Sunday, November 17, 2013

Maraykanka Oo Ka Digay Suurta-galnimadda Weeraro Aragagixiso Oo Lagu Bar-timaameedsaddo Kenya Iyo Muwaadiniinta Maraykanka Ah Ee Ku Sugan Gudaha Kenya Oo Feejignaan La Geliyay




Washington - Dawladda dalka Mareykanka ayaa ka digtay suurta-galnimadda weerarro argagixiso oo lagu bar-tilmaameedsado danaha xarumaha gaarka ah ee uu wadanka Maraykanka uu ku leeyahay dalka Kenya, sidaana waxa lagu shaaciyay warbixin ay soo saartay waaxdda arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan ammaanka dibadda.
 
War-bixintan digniinta ah waxa lagu sheegay in Urruradda  ka soo hor-jeeda dannaha reer galbeedka ee Xarakadda Al-Shabaab  iyo kooxdda mitidka ah ee ka jirta gudaha dalka Kenya ee lagu magacaabo Al-Hijra, ay maleegayaan in ay bar-timaameeedsadaan xarumaha khaaska ah ee uu Maraykanku ku leeyahay gudaha wadanka Kenya.

Sidoo kale, war-bixintani waxa ay ugu baaqday muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Kenya gaar ahaan caasimadda Kenya ee Nairobi iyo magaalo xeebeedka dekadda ah ee istaraatijiga ah Mombasa, in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo heerkeedu aad u sareeyo, waxaanay war-bixintu kula talisay Muwaadiniinteeddaa in aanay tagin goobaha muhiimka ah ee ay dadku isugu yimaadaan sida Xarumaha ganacsiga ee laga dukaamaysto, Huteelada, Baararka, iyo Kiniisadahaba.

Digniintan ay soo saartay dawladda Maraykanku waxa ay ku lug leedahay weerarkii dhawaan lagu qaaday xaruntii ganacsiga ee Westgate Mall, ee ku taalay badhtamaha caasimada Kenya ee Nairobi oo ay ku dhinteen in ka badan Todoba iyo Lixdan qof.

No comments: