Thursday, January 16, 2014

Somaliland: Marnaba Ka Laabmi Mayso Madaxbanaanideeda





Dalka Somaliland, oo hore ugu dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, ayaa sheegay in aanay marnaba ka laaban doonin gooni istaagii ay ku dhawaaqeen.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Dr. Biixi, oo ah ninka hogaaminaya wafdiga Xukuumada Somaliland u matalaya wadahadalada Ankara maanta ka furmay, ayaa sheegay in marnaba aanay ka tanaasuli doonin gooni istaagii ay ku dhawaaqeen 1991dii.

Dr. Biixi oo u warramayay idaacadda BBC-da ayaa xusay in go’aanka Somaliland ee gooni-isku-taagga Somaliland uu yahay mid ay go’aansadeen shacabka ku nool deegaannadaas oo aanan dib looga laaban doonin.

“Gooni-isku-taagga Somaliland waa mid muqaddas ah oo aan laga laaban doonin, balse waxaan walaaladeen aan la yeelan doonnaa wadahadallo miro-dhal ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inaysan fulin go’aannadii lagu gaaray shiirkii bishii July ee sannadkii hore aysan waxba ka fulin, isagoo tusaale u soo qaatay maamulka hawada Soomaaliya oo ay labada dhinac heshiis ka gaareen.

Wadahadallada oo furmay ayaa waxaa labada dhinac u saareen guddi gaar ah sidii ay u soo diyaarin lahaayeen ajanadayaasha looga hadlayo shirkan oo socon doona labada maalmood ee soo socota.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka ka qaybgalay horkacaya ayaa sheegay inay kawada hadli doonaan iyaga iyo wafdiga Somailand sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona heli lahaa Soomaaliya oo mid ah oo ay ka jirto nabad.

Waa markii afaraad ee dhinacyadaan ay kulmaan tan iyo markii ay wadahadallada bilawdeen sanadkii 2012-kii.

Kulankan ayaa waxa uu socon doonaa muddo Seddex maalmood ah oo dhinacyada shirkani ka qeyb galaya ay ka wada hadli doonaan ajeendaha shirka.

Gooni isu taagga

Somaliland ayaa horey u sheegtay in qodobka gooni isu taagga Somaliland lagu soo qaadi doono shirkan.

Balse Dowladda Federaalka ma xaqiijinin in arrintaas laga wadahadali doono.

Midnimada Soomaaliya

Labada dhinac ayaa si weyn isugu khilaafsan midnimada Soomaaliya iyo gooni isu taagga Somaliland.

Balse waxay horey u saxiixeen heshiis ku saabsan iskaashi dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha ah.

Wafdiga dowladda federaalka waxaa hoggaaminaya sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha, halka wafdiga Somaliland uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 

No comments: