Thursday, February 20, 2014

30 Qof Oo Loo Xidhxidhay Khasaare Loo Geystay Shirkadda SOMCABLE Iyo Nuxurka Is Diidada Jirta



Boorama, Somaliland - Dad la sheegay inay khasaare u gaysteen qalabka shirkadda SOMCABLE ayaa ciidamada amnigu ka soo qab-qabteen deegaanka Boon. Iyadoo kuwa kalena lagu raad joogo.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh, in ku dhow 30 rag ah oo ka  jeeda inta u dhaxaysa degmada Boon iyo tuulada Xaliilaamle  ee isla degaankaasi ayaa 19 ka mid ah loo soo gudbiyey xabsiga Booliska Boorama doraad, halka kuwa kalena loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Magaalada Borama. Warku waxaa uu intaas ku daray in 11 eedaysane oo arrintan lala xidhiidhiyay sidoo kale la raadinayo. Kuwaasoo warku sheegay inay baxsadeen.

Dadkan la xidhxidhay iyo kuwa la raadinayo ayaa warku sheegayaa in lagu soo eedeeyey weerar ay bishan 9-keedii u geysteen qaar ka mid ah qalabka culus ee shirkadda SOMCABLE, kaga shaqayso is gaadhsiinta Fibre Optics, kaasoo haatan ku sii socda dhinaca xeebaha gaar ahaanna inta u dhaxaysa deegaannada Boon.

Dad ku dhaw-dhaw xadhigga nimankan ayaa ku dooday in aan si caddaalad ah loola wada dhaqamin, isla markaana qaar ka mid ah lagu reebay saldhigga booliska Boorama. Iyagoo dadka arrintan ka cabayaa u arka in dadkan lagu reebay saldhiga loola dan leeyahay in halkaasi damiin ahaan lagaga sii daayo inta aan la horkeenin sharciga, halka kuwa kalena toos loogu gudbiyay xabsiga dhexe oo ay ku xidhnaan doonaan inta aan la maxkamadeynin.
Waa falkii u horreeyay ee shirkadda SOMCABLE ka soo gaadha deegaanka Boon, iyadoo uu yahay dhinaca kalena falkii labaad ee guud ahaanba ka soo gaadha shirkaddaas marka lagu daro weerar kan oo kale ah oo lagu qaaday qalabka shirkadda laba sano ka hor, waqtigaas oo uu marayay deegaanka Lughaya. Iyaddoo wakhtigaas dadkii falkaa getay lagu xukumay xadhig dheer iyo ganaax aad u culus  si loo badbaadiyo qalabka cid kastoo lagu qabto waxyeeladiisana, waxaa markaas laga soo saaray sharci adag oo u dhigyay hanti qaran ahaan. 

No comments: