxwaynaha JSL

Damiirka Aadaminimo iyo kan muwaadinimo ayaa nagu khasbaya in aanu u soo bandhigno Madaxwaynaha, Mudanayaasha Golayaasha Sharci Dajinta iyo Shacabka Somaliland xogaha qarsoon ee ku lamaan qalaasaha ka oogan aqalka hoose ee baarlamaanka Somaliland.

Anagoo ah Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ururada bulshada oo ka dhisan guud ahaan gobolada dalka Somaliland.

Anagoo si taxadar badan leh ula socona guud ahaan dhacdooyinka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dalkeena gudihiisa iyo dibadiisaba ka, isla markaana xogogaal u ah xaalada iyo duruufaha u gaarka ah ee dalkeenu uu la nool yahay dhinaca xidhiidhka caalamiga ah ee hoos taga nidaamka Qaramada Midoobay iyo kuwa qaaradeed ama goboleed (AU, IGAD).

Kuna baraarugsan marxalada haatan dalkeenu marayo, qabyada jirta iyo wuxuu daaran yahay qalalaasaha ka oogan Aqalka Hoose Ee Sharci Dajinta.

Difaacayaasha xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xoogan uga walaacsan yihiin in ay ogaadaan ilaa xad heerka Khatarta badan leh ee Qalalaasaha Golaha Wakiilada Somaliland uu si toos ah ugu gaystay mustaqbalka iyo danaha qaran ee dalka Somaliland. Taasi oo ah tan maanta aanu qaylo dhaantan u jeedinayno. Natiijooyinka uga soo baxay baadhitaano ay sameeyeen Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa aanu ku ogaanay in Qalalaasaha Wakiiladu in uu ka gun dheer yahay mid ku kooban tartan dhinaca awooda ah oo u dhexeeya Axsaabta Qaranka

BILOWGA QALALAASAHA WAKIILADA IYO WAREEGII 5AAD EE WADAHADALA SOMALILAND & SOMALIA

Dhinaca Somaliand dhawr arimood ayay kaga kaga duwanaayeen wadahadaladii ugu dambeeyay ee magaalada Istanbul ku dhexmaray ergooyin ka kala socday Somaliland iyo Somalia 16-19 Janaury 2014. Ergada Somaliland waxa aan la soconin Madaxda 2da Xisbi Mucaarid, dhinaca kale xubnaha Ergada Somaliland oo ay ka wada muuqdeen beelaha Somaliland ayaa dhinacyada farsamada iyo diyaargarowgaba ka horumarsanayd marka loo eego wareegyadii hore.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxanu aaminsan nahay in Wadahadalada Somalia iyo Somaliland ay la mid yihiin Wadahadaladii badhtamihii sanadkii 1960 magaalada London ku dhexmaray Boqortooyada Ingiriiska iyo Ergo ka socotay Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland Protectrate ku waasi oo kala ahaa - RABI NAXARIISTIISA JANO HAKA WARAABIYO DHAMAANTOODE:

Mohamed Ibrahim Egal, Garad Ali Garad Jama, Ahmed Hajji Duale (Keyse), Hajji Ibrahim Nur, U fiirso ergadaasi waxay ka koobnaayeen dhamaan beelaha wada dega dalkeena. Ergadan oo London u tagay in ay soo dhiraandhiriyaan Xoriyad Maxmiyada Somaliland ka hesho gumaysigii Ingriiska, waana ay ku soo guulaysteen.

54 Sanadood waxa haatan Somalia iyo Somaliland u socda wadahadlo la miisaan ah kuwii ergadii beelaha wada leh Somaliland ay 1960kii la galeen boqortooyada Ingiriiska ee Xoriyadii 26 June 1960kii aynu qaadanay sababay.

NASIIBDARADA HAATAN DHACAY MAXAY TAHAY: Wareegii ugu dambeeyay markii uu ka socday Istanbul ergooyinkii Somalia iyo Somalialnd oo miiskii wadahadalka wada fadhiya ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayuu hordhigay mooshin dhabarka lagaga tooganayo xubno ka mid ah Ergada u matalaysay dalkeena WADAHADALADA ujeedkoodu yahay Xidhiidhka Mustaqbalka ee Somaliland iyo Somalia. Gudoomiye K/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland ah darwiish/ Mudane Baashe Maxamed Farax oo ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka culus ergada Somaliland marka loo eego dhinaca deegaanka iyo wadajirka midnimada shacabka Somaliland ayuu Gudoomiye Ciro mooshin lagu sadqaynayo golaha wakiilada duuduub kaga ansixiyay.



Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan talaabadaasi Gudoomiyaha Wakiiladu qaaday gantaal lagu naafaynayo karaamada ergada Somaliland iyo mid lagu dhantaalayo midnimada shacabka Somaliland. Anaga (Bulshada rayidka ah ee Somaliland) waxa aanu si xoogan u aaminsanahay miisaanka culus ee Gudoomiye K/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Farax uu kulahaa ergada Somaliland in ay la mid ahayd MIISAANKII iyo DOORKII Rabi naxariistiisa jano haka waraabiyee Marxuunkii/Darwiish Garad Ali Garad Jama, uu ku lahaa ergadii 54 sano ka hor bishii May 1960 Mustacmarkii Ingiriis wadahadaladii xoriyada Somaliland ku keentay.

Dhinaca kale, Ergadii ka socotay Xukuumada Federaalka Somalia iyagoo miiskii wadahadalada fadhiya ayaa Dawlada Federaalka Somalia xilal cusub u magacowday qaar ka mid ah ergadoodii oo labo (2) ka mid ah u magacaabeen xilal wasiiro ah. Halka xubno ergada Somaliland kuwii ugu Miisaanka culusaana golaheena wakiiladu ay dhabarka ka tooganayaan.

Talaabadan ayaa noola muuqata mid uu Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ku kala fogaynayo midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland wada leh, isla markaana ah weerar si toos ah uu ugu mijoxaabinayo wadahadalada misiirka dalka Somaliland.

Xogta taasi ka sii yaab badan ee aanu shacabka u sheegayno ayaa ah mid ka dhexmuuqata wax ka bedelka xeer hoosaadka iyo isku shaadhaynta gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada Somaliland, isagoo awoodahiisa u gaarka ah isticmaalaya Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland wuxuu u magacaabay gudiga ugu miisaanka culus gudi hoosaadyada golaha wakiilada gaar ahaan gudoomiyaha gudida joogtada ah Xildhibaan Mahdi Buubaa oo xubin qoyskiisa ka tirsani Ismail Buubaa ka mid yahay Ashkhaasta faro-ku-tiriska ah ee Dalka iyo Umada iyo Distoorka Somalilandba KHIYAAMEEYAY hadh iyo habeena DHAGARAHA u soo maleega. Inkasta oo ay labo shaqsi ay kala yihiin loona nisbaykarin Gudoomiyaha cusub ee Gudida Joogtada ah uu u magacaabay Abdirahman Ciro Gudida Joogtada ah, hadana amaanada amaanka Qaranku (National Interest) mar kasta waa in ay ku jiraan gacmo aamin ah.

FARIINTA DHAQDHAQAAQYADA DIMUQURAADIYADA SOMALILAND U DIRAYAAN GUDOOMIYAHA GUDIDA JOOGTADA AH EE GOLAHA GUURTIDA

Anagoo u hayna ixtiraam farobadan kuna dabo taagana amaanada culus iyo kaalinta wax ku oolka ah ee Golaha Guurtidu kaga jiro dhismaha Qaranka Somaliland, waxanu si buuxda u taageersanahay ergada Guurtida ee uu hogaaminayo Aabaha Nabada Somaliland Mud.  Xaaji Abdikariim Xuseen waxana aanu EEBE uga baryaynaa in uu ku guuleeyo. 

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay aaminsan yihiin in ergada golaha guurtida ee khilaafka golaha wakiilada gacanta ku haysaa in ay awoodooda isugu geeyaan sidii Golaha wakiilada Somaliland ugu sii shaqayn lahaa nidaamka dimuquraadiga ah ee uu ku dhisan yahay isla markaasina lagu soo doortay. Talaabo kasta oo lagu muquuniyo tirada badan (Majority) waxay dhaawac halis ah ku tahay nidaamka dimuquraadiyada ee dalkeena iyo distoorkeenu jideeyay.

DHAQAN KU CUSUB DALKA: RAG KU BAAQAYA IN UU DHIIG KU DAADAN DOONO DALKA

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay xogogaal u noqdeen rag Muqdisho dhexdeedana todobaado ka hor kaga jiray olole ay ku rabaan xilal in ay u magacawdo Xukuumada Federaalka Somalia, markii ay ku soo hugoobeena maalmahan u dambeeyay Caasimada Somaliland Shirar Jaraa'id ku qabanayay oo ku goodiyay in dhiig sokeeyo ay ku daadan doono.

Falalka noocaasi ah dhaliisheeda waxa iska leh Xukuumada Madaxwayne Siilanyo gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo hay'adaha sharci fulinta.

KHATARO HORLEH OO SOO FOODSAARAY GEEDISOCODKA DIMUQURAADIYADA SOMALILAND

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay bulshada caalamka iyo dalalka ka taageera dimuquraadiyada dalkayaga Somaliland la socodsiinayaan werwerka aanu ka qabno dhaqdhaqaaqyo dhinaca siyaasada Somaliland ku soo xoogaysanaya kuwaasi oo aanu u aragno caqabadaha ugu waawayn ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba ka hor imanaya  geedi socodka nidaamka dimuquraadiyada Somaliland waxana ka mid ah: 

Koox la baxday Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay xubno ka yihiin Rag ay Mujaahidiin ay u yaqaanaan beelaha dhexe ee Somaliland ayaa qaarkood ay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ku diiwaangaliyeen dhagaysiyo dacwado argagixiso oo Maxkamadaha Somaliland ka garnaqayeen laguna soo bandhigay cadaymo muujinaya shir qarsoodi ah oo dhexmaray xubin muhiim ah oo ka tirsan Madasha Wadatashiga Qaranka iyo wakiilo dhinaca Mirataniga ah oo ka tirsan Xarakada Alshabaab ujeedkooduna ahaa Inqilaab lagu afgabiyayo xukuumadii tan maanta jirta ka horaysay oo shacabka Somaliland si dimuquraadidga ah ay u soo doorteen, iyadoo tan iyo markii ay xogtaasi soo baxday aanay cida ay khusaysay si cad uga hadlin ama u beenin.


Soo galintaanka Siyaasada dalka kooxo Islaamiyiin ah oo reer Somaliland ah kuna suntanaa Golihii Maxaakiimta Islaamiga oo horaantii iyo badhtamihii sanadkii 2006 qabsaday badi koonfurta iyo badhtamaha Somaliland, xogtan oo waafaqaysa xog kale oo ku jirtay warbixin ay qoreen koox ka tirsan Kormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Deegaanka Somaliland kuwaasi oo kormeer hordhac ah oo ay ku qiimayn ah ku yimi dalka ka hor doorashadii golayaasha Deegaanka ee dabayaaqadii sanadkii hore dalka ka qabsoontay.

Warbixintaasi waxay hoosta ka xariiqday in urur siyaasadeedkii kali ahaa ee islaamiga ahaa oo doorashii deegaanka ku hadhay uu la midoobay XISBIGA WADANI.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland ayaa diiwaangaliyay badhtamihii sanadkii 2006 ashkhaas iyo kooxo isugu jiray ururada diinta ee xagjirka ah iyo hogaamiye dhaqameedyo ay samaysteen ayaa dalka ka waday dhaqdhaqaaqyo xoog u abaabulan oo ku baaqaya in isku xukunka shareecada islaamka lagaga dhaqmo Somaliland dadkaasi oo shirar abaabulan u qabanayay beelaha Somaliland iyagoo dalka ka kiciyay duufaano khalkhal galiyay nidaamka kala dambaynta iyo ku dhaqankii distoorka Dimuqraadiga ah kuwaasi oo haatan ka mid ah Xisbiga WADANI.

SAAMAYNTA XUN EE NIDAAMKA DAWLADNIMO & DOORASHOOYINKA UU KU LEEYAHAY KHILAAFKA XISBIGA KULMIYE DHEXDIISU

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan mushkilad qaran khilaafka ka jira gudaha xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE ilaa xad waxanu dareensanahay in khilaafka Xisbiga KULMIYE uu caqab wayn ku yahay socodsiinta hawlaha qaran ee ay Xukuumada dalku qaranka u hayso iyadoo dalku marayo marxalad xaasaasi ah oo u baahan in nidaamka dawladnimo uu si buuxda u shaqeeyo ayaa khilaafka KULMIYE oo gaadha in uu markasta dibada iyo warbaahinta u soo baxo taasi oo curyaamin karta habsami u socodka hawlaha qaranka.

Sidoo kale waxa uu gaadhay in uu markii ugu horaysay Khilaafka Xisbiga KULMIYE fursado siiyo cadowga Somaliland iyo in Wakiiladii Somaliland meel mariyaan Mooshino dhabarjab ku ah qaranimada Somaliland.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ugu baaqayaan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo" in ay sida ugu dhaqsaha badan u qaadaan talaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo Khilaafka Xisbiga KULMIYE ragaadiyay oo haddii xal kama dambays ah ay u heli waayaan saamayn fool xun ku leh qaranka Somaliland.

DIIWAANGALINTA MUWAADINIINTA IYO TAN CODBIXIYAYAASHU LABO ISKU CADOW AH.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka faaiidaysanaya waayo aragnimadii Somaliland ka heshay diiwaangalintii muwaadinimada iyo tii codbixiyayaasha oo hore hal mar looga wada qabtay dalkeena taasi oo fashilaad ku dhamaatay.

Isla markaasina anagoo og muhiimada aan la qiyaasi karin oo ay dalka Somaliland u leedahay sugida diiwaangalinta muwaadiniinta u dhalatay dalka oo si habsami ah u qabsoonta kana wada hirgasha dhamaan deegaanada Jamhuuriyada Somaliland.

Xogogaalna u ah Kaalinta wax ku oolka ah ee suurtogalinta diiwaangalinta muwaadiniinta Somaliland ay u leedahay dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo horumarka arimaha bulshada caafimaadka, waxbarashada iyo maalgashiga

Waxanu ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland, Xisbiyada Siyaasada, Dalalka iyo Ururada caalamiga ah ee inaga taageera hawshan, golayaasha qaranka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland in loo hawlgalo sidii ay u kala madaxbanaan lahaayeen Diiwaangalinta Muwaadiniinta iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaashu, oo haddii hal mar la wada qabto sida ay dhawaan dhinacyada arimahani khuseeyaan ku heshiiyeen aan lagu guulaysan doonin in la sameeyo diiwaangalimo sax ah oo muwaadinimo iyo mid codbixiyeyaal.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay waxay rumaysan yihiin in Axsaabta Siyaasada Somaliland aanay danaynaynin Ahmiyad Culus ee diiwaangalinta Muwaadiniintu u leedahay dalka iyo dadka Somaliland balse taasi lidigeeda ay danaynayaan kaliya sidii doorsho ay talada dalka ugula wareegi lahaayeen.

Hadii hal mar la wada qabto Diiwaangalinta Muwaadiniinta iyo tan Codbixiyayaasha Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ka digayaan in natiijo la aamini karo oo saxi ahi ka soo baxaynin sababtoo ah waxanu aaminsahay in xamaasad iyo olole gobalaysi, deegaan iyo mid qabyaaladeedba xisbiyada Siyaasada Somaliland galin doonaan hawshaasi sidaana tacab wakhti iyo miisaaniyad badani kaga khasaari doonto Qaranka Somaliland.

Suleiman ismail Bolaleh
Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland

xuquuq@gmail.com, hornwatch@yahoo.com

No comments: