Sunday, November 10, 2013

War Degdeg ah: Xaafada Danyartaha Ee State Houska Oo Dab Qabsaday goor Dhawayd


Hargeysa - Xaafada Danyarta Ee Barakacayaasha State-hous ka Ayaa Waxaa Abaaro 2:00 ka Kacay Dab Iyo Qiiq Kaasi oo sameeyay ilaa 10 Guri Oo Ka Mida Xafadahaasi, Iyada Oo Halkasi Ay ku Shuf baleen agabkii U Dhexyaalay Halkaasi, Wali lama Hayo Wax khasaare kale Ah Oo Soo Gaadhay Dakaasi, Sida uu noo Sheegay Wariye Ka mida Wargeyska Waaheen  oo ku Sugnaa goobtas Ayaa waxaa Uu No Sheegay in Ay Ciidanka Booliska Iyo Damb-damis Yacayaa Imaadeen Waxooga kadib iyada oo Ay gacanta Ku bakhtiyeen Dhalinyarada Xaafadu, balse nasiib daro Dabdamiska Ayaa Waxa ku kacay Dadkii Halkasi Daganaa, Walow Ay Ciidanku Qasab Ku Soo galiyeen,dabkani Ayaa Waxa uu ka Kacay Laydh Shoodh bixiyay kaasi oo qabsaday Xaafad Kamida xafadahaasi Kadibna Sameyay Ilaa 10 Guri Oo kale.

Dhawaan Ayaa Ay Ahayd Markii Ay xafadaasi isla Sidan oo kale Uga kacay Dab, Kaasi oo Isna khasaare soo gaadhsiyay Dadka Gooobtasi Deganaa, Khasarahani aya Ah mid Soo noqonoqda, kana Dhasha Xadhkaha Laydhka.

Ilaahada Ma jirto Cid Ka Socota Dawlada Oo goobtaasi Timid Marka Laga Reebo, Ciidanka Bolisk iyo talyayaasha laamaha xafadaasi.

No comments: