Friday, December 13, 2013

Hogaanka Sare ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Eedo Culus u Jeediyay Wargeyska HUBAAL "Wuxuu Caadeystay Baahinta Warar Khatar Ku Ah Nabadgelyada Dalka Oo Been-Abuura



"Wargeyska HUBAAL waxa uu noqday boog umadda ku dhex jirta, oo aad moodo inay qaranimada Somaliland ay dhan ka tahay, oo fadeexado iyo ceebo aanu dalkani lahayn ayey u baahinaysa caalamka,"Taliye Kuxigeenka Ciidaanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)

Hargeysa - Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Iyo Taliye Kuxigeenka Ciidaanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Foole) ayaa si wada-jira u beeniyey war uu daabacay Wargeyska Hubaal,kaas oo sheegayey inuu khilaaf soo kala dhexgalay hogaanka bileyska,isla markaana waxay si isku mida ugu eedeeyeen Wargeyska HUBAAL inuu caadeystay baahinta warar khatar ku ah nabadgelyadda Somaliland oo been-abuura oo aan sal iyo raad-toona lahayn.

Taliye Fadal iyo kuxigeen Fooxle waxay sidaa ku sheegeen Shirjaraa´id oo ay maanta si wada-jira ugu qabteen Xarunta taliska

Ugu horeyn, Taliye Kuxigeenka Ciidaanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo Wargeyska Hubaal caddadii maanta ee 362 oo ciwaankiisu ahaa "Khilaaf Is-bahaysi u qeybiyey hoggaanka Booliska",warkaas waa war aan sal iyo raad-toona lahayn,Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ah Taliyaha Ciidaanka booliska Somaliland aniguna (Fooxle) aan ahay Taliye kuxigeenka,waxa nagga dhaxeeya saaxibtinimo, walaaltinimo iyo taliyenimo,waanan u mideysanahay hawsha qaranka,gebigayaguba waxaanu nahay toban hogaan, oo tobankayaga hoggaan-ba ma nihin dad kala qeybsamaya ee waxaanu nahay inta isugu jecel ee wada socota ee isugu midka ayaanu nahay".

"Hoggaanka hawlaha, hoggaanka Saadka,hoggaanka birmadka,hoggaanka Ciidaanka,hoggaanka qorsheynta,hoggaanka wacyigelinta, mid aan laabtayada ku jirin ma jirro oo waxaanu nahay dad isku duuban,warkaas uu qorey Wargeyska Hubaalna waxba kama jiraan,Wargeyska Hubaal waxa uu noqday boog umadda ku dhex jirta, oo aad moodo inay qaranimada Somaliland ay dhan ka tahay, oo fadeexado iyo ceebo aanu dalkani lahayn ayey u baahinaysa caalamka,laakin wixii nagga dhaxeeya waa sharci, oo sharciga ciddina nagga furfuri-meyso oo sharciga ayaanu horkeenaynaa oo aanu ku xisaabtamaynaa". Ayuu yidhi Taliye Kuxigeenka Ciidaanka Booliska Somaliland Fooxle.

Taliyaha Ciidaanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Ii moo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxaan saaka idinku yeedhay Beryahan-ba waxa uu Wargeyska Hubaal qorayey warar been abuura oo aan sal iyo raad-toona lahayn, oo arrimaha Ciidaanka booliska Somaliland ku saabsan,isla markaana nabadgelyada khal-khalgelin kara,waxaan idiin bayaaminayaa inuu Wargeyska Hubaal caado ka dhigtay arrin khatar ku ah nabadgelyada oo been ah,isla markaana uu warar beena uu bileyska kaga sheegayo ay jiraan,"

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Tusaale hadaan u soo qaado caddadkii 321 ku soo baxay Wargeyska Hubaal 26/10/2013 ee ciwaankiisu ahaa "Taliyaha Ciidaanka Booliska iyo hay´ada UNDP waxay isku khilaafeen sarkaal tuhun argagixiso loo xidhay oo uu yidhi Taliyuhu ku celiya hay´ada", warkaas wax allaaliyo wax ka jirey muujirin,ee waxa uu ahaa been abuur sal iyo raad toona lahayn,waana arrimaha ka mamnuuca inay saxaafaddu ka hadasho arrimaha Ciidaanka,

Sidoo kale,Wax ka jiraa ma jiro, waa war been abuura oo sal iyo raad-toona lahayn warkii ku soo baxay caddadkii 357 ee Wargeyska Hubaal,kaas oo ciwaankiisu ahaa"Rag laga shakiyey oo xabsiga loo taxaabay iyo Sarkaal SPU-da ka tirsan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Aadan oo lagu toogtay Xaafada Siinay", waxaanan aaminsanay inuu u-jeedo gaara ka lahaa oo uu khal-khal ku gelinayo nabadgelyada,isla markaana bulshada reer Somaliland ugu sheegayo wax aan jirin".

Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu been abuur aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay inuu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Taliye kuxigeenka,waxaanu yidhi   "Wargeyska Hubaal caddadkii maanta ee 362 oo ciwaankiisu ahaa "Khilaaf Is-bahaysi u qeybiyey hoggaanka Booliska",kaas oo uu ku sheegay inuu Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka uu khilaaf u dhaxeeyo, taas oo ah war been abuura oo sal iyo raad-toona lahayn, waayo Taliye kuxigeenku waakan dhinacayga fadhiya ee idiin waramay".

"Bileysku waa sharci ku nool, waxaanan nahay ciidan oo Ciidaankuna waxa uu leeyahay Taliye oo taliyuhuna ma kala qeybsami karo,waxa uu socday ilaa saldhigyada,waxa kale oo caadeystay inuu yidhaahdo isaga oo ku gabanaya waxaan ka soo xigtay Website hebel oo waxa uu maanta yidhi waxaan ka soo xigtay Website la yidhaahdo Dhameys,taas isaga ayaa looga fadhiya haddii uu Dhameys ka soo xigtay iyo haddi uu sameystayba arrimahaasi waxay noqdeen arrimo khatar ku ah nabadgelyada, maadama uu Ciidaankii nabadgelyada wax ka sheegayo,waxaas uu ka sheegayana waa wax aan sal iyo raad-toona lahayn. Joornaalada kale arrimaha Ciidaanka,haday yihiin bileys iyo haday yihiin military, haday yihiin asluub waxba kama sheegaan,laakin hubaal caado ayey ka dhigatay inay wax aan jirin ka sheegaan Ciidaanka booliska,arrintaasina sharciga ayaan la tiigsan doona".Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan.

No comments: