Search This Blog

Tuesday, January 21, 2014

BAYAAN TAAGEERO - Heshiiska Jidka Wadahadalada Somaliland & Somalia ee Xidhiidhkooda Mustaqbalka







BAYAAN TAAGEERO:
Heshiiska Jidka Wadahadalada Somaliland
& Somalia ee Xidhiidhkooda Mustaqbalka
Istanbul II Communiqué: political dialogue b/w the Government of Somaliland & the Federal Government of the Somalia on future relations

Ku:        
-          H. E. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dalalka Xubnaha ka ah
-          H. E. Mr. Hailemariam Desalegn, Gudoomiyaha Midowga Africa ahna Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Ethiopia
-          Xogahaya Guud Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah
-          H. E. Martin Schulz, Madaxwaynaha Baarlamaanka Yurub
-          Gudi Hoosaadka Xiriirka Arimaha Dibada Midowga Yurub
-          H. E. Pope Francis PP, Apostolic Palace, Vatican City
-          H. E. Barack Obama, Madaxwaynaha Dalka Maraykanka
-          Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Maraykanka
-          Gudida Amaanka Qaranka Dalka Maraykanka
-          Gudida Xiriirka Dibada Senate Dalka Maraykanka
-          H. E. David Cameroon, Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska
-          H. E. Recep Tayyip Erdoğan Ra’iisal Wasaaraha Turkiga
-          H. E. Ergagaga Qaramada Midoobay ee Somalia / Somaliland
-          Ergayga Midowga Afrika ee Somalia/Somaliland
-          Xukuumada Dalka Iimaaraadka Carabata UAE
-          H. E. Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland
-          H. E. Hassan Sheikh Mohamoud, Madaxwaynaha Xukuumada Federaalka Somalia

Taar:  January 20, 2014
BAYAAN TAAGEERO:
Heshiiska Jidka Wadahadalada Somaliland & Somalia ee Xidhiidhkooda Mustaqbalka

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka kooban Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, ururada bulshada laga tirada badan yahay, naafada iyo haweenka kuwasi oo hoostaga dalado iyo isku-xidho heer qaran ah waxay si wadajir u soo dhawaynayaan heshiiska  wadahadalada xidhiidhka mustaqbalka ay wada yeelan doonaan labada dal ee Somaliland iyo Somalia kaasi oo ay ku kala saxeexdeen 19 January 2014  magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka kooban Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland

Waxay aaminsan yihiin  go'aamada heshiiskan in ay wada u xaadhi doonaan xal waara oo u horseeda labada shacab ee Somaliland iyo Somaliland nabadgalyo iyo barwaaqo, kaasi oo ku salaysan xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka labada shacbi ee labada dal.

Waxay heshiiskan ku majeerteen qiritaanka gabood faladii iyo tacadiyadii ugu xumaa ee qaarada Afrika ka dhaca sanadihii sedeetamaadkii oo Xukuumadii kalitaliska Maxamed Siyaad Baree u gaystay shacabka Somaliland xasuuq iyo gumaad baahsan kana gashay dambiyo dagaal iyo dhagaro aadaminimo. 

Sidoo kale, Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka kooban Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xoogan u aaminsan yihiin in heshiiskan Qodabkiisa 9aad uu gabi ahaanba soo afjari doono qoraaladii ka soo bixi jiray xafiisyada Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumadihii ku meel gaarka ahaa ee Somalia iyo xataa Xukuumada Federalka Somalia ee imika jirta oo 20kii sano ee ina soo dhaafay mar walba u dirayay qoraalo ay ku waydiisanayaan Xukuumada Maraykanka in ay siiso Xasaanad Dambi ka dhawrsanaan qaar ka mid ah Dhagarqabayaashii xasuuqa foosha xun iyo dambiyada Aadaminimada lidka ku ah u gaystay shacabkii ku noolaa dalkii la isku odhan jiray Somalia xiliyadii Sideetamaadkii kuwaasi oo ay ka mid yihiin General Maxamed Cali Samantar, Gaaashaanle Sare Magan iyo qaar kale oo ay dacwado dhagarihii aadaminimo ee ay shacabka Soomaaliyeed ka galeen ay kaga socdaan maxkamada ku yaala dalka Maraykanka.


Waxay hoosta ka xariiqaynaa martigalinta xukuumada Turkigu u fidisay wadahadalada labada dal ee Somaliland iyo Somalia oo wareegoodii afraad lagu soo gabogabeeyay magaalada Istanbul 19 January 2014, waxananu ku boorinaynaa Xukuumada Turkiga in ay sii wado martigalinta wadahadaladan, anagoo aaminsan in Ankara marnaba aanay wadahadalada Somalia iyo Somaliland ka lahayn ajande u qarsoon, isla markaasina ay dhexdhexaad ka tahay wadahadalada labada dal.

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka kooban Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan daneeyayaasha arimiha Somalia iyo Somaliland oo ay ka mid yihiin wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, NATO, EU, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Qaramada Midoobay in ay taageeraan wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay kaga arinsanayaan xidhiidhka mustaqbalkooda, maadaama ay wada hadalada noocan ahi ay u baahan yihiin taageero farsamo iyo mid siyaasadeed labadaba, iyo khabiiro dhinaca qaanuunka caalamiga ah ee duwaliga ahba.

Suleiman Ismail Bolaleh
Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland

Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland ee Bayaankan Taageeray:

 SOMALILAND IMPARTIAL HUMAN RIGHTS GROUPS
1.       
Horn of Africa Human Rights Watch Committee (HORNWATCH)
2.       
Activist Network for Disabled Persons (ANDP)
3.       
Ubah Social Welfare Organization (USWO)
4.       
Disable Children Association (DCA)
5.       
Somaliland Youth Voluntary Organization (SOYVO
6.       
Barako Women Organization (BARAKO)               
7.       
United Togdheer Women Umbrella  (UNITA)
8.       
Togdheer Youth Voluntary Organization (TOGOYOVO)  
9.       
Naaso-Hablood Handicap Association (NAHA)   
10.   
Daami Youth Development Organization (DAYDO)           
11.   
Welfare Tumaal Organization (WAAB)
12.   
Tumaal Development Foundation (TDF)               
13.   
Women Minority Organization (ISIR)      
14.   
Somaliland Culture and Sport Association (SOCSA)          
15.   
Somaliland Journalist Association (SOLJA)            
16.   
Community concern Somalis (CCS)          
17.   
Saaxil Handicap Organisation (SHO)        
18.   
Voluntary Youth Organization (VAYS)
SOMALILAND UNIVERSITIES
19.   
University of Hargeisa
20.   
Amoud University
21.   
Berbera Marine University
22.   
University of Burao
23.   
University of Erigavo
24.   
Golis University
25.   
Admas University
MEMBER ORGANISATIONS OF NAGAAD WOMEN UMBRELLA
26.   
Agriculture Development Organization (ADO)
27.   
Alkownin Women Voluntary Organization (ALKOWNIN)
28.   
Agriculture Rehabilitation and Women in Development (ARWO)
29.   
Association for the Somaliland Women's Advancement (ASWA)
30.   
Aw Barkhadle Women Development Organization (AWDO)
31.   
Ayaan Women's Development Association (AYAAN)
32.   
Barwaaqo Lakulan Women Association (BAKWA)
33.   
Barwaqo Voluntary Organization (BVO)
34.   
Candlelight for Health and Education (CLHE)
35.   
Committee for Concerned Somalis (CCS)
36.   
Dareen Rural Relief & Development (DAREEN)
37.   
Dulmar for Women's Development Advocacy and Peace (DULMAR)
38.   
Female-Headed Households Association (FEDHA)
39.   
Hanad Women's Welfare Association (HWWA)
40.   
Hargeisa Voluntary Youth Committee (HAVAYOCO)
41.   
Hargeisa Women's Group (HAWO-GROUP)
42.   
Hargeisa Women on Focus Organization (HAWFO)
43.   
Mother Land Rescue Group (MRG)
44.   
Lama-Huraan Women's Association (LMWA)
45.   
Somaliland Women's organization (SOLWO)
46.   
Somaliland War Widow Organization (SWWO)
47.   
Somaliland Women's Development Association (SOWDA)
48.   
Somaliland Women's Research and Action Group (SOWRAG)
49.   
Somaliland for Progress, Advocacy and Peace (SOWPO)     
50.   
Somaliland Young Women's Association (SOYWA)
51.   
Tawakal Women & Children's Organization (TAWAKAL)
52.   
Voluntary National Youth Organization (VONYO)
53.   
Women's Action for Advocacy and Development Association (WADA)
54.   
Women's Rehabilitation and Development Association (WORDA)
55.   
Women Inter-Action Group (WIAG)
56.   
Women's Action Advocacy and Progress Organization (WAAPO)
SOMALILAND NATIONAL DISABILITY FORUM
57.   
Somaliland Handicap Association (SHA)
58.   
Nasa-Hablod Handicap Association (NAHA)
59.   
Hargeisa Youth Development Association (HADYA)
60.   
Hargeisa Deaf School (HDS)
61.   
Activist Network for Disabled Persons (ANDP)
62.   
Orthohope Rehabilitation Center (ORC)
63.   
Disability Action Network (DAN)
64.   
Hargeisa School For Special Needs (HSSN)
65.   
Disabled Children Association (DCA)
66.   
Hargeisa Handicap Association (HHA)
67.   
Tawakal Women’s Association (TAWAKAL)
68.   
Albustan Handicap Association (AHA)
69.   
Hargeisa Handicap Women (HHW)
70.   
Somaliland Blind Society (HABS)
71.   
Youth Development Disability Organization (YODDO)
72.   
Somaliland Red Crescent Society (SRCS)
73.   
Borama Deaf and Blind School (BD&BS
74.   
Sahil Handicap Organization (SHO)
75.   
Tawakal Lifeline Organization (TLO)
76.   
Erigavo Handicap Organization (EHO)
77.   
Las-anod Handicap Association (LHA)
NON MUSLIM RELIGIOUS GROUPS IN SOMALILAND
78.   
Somaliland Catholic Church
SOMALILAND NON STATE ACTORS MEMBER ORGANISATION
CIVIL SOCIETY:
95.   
Nofen
96.   
Muruq iyo Maskax
97.   
Sungo
98.   
Maan
99. 
Somran
100.         
Kulmis
101.         
SNDF
102.         
Sahan
103.         
Nafis Network
104.         
Vonyo
105.         
Unita umbrella
106.         
Sonyo
107.         
CPN
108.         
Nagaad
109.         
Awdal CPN
ELDERS
110.         
Horn Peace
PRIVATE SECTOR:
111.         
Jubba Airways
112.         
Light Industry
113.         
WIN
114.         
Daallo Airline
115.         
Nawbo
116.         
BDS
117.         
Hospitality Industry
118.         
WIT
119.         
NRD-EWB
120.         
Dahabshiil
121.         
Telesom
PROFESSIONAL ASSOCIATIONS:
122.        
Arecsmed
123.         
University of Buroa
124.         
Sanaag University
125.         
SLNMA
126.         
SMA
127.         
Media Group
128.         
UOH
129.         
WIJA
130.         
Fopag
131.         
Solla
132.         
Berbera University
133.         
ULPA
134.         
Nugaal University
ISLAM RELIGIOUS ORGANIZATION
135.         
Wanaag Farista













No comments: