Thursday, November 7, 2013

Xoghayahii guud ee Xisbiga UCID Mr. Axmed Aadan Ismaaciil Keyse oo Galabta Iska Casilay Xilkii uu Ka Hayay Xisbiga UCID... Sababaha uu Isku Casilayna Daaha Ka Fayday




XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA UCID
Mr. Keyse ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey isagoo si weyn u saluugay shirka wada tashiga qarran ee labada xisbi qarran ku dhawaaqeen oo uu ku tilmaamay mid shakhsiyado gaar ahi ay danno gaar ah ka leeyahiin, wuxuuna sheegay in cidda keliya ee xaq dastuuri ah u lahayd inay shir qabato ay ahayd xukuumadda Somaliland, isagoo faahfaahin ka bixinaya sababta is casilaadiisa ayaa wuxuu yidhi Mr. Keyse:

“Aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) waxa maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 6 November, 2013 aan ku cadeynayaa qoraalkan hordhaca ah in aan xilkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid iska casilay.  Xilkaasi oo la ii magacaabay 12/07/2012 isla
markaasina lagu ansixiyay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ee qabsoomay 28/10/2012.  Runtii waxa ay is-casilaadaydu salka ku heysaa ka dib markii aan arkay in Taladii Xisbiga la tahriibiyay oo iyada oo aan jirin wax la isku raacsan yahay ama aan la is qancin lagu dhawaaqay
guddi qaban-qaabo oo kala shaqeyn doonta xisbiga kale ee Waddani gudidiisa qabanqaabada shir loogu yeedhay Tallo ama Dood Qaran taariikhdud markay ahay 04/11/2013.  Runtii waxa aad moodaa in cid danno gaar ah lihi ay dabada ka riixayaan xisbiyadda mucaaridka oo aad moodo
in ay ka ilaalinayaan in ay helaan waqti ku filan si ay uga baaraan degaan ama u lafo guraan TALLADDA SOO DHACDAY ee Madasha Wadatashigu ku wareejiyeen Xisbiyadda Mucaaridka sida ay sheegeen 23/10/2013.

Tallo ama Dood Qaran waxa qaban-qaabadeeda iyo qabashadeedaba leh xukuumadda markaasi talada dalka heysa hadii loo baahdo. Xisbiyadda Mucaaridkuna waxa uu waajibkood iyo mas’uulliyadoodu tahay in ay xukuumadda markaasi jirta ay dhaliilaan weliba dhaliil togan una soo bandhigaan ummadda iyo codbixiyayaasha barnaamij siyaasadeed iyo mid wax-qabad iyo waxa ay kaga fiicnaan karaan xukuumadaasi ay rabaan in ay bedelaan si ay u  helaan kalsoonida cod-bixiyayaasha iyo codadkoodaba.


Sida aynu ka baranay dalalka dacfaray dimuqraadiyadda iyo nidaamka asxaabta badan weligay ma arag xisbiyo mucaarid ah oo leh shir qaran ayaa la qabanayaa si loo saxo dhaliilaha xukuumada halka ay ka faa’iideysan lahaayeen dhaliilahaasi oo ay ku kasban lahaayeen codad badan marka ay sheegaan sida ay u saxayaan ama wax uga qabanayaan dhalliilaha xukuumaddaasi.

Haddaba, waxa aan xilkaygii xoghayaha guud iyo hankaygii siyaasadeed usadqeynayaa iminka in aan xor u noqdo fikirkayga iyo aragtidayda siyaasadeed si aan uga qeyb qaato kaalinta igaga soo aadi doonta badbaadinta qaranka, xisbiyada qaranka iyo dumuqraadiyada JSL. Waxa aan marka denbe ka  hadli  doonaa halka fikirkani ka yimid iyo maraxaladaha uu soo maray iyo weliba cida aan u arkaayay in ay dabada ka riixaysay Shirka Tallo Qaran.  Waxa aan weliba mutihin doona waqtiga ay Xisbiyadda Mucaaridka ee Ucid iyo Wadani  ay il duufeen iyo xilliga ay saqiiri doonaan hadii ay masiirkooda iyo tallada xisbiyadooda u daba fadhiistaan dad Suuq Joogayaal ah.

 Waxa aan guul iyo gobanimo u rajeynayaa ummadda reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana bahweynta xisbiga Ucid” ayuu ku soo gebo gebeeyey qoraalkaasi xoghayaha is casilay ee xisbiga UCID Axmed Keyse.

No comments: