Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga
Arin ku bilaabatay dood siyaasadeed oo si habsami ah ku
socotay oo looga hadlayay isbadalada lagu samynayo Golaha Wakiilada ee gobalka
Somaliland ayaa isu badashay khilaaf dheer oo kulul oo u dhaxeeya labada dhinac
ee iska soo horjeeda, taas oo sababtay in la joojiyo shaqadii baarlamaanka ilaa
iyo Axada soo socoda (Februray 16-keeda).
Khilaafkan ayaa bilawday January 27-deedii, kadib markii
Golaha Wakiiladu uu ansaxiyay sharci wax ka badalaya axdiga baarlamaanka oo ah
midii ugu horaysay ee la sameeyo ilaa iyo 2005-tii.
Sharcigan, iyo isbadalo kale, ayaa hoos u dhigaya awooda
labada ku xigeen ee afhayeenka baarlamaanka taa soo hoos ugu dhigaysa tirada
codadka loo bahaan yahay in shaqada laga qaado oo markii hore ahayd 55 hadana
ka dhigaysa 42, iyada oo aan waxba laga badalin aqlabiyadii ahayd saddex
meelood labadood ee loo baahnaa in afhayeenka shaqada lagaga qaado.
Sharcigan cusub ayaa sidoo kale waajibiyay in ku
xigeenada afhayeenka baarlamaanku ay fadhiistaan meel ka hoosaysa afhayeenka,
meeshana ka saaray wadaaga ay sadexdan hogaamiye wadaagaan ee ah Shirgudoon.
Badalkan axdi-hoosaadka la badalyo iyo habkan cusub ee
hogaaminimada ayaa ah dadaal looga goleeyahay in lala jaan-qaado sharciyada
kale ee baarlamaanka aduunka, Ibraahim Mahdi Buuba, oo ah xildhibaan, ahna
gudoomiyaha gudi-hoosaadka joogtada ah ee aqalka hoose ayaa sidaas sheegay.
In kasta oo isbadalaas ay aqbaleen inta badan
xildhibaanadu, oo ay sideed xildhibaan kaliya ay arintan ka soo horjeesteen
sida uu Buubaa sheegay, ayaa hadana mooshin kale, oo soo jeediyay isbadalo kale
oo axdi-hoosaadka lagu samaynayo uu buuq ka dhex dhaliyay golaha sharcidajinta
markii iyaga loo soo bandhigay maalintii Axadii (February 9-keedii).
Mooshinkan, oo ay taageerayaan in ka badan 50 wakiil oo
ka soo jeeda xisbiga Kulmiye ee Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed
Siilaanyo, ayaa soo bandhigay yaraynta tirada codadka loo baahan yahay in xilka
looga qaado sadaxda afhayeen kana dhigaya 42.
Markii mooshankan la soo bandhigay ayay buuq iyo qalaaste
ka dhex abuurtay baarlamaanka, taas oo ugu danbaystii keentay in ay gacmaha
isula tagaan dhawr xildhibaan. Booliiska ayaa ugu danbaytii soo dhex galay
gacan ka hadalka kala danbayntiina soo celiyay.
Faragalin 'sharcidaro ah' oo
ah arimaha baarlamaanka
Afhayeenka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, isla markaana
ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, ayaa maamulka Siilaanyo si toos ah
ugu eedeeyay in ay u soo faragalinayaan arimaha baarlamaanka ayna ku
xad-gudbayaan madax banaanida sadexda laamood ee dawladda.
Sida Buubaa oo xubin ka ah xisbiga Wadani sheegayo, ayaa
wakiilo ka soo jeeda xisbiga talada haya loogu yeedhay in ay ku kulmaan guriga
madaxweyne ku xigeenka usbuucii hore si ay mooshinkan u diyaariyaan. Madaxweyne
Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullahi Saylaci iyo lix wasiir oo ay ku jiraan
wasiirka madaxtooyada, ayaa halkaas joogay, ayuu yidhi.
“Intii aan Baarlamaanka madaxda ka ahaa [ilaa iyo
2005-tii], taariikhda waa markii koowaad ee nin Wasiir ahi intuu guri ama
makhaayad fadhiisto, xildhibaano u yeedho, kana saxeexo mooshin uu wato,”
Cabdullahi ayaa sidaas yidhi Axadii isaga oo shir jaraa'id ku qabtay
xafiiskiisa. "[Dawlada] ayaa samaysay wax walba oo ay qorshaheeda ku
fulinayso. Tani waa faragalin waana sharci daro," Buubaa ayaa sidaas
sheegay.
Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji
Xasan ayaan si khaas ah eedaymahan ama khilaafka baarlamaanka ka jira faalo uga
bixin. Isaga oo wariyayaasha kula hadlaya Garoonka hargaysa ayaa Siilaanyo
yidhi, "Dawlada shaqo ayaa u taala baarlamaankana shaqo ayaa u taala.
Dawladdu waxay diyaar u tahay in ay shaqadeeda qabsato."Xisbiyada UCID iyo
Waddani, iyo sidoo kale Madashada Wadatashiga iyo Toosinta, taas oo ah gole ay
isugu yimaadaan siyaasiyiinta madaxbanaan ee mucaaradka ah, ayaa sidoo kale
dawladda ku eedeeyay in ay ka danbaysay qalalaasaha baarlamaanka.
Xataa dawladdu waxay ku soo faragalisay in ay laaluush
siiso xildhibanada si ay waxa ay doonayso ay baarlamaanka dhaxdiisa uga fuliso,
Buubaa ayaa sidaas sheegay. "Doonitaanka [dawladda] ayaa ah in ay
baarlamaanka ka curyaamiso in uu shaqadiisa ka soo baxo, taas oo ah in ay u
kuurgalo dawladda uuna la xisaabtamo," ayuu u sheegay Sabahi. "Waxay
kale oo doonayaan in afhayeenka ay jagadiisa ka qaadaan kaas oo ay u
malaynayaan in sumcad fiican uu xisbiga oo hogaamiyo u soo jiidayo haddii uu
shaqo fiican ka qabto baarlamaanka, taas oo xiliga doorashooyinka khatar ku ah
[xisbiga talada haya]."
Mooshinka lagu yaraynayo tirada codadka loo baahan yahay
si afhayeenka jagada looga qaado ayaa wadada u xaadhaysa in si sahal ah shaqada
looga qaado, Maxamed Cumar Cabdi, oo ah tifatiraha wargayska madaxa banaan ee
Jamhuuriya ayaa sidaas sheegay. Ilaa iyo sanadkii 2005, ayay tani tahay markii
ugu horaysay ee khilaafka baarlamaanku uu halkaas gaadho, ayuu u sheegay
Sabahi.
"Inkasta oo ay mooshinkan keeneen xubno dawladda
taageersan, wakiillo ka soo jeeda Waddani oo afhayeenka taageeraya ayaa ku
goodiyey in ay keenayaan mooshin madaxwaynaha ka dhan ah," Cabdi ayaa
sidaas sheegay. "Arrintani waa mid khilaafkan sii xumaysay."
Haddii aan arrintan si dhakhso ah loo xalinin, waxaa laga
yaaba in ay dhaliso khilaafaad hoose, Cabdi ayaa sidaas yidhi.
"Waxaa laga yaabaa shacabka daggan gobollo kala
gaddisan in ay labada dhinac kala taageeraan, khilaafkuna uu qabiil isu
baddalo," ayuu yidhi. "Maaddaama uusan ammaanka waddanku adkayn, ayaa
waxaa jira cabsi wayn oo ah in khilaafkan uu ka sii gudbo baarlamaanka iyo kuwa
hadda talada haya, oo uu u sii gudbo in shacabka uu kala qaybiyo."
Saxaafadda maxalliga ah ayaa horraantii usbuucan sheegay
in dhalinyaro taageeraya afhayeenka baarlamaanka ay qaybo Hargaysa ah ku
mudaaharadaeen, tiro dad ah oo ka soo jeeda qabiilka afhayeenka baarlamaankana
la qabtay kadibna la sii dayaay.
Dadaallo khilaafka lagu
xalinayo
Wafdi ka socda Golaha Guurtida, oo ah aqalka sare ee
baarlamaanka, ayaa codsaday hal usbuuc oo hakin ah si xal loo gaadho.
Kooxdaas ayaa waxaa horkacaya guddoomiyaha guddi
hoosaadka joogtada ah ee aqalka hoose ahna oday dhaqameedka ugu da'da wayn
Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf, oo loo yaqaano Cabdi Waraabe, waxaa
kale oo qayb ka ah guddoomiyaha Akaadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta
Cabdiraxmaan Aw Cali faarax
"Waxaan baarlamaanka ka codsanaynaa in ay qaataan
toddobo maalmood si aan khilaafkan u xalino, baarlamaankuna si wadajir ah ugu
shaqeeyo," Cabdi Waraabe ayaa sidaas yidhi isaga oo hadal u jeediyay
aqalka hoose kana digay cawaaqib xumada arrintani ay keeni karto.
Xubnihii labada dhinac ee iska soo horjeeday oo kulankaas
baarlamaanka joogay ayaa aqbalay usbuucan hakad galinta ah, Cabdulaahi ayaa
sidaas u sheegay Sabahi, isaga oo intaas ku daray in uu diyaar u yahay xalinta
khilaafka iyada oo la fiirinayo xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland.
"Labada dhinac waxay aqbaleen guddiga, waxayna na
waydiisteen in aan siino fursad ay ku wada hadlaan iyagu ... shaqaduna hadda
meel fiican ayay maraysaa mana rabo in aan ka hor dhaco," Ku-xigeenka
Afhayeenka Golaha Guurtida Saaciid Jamaac Cali, oo xubin ka ah 14-ka xubnood ee
wafdiga dhexdhexaadinta, ayaa saxaafadda u sheegay kadib markii dhismaha
baarlamaanka ku kulmeen Talaadadii.
Guddiyada labada dhinac ka socda ayaa si rasmi ah
wadahadalkii u bilaabay Arbacadii, Buubaa, oo xubin ka ah wafdiga ayaa sidaas
yidhi.
Source: sabahi
No comments:
Post a Comment