Thursday, January 16, 2014

Soomaali ku guuleystay Abaalmarinta Oscar

Barkhad oo ku guuleystay Abaalmarinta Oscar





Waxaa abaalmarinta Oscar ku guulaystay Filim laga jilay weerar ay burcad badeeddu ku qaadeen markab laga leeyahay dalka Maraykanka.

Barkhat cabdinaasir aw Cabdi ayaa ka mid ah dadka wax ka jilay filimkan oo looga hadlayay burcad badeed Soomali ah oo xoog kula wareegay markab laga lahaa dalka Maraykanka.

Markabka ayaa lagu magacaabaa Marska Allabama.

Filimka ayaa abaalmarin ku helay inuu ahaa filimka qaaday sawirrada muuqaal-ka ah ee ugu wanaagsanaa tartanka.

Markabkii ugu horrey

Markabka la afduubay ayaa ahaa markabkii ugu horrey oo laga lahaa dalka Maraykanka oo burcad badeed Soomaali ah qafaasheen.

Afar maalmood kaddib markii la haystay, ayuu madaxweynaha Maraykanka bixiyay amar ah in xoog lagu soo furto.

Waxaa halkaas lagu laayay burcad badeeddi, iyadoo uu ka badbaaday hal nin oo kaliye.

Filimkaas waxaa loo bixiyay magaca ah Captain Philip.

No comments: