Sunday, December 15, 2013

URGENT ALERT: SERIOUS MINORITY RIGHTS VIOLATIONS IN SOMALILAND


Ku:         Mud. Ali Mohamed Warancade
                Wasiirka Arimaha Gudaha JSL

Ku:         Sareeyo Guuto Abdilahi Fadal Iman
                Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland

Og:         Warbaahinta Dibad iyo Gudaha



URGENT MINORITY RIGHTS VIOLATION ALERT
WALAACA DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND EE TACADIYADA LIDKA KU AH QAYBAHA BULSHADA SOMALILAND EE LA HAYB SOOCO

Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha HornWatch
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH, waxay si xoogan uga walaacsan yihiin xadgudubyo baahsan oo isa soo taraya kuwaasi oo lala beegsado qaybaga bulshada Somaliland ugu nugul oo dhaqan ahaan ee la takooro . Gaboodfalada qaylo dhaantani warinayso ayaa isugu jira:

Qudhgooyo (Xaqa Nolosha); Sinnaan la'aanta Muwaadiniinta Dalka (Kala sarreynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga); Ka Maanacaad Helitaanka Cadaalad iyo Garsoor Dhex ah (Dambiyo Ciqaab ah oo loogu fuliyo Gabooyaha Somaliland Hab aan Xeerka Waafaqsanayn); Haweenka ka soo jeeda beelaha la takooro ayaa la ogaaday in ay la nool yihiin xadgudubyo ka badan 100% kuwa haleela dhigooda ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ayaa diiwaangaliyay tan iyo bishii Octobar 2013 labo (2) haween ah oo Gabooye ah qudha lagaga jaray xaafada Daami ee Caasimada Hargeysa, Rabi Naxariistiisa jano haka waraabiyee waxa lagu kala magacaabi jiray Marxuumada Layla Abdi Yusuf 36 sano jir xaaslay ah iyo Muluug Axmed Egeh sano jir 28 xaasley dhashay afar caruur ah.

Dabaaldagii iyo munaasabadihii maalmaha Xuquuqda Aadamiga adduunka ee (25 Nov. - 10 Dec oo kulmisa 16 maalmood ee tacadiyada lidka ku ah haweenka la soo bandhiga iyo xuska 53 guurada aasaaska Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha Adduunka 10 Dec.1948) oo guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland si wayn looga xusay, ayaan hadana mar kali ah la soo hadal qaadain ruux haween ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qaybaha bulshada Somaliland la takooro ee Gabooyaha oo MAYDKEEDU uu yaalay qolka maydka ee Cusbitaalka Guud ee caasimada Hargeysa, kadib markii 4/12/2013 ay dad rayid ah oo ka tirsan beelaha aqlabiyada dalka ahi ay dhagax qudha kaga jareen, iyadoo dadkii dilayna ay si xor ah u joogaan goobtii ay ku dileen.

Mid ka mid ah 2-da dumar ah oo Gabooyaha ah kuwaasi oo dad shicib ahi kana soo jeeda dadka aqlabiyada ahi dhagax ku dileen oo lagu magacaabo Muluug Axmed Egeh ayaa maydkeedu wuxuu u hoyday Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa mudo 9 habeen ah (4 - 12 December 2013) mudadaasi oo caasimada dalka iyo gobolada kaleba ay ka socdeen xusaska maalmaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, hadana laguma soo hadalqaadin.

Nasiibdarada kale ee jirta ayaa ah iyadoo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland xogogaal u ahaa 20 kii sano ee Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqotay in Gabooyaha Somaliland ay mar kasta dhibaato wayn kala kulmayeen adeegyada Hay'adaha sharcifulinta iyo Garsoorka oo sida qaalibka ah dhalan gadiya xadgudubyada laga galo beelaha la hayb sooco iyagoo had iyo goor dhibanayaasha Gabooyaha ah ka dhiga dhibgaystayaal, taasi oo ah xadgudub aadaminimo kan ugu xun waxana taasi ka marag kacaysaa in Gabooyaha Somaliland ay  madiidin u yihiin dhaqan takoor  ah oo dhinaca hay'adaha sharci fulinta iyo garsoorka ka haysta. Dilka ugu dambeeyay ee loo gaystay Gabadha Gabooyaha ah 4/12/2013 waxa uu daboolka ka fayday in qaybaha bulshada Somaliland la takooraa ay faquuq iyo cadaalad darada ka haysta dhinaca garsoorka iyo sharciga mid la mid ahna kala kulmaan hawlwadeenada sare ee caafimaadka dalka, tusaale cusbitaalka guud ee caasimada Hargeysana ayaa gabadha Gabooyaha ah ee u dhimatay dhagaxa ay la dhaceen dadka aqlabiyada ahi ku sheegay mid aan u dhiman dhaawaca dhagaxaasi balse ay u dhimatay wadno xanuun!!!.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si cad ugu sheegayaan Masuuliyiinta Sare ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Madaxda Cusbitaalka Guud ee Caasimada in tacadiyada sare ku xusan ee ay la bartilmaameedsanayaan qaybaha muwaadiniinta Somaliland ugu jilicda san ee la takooro ay ka dhalan karaa dambiyo aadaminimo iyo xadgudubyo Xuquuqda Aadamiga ah oo laga oogi karo maxkamadaha caalamiga ah ee dhagaraha laga galo aadamaha.

Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo ka mid ahaan jirtay magaalooyinka dhifta ah ee beelaha la takooro ee reer Somaliland ay ku noolaan jireen takoor heerkiisu ka hooseeyo kan magaalooyinka kale ee dalka ayaa iyaduna isku rogtay cadaabtii ifka ee Gabooyaha Somaliland kadib markii 2 sano ka hor wiil beelaha tirada badan ka soo jeedaa oo ALLE haw naxariistee lagu magacaabo Aydiid Cabdiqaadir Cali oo uu dhalay Sarkaal Sare oo ka tirsan dambi Baadhayaasha Booliska Gobolka Awdal oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cali uu jeclaaday gabadh yar oo ka soo jeeda beelaha la takooro ee loo yaqaan Madhibaanka oo lagu magacaabo Malyuun Haybe Jamaac. Markii wiilka qoyskiisu u diideen in uu gabadha Midgaanta ah guursado ayuu isaga laftiisu qudha iska jaray kadib markii uu is qabadsiiyay gaas iyo dab, nasiib daro wiilka aabihii oo ah sarkaal boolis ah waxa uu xabsiga ku guray dad tiro badan oo ka soo jeeda Gabooyaha dega Boorama kuwaasi oo ay ka mid yihin gabartii uu jeclaaday wiilkiisu Malyuun Haybe Jaamac, aabaheed Haybe Jaamac, wiil lagu magacaabo Bedel Cabdi Aaden oo isagu ka soo jeeda qabiil ka mid ah Gabooyaha oo la yiraa Yibir iyo xubno kale oo Gabooye ah.

Xadhigaasi waxa barbar socday weeraro haweenka iyo dhalinyarada qabiilka wiilku ka dhintay ku qaadayeen goobaha ay degan yihiin Gabooyuhu, meelaha ay ku ganacsadaan iyagoo burburinayay miisaska ay hilibka ku iibiyaan, rayiislayaasha, kabotolayaasha iyo meelaha birta ay ku tumaan, taasi oo sababtay in wiigag isxigxiga dadka laga tirada badan yahay ee Gabooyaha Boorama in ay ka soo bixi waayaan guryahooda.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ayaa xiligaasi diiwaangaliyay in ka badan 150 ruux oo u badan rag iyo dhalinyaro markii ay nafahoodii u baqeen ka cararay magaalada Boorama iyagoo tagay magaalooyinka Hargeysa ilaa Burco qaarkoodna waxay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo gaadhay xeryahay qaxootiga Somalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya oo ay maamusho Hay'ada UNHCR.

Bilowgiiba dacwada waxa dambi baadhe ka noqday Aabihii dhalay wiilka dhintay Dambi Baadhe Boolis Mr. Cabdiqaadir Cali Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch oo si taxadir leh ula socotay geedi socodka dacwada ciqaabta ah ee lidka ku ah 2 wiil ee Gabooyaha ah, ayaa ka marag kacaya in 2-da wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin gabi ahaan garsoor dhex ah oo cadaaladeed iyo nidaam baadhiseed oo xaq ku dhisan, Maxkamadayntooda ayaa la xaqiijiyay in ay u dhacday si ka fog nidaamka cadaalada dalka, Xuquuqda Aadamiga, Diinta Islaamka iyo xataa dhaqanka toosan.

Baadhayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH waxay xogogaal u noqdeen in Qareen ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland oo caawimi qaanuun oo lacag la'aan ah ku difaacayay Labada eedaysane markii dad cadhaysani soo weerareen fadhiyadii Maxkamada Gobolka Awdal dacwada oo socota isla markaasina ay dhaawaceen xubno ka mid ah eedaysanayaasha iyo eheladooda oo Maxkamada u yimi dhegaysiga dacwada, ayuu Qareenkii naftiisa u baqay waxanu markiiba joojiyay caawimadii qaanuun ee uu siinayay 2 wiil ee eedaysanayaasha ah iyo qoysaskooda. Sidoo kale Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay baadhitaanka kiiskan ku soo ogaadeen in Gudoomiyihii hore ee ururka Qareenada Somaliland Mr. Maxamed Siciid uu sifo sharciga lafjab ku ah gunadii iyo xubanimadiiba  ururka SOLA uu ka jaray Qareenkii 2aad ee difaacayay eedaysanayaasha Gabooyaha ah oo lagu magacaabo Amiin Sheikh Said Sheikh Hassan kaasi oo caawimo qaanuun oo lacag la'aan ah siinayay isagoo ka tirsanaa Mashruuc ay UNDP maalgaliso oo Ururka Qareenada Somaliland ee SOLA fuliyaan, HORNWATCH ayaa ogaatay in sidaasi uu ka codsaday gudoomiyaha SOLA Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo ay qaraabo dhaw yihiin Abdiqadir Ali oo ah Aabaha dhalay wiilka isdilay, isla markaasina ah Garsooraha haatan gacanta ku haya kiiskan oo maraya maxkamada darajada 2aad ee Racfaanka. 

Maxkamada Gobolka Awdal ee dacwada qaadayay, ciidanka Booliska ee baadhayay kiiskan, dhamaantood waxay la safteen Dambi Baadhaha Booliksa ah ee Wiilkiisu isdilay Mr. Cabdiqaadir Cali maadaama oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.

Baadhayaasha xadgudubyada ee HornWatch waxa kale oo ay baadhitaan qoto dheer ku ogaadeen in maragyadii ogaa in wiilka dhintay isagu is dilay oo ay ka mid yihiin dukaankii gaasta uu ka iibsaday, meheradii uu Mobilkiisa u dhiibtay iyo dad arkayay markii uu gaasta iyo dabka is qabadsiiyay dhamaantood waxay u safreen dhinaca Itoobiya oo ay ku maqnaayeen mudadii dacwada socotay difaaca eedaysanayaasha iyadoo horena loo sii siiyay lacagta aya ku noolaan karayeen.

Maxkamadda Gobolka Awdal ayaa iyadoo iska indho tiraysa sharciga iyo qanuunka waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo wiil oo arday ah oo ka soojeedaha midgaha reer boorama gaar ahaan MADHIBAAN iyo Yibraha.

Kiiskan ayaa waxa uu si ba'an u saameeyay dhinacyada amaanka iyo nolosha guud ahaan Gabooyaha dega magaalada Boorama iyadoo in ka badan 100 rag ah oo in la dilo ka baqay ay ka qaxeen guryahoodii meheradahoodii oo kala ahaa timojarayaal, hiliblayaal, kabotolayaal iyo tumaalo kuwaasi oo amaan u raadsaday magaalooyinka kale ee Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo magangalyo waydiistay Hay'ada Qaxootiga Adduunka ee gacanta ku haysta xeryaha qaxootiga Soomaalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya.


Gabood falada iyo tacadiyada ay la nool yihiin bulshada lagu takooro gudaha dalka Somaliland codkooda cidina ma maqasho iyaguna malaha awoodii ay ku soo bandhigi lahaayeen, faqriga iyo saboolnimada qotada dheer ee haysta awgeed iyo iyagoo aan talo iyo tusaale midna ka odhan karin arimaha saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda toona.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo isku dayay in ay ogaadaan sababta ay cid uuni uga hadli wayday tacadiyada baahsan ee ay la nool yihiin qaybaha bulshada Somaliland ee latakooro ayaa waxay ogaadeen xogo naxdin leh,

F Xukuumada Somaliland ayaa magacawday saraakiil sarsare oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco waxa ka mid ah
F hal xubin oo ku jirta golaha Wasiirada, inkastoo magac ahaan mooyee aanu ahayn nin ka war haya waayaha iyo duruufaha adag ee dhaqan dhaqaale oo ay la nool yihiin beelaha uu ka soo jeedo ee la hayb soocaa,
F La taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha dhinaca arimaha beelaha laga la hayb sooco yahay,
F Xubin ka mid ah Gudida Komishanka Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyo
F hal sarkaal oo ku jira Ciidamadanka Asluubta
F Sidoo kale waxa Duqa Caasimada Somaliland dhawaan u magacaabay Gudoomiyaha Deg. Axmed Macalin Haruun Mr. Abdilahi Hassan Digaale oo ka hor xilkan ka mid ahaa dadka sida wayn ugu ololeeya Xuquuqda Bulshada Somaliland ee la Takooro.

Saraakiisha ugu jirta bulshada Somaliland ee la takooro dawlada ayaa iyagu sameeya talaabo kasta oo ay ku cabudhinayaan dadkooda dulman waxana ay aaminsan yihiin haddii tacadiyadaasi banaanka u soo baxaan amase iyaguba ka hadlaan in ay waayayaan xilalka sarsare ee ay ku qaataan mushahaarooyin fiican.
Dhinaca kale, habdhaqan fool xun ayaa dishooday badi hogaamiye dhaqameedka beelaha la hayb-sooco, kaasi oo midkastaaba kan kale ka soo horjeedo oo buranayo.
Haweenka Beelaha La takooro haddii aad u dhabo gasho nolosha iyo waayahooda waxad ogaanaysaa in ay boqoljeer ka tacadi iyo xadgubub badan yihin tacadiyada haleela haweenka beelaha aqlabiyada ah oo ah kuwa inta ugu badan laga maqlo warbaahinta .

Daladaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee haweenka ugu waawayn dalka dhamaantood waxa iska leh Haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada ee aqlabiyada ah, waxayna ku guuldaraysteen in ay dalahooda samafal ku soo daraan ururada haweenka iyo hablaha qaybaha bulshada ugu jilicdsan ee la takooro tusaale (NAGAAD WOMEN UMBRELLA) oo ururada xubnaha ka ahi tirobadan yihiin hadana hal urur oo ka soo jeeda ururada haweenka la takooro ee Somaliland kuma jiro, halka Gabooyaha Somaliland ay leeyihiin kaliya labo (2) urur samafal bulsho oo aad u yar isla markaasina aan ka helin wax gacan qabasho ah oo la taaban karo Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka. Maadaama Daladaha waawayn ee haweenka Somaliland aanay u war haynin tacadiyada iyo gaboodfalada argagaxa leh ee ay la nool yihiin haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada Somaliland ee la takooraa, had iyo goor kuma soo hadal qaadaan marka ay xusayaan maalmaha caalamiga ah ee Tacadiyada Lidka ku ah Xuquuqda Haweenka.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay ugu baaqaysaa:

1.      Xukuumada Somaliland in Gudi Heer Qaran ah oo ay xubno ka yihiin Komishanka Xuquuqda Aadamiga Qaranka iyo Difaacyaasha Xuquuqda Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee Somaliland ay Saarto Dilalka Soo noqnoqday ee lala bartilmaameedsanayo Haweenka Beelaha la Takooro iyo tacadiyada ka haysta dhinaca garsoorka iyo cadaalada dalka.

2.      Xukuumada Somaliland waxanu si xushmad leh ugu sheegaynaa in la macaamilka falalka tacadiyada lidka ku ah kuwa laga tirada badan yahay ee la takooro ee reer Somaliland ay ka fiican tahay:
a.      in xukuumadu curiso Qorshaha Qaran ee Badbaadada (QQB) muwaadiniinta dhaqan ahaan la takooro, samaynta qorshahaasi waa in lagala tashadaa dadka la takooro laftigooda iyo hay'adaha caalamiga ah ee takhasuska u leh ilaalinta iyo horumarinta bulshooyinka laga tirada badan yahay ee la faquuqo si ay xukuumadeena u siiyaan xeeldheerayaal caalami ah oo waayo aragnimo dheer u leh mawduucan samaynta qorshaha QQB 

3.      Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Guud ahaan Hay'adaha Garsoorka Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan xaalado dhinaca garsoorka ah iyo amaanka ah dartood looga soo wareejiyo Maxkamadaynta 2 dhibane ee Gabooyaha ah oo sifo sharci daro ah maxkamada Gobolka Awdal ugu xukuntay Dil Toogasho ah, iyadoo Guud ahaan madaxda Garsoorka, Cadaalada Somaliland iyo sidoo kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Ururka Qareenada Somaliland xogogaal u yihiin in aanay suurtogal ahayn in labadaasi dhibane garsoor dhex ah oo cadaalad ah ku heli karin gobolka Awdal sidaasi darteed waxanu ku baaqaynaa in Maxkamadayntooda loo soo wareejiyo Caasimada Dalka si loogu indho bato.
4.      Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Taliyaha Booliska iyo Hogaamada Booliska waxa aanu ugu baaqayanaa in ay sida ugu dhaqsaha badan gacanta loogu soo dhigo dadka gaystay dilalka iyo tacadiyada lala bartilmaameedsaday beelaha laga la hayb sooco yahay, Waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka digayaan in la marin habaabiyo baadhitaanada dadka loo hayo iyo kuwa aan wali loo soo qaban dilalka loo gaystay haweenka Gabooyaha si sharciga loogala baxsado, taasi oo dhacda aalaaba marka hay'adaha sharci fulinta oo 99% ka soo jeeda beelaha tiradabadan

5.      Haddii Madaxda Sare ee Hay'adaha SharciFulinta Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ka baaqsadaan sharci horkeenida dadkii dilay haweenka Gabooyaha Somaliland taasi waxay sababi doontaa in dacwado iyaga lidku ah aanu u gudbino beesha caalamka iyo garsoorka adduunka.

Fiiro Gaar ah:
Waxa xafiiska HornWach aad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan labada dhibane taariikh nololeedkoodii iyo iska hor imaado ka dhacay xaafada daami kadib markii dadkii dilay dhiban iyo qabaa'ilkoodu ku weerareen xaafadaha ay degan yihiin dadka Gabooyaha ahi labadii habeen ee 12/13 Dec. 2013 iyagoo dadkaasi gubay tiraba 3 aqal oo 2 buulal yihiin midina sandaqad oo ay leeyihiin Gabooyahu halka aqalo kale oo ay leeyihiina daaqadaha muraayadaha ah laga jajabiyay. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa iska hor imaadadaasi ku xidhxidhay 30 ruux oo ka soo jeeda dadka aqlabiyada ah ee weerarada ku haya Gabooyaha Somaliland iyo 18 ka soo jeeda beelaha Gabooyaha. Xaalada xaafada Daami xalay way deganayd waxana xukuumadu guud ahaan dariiqyada dhex mara xaafadaasi dhigtay ciidamo kuwa amaanka ka tirsan oo aad u hubaysan watana gadiid, talaabadaasi oo ah mid ay difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland soo dhawaynayaan

Signed by:
Suleiman Ismail Bolalah - Gudoomiyaha HORNWATCH

No comments: