Sunday, November 17, 2013

Gudoomiye Ciro Oo Awoodiisii Iskugu Geeyey Sidii Xildhibaan Rayte Loogu Dooran Lahaa Hogaanka Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Iyo Guddiyada Gudoonkoodii Lagu Kala Calaf Qaaday




Gud. Ciro

Hargeysa  – Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la sheegay inuu awoodiisii iskugu geeyay sidii xildhibaan Ibraahim jaamac Cali Rayte oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay xisbiga Kulmiye ee ku soo biiray Wadani loogu dooran lahaa gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha wakiilada oo hogaankiisa loolan loogu jiro.
 
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo dhawaan isku shaandhayn ku sameeyay siddeeda guddi hoosaad ee golahasi, ayaa xubnaha guddiga arrimaha gudaha oo ka kooban sagaal xubnood shan xubnood oo ka mid ah ka dhigay xubnaha xisbigiisa wadani, kaas oo loo saadaalinayo jagada gudoonka arrimaha gudaha in loo doorto xildhibaan Rayte oo la sheegay inuu haysto kalsoonida shan xubnood oo ka mid ah guddigaasi.

Dhinaca kale loolanka adag ee ka aloosan hogaanka guddi hoosaadyada kale ee golahaasi oo ay ku tartamayeen xubnaha xisbiga Kulmiye ee muxaafidka iyo xubnaha xisbiga Wadani ee mucaaridka ah, ayaa ilaa hada waxa ka mid ah guddiyada gudoomiyayaahooda lagu kala calaf qaaday, gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha, ayaa si rasmiya loogu doortay xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan Sanweyne oo ka mid ah xildhibaanada Kulmiye laga soo doortay, halka xoghayahana loo doortay xildhibaan C/qaadir Askar oo ka soo jeeda xisbiga Wadani.

Gudoomiyaha guddiga joogtada ayaa isagana loo doortay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka soo jeeda Wadani, halka xoghayaha guddigaasina loo doortay xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale.

Gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa isagana la sheegay in loo doortay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah xubnihii laga soo doortay xisbigii Udub ee saaxada siyaasada ka dhacay ee ku biiray Kulmiye, halka guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa  iyo ilaalinta hantida qaranka la sheegay in gudoomiye loogu doortay xidhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah xubnaha xisbiga Kulmiye laga soo doortay ee lagu tilmaamo mucaaridka.

Dhanka kale guddiyada arrimaha dibada, khayraadka iyo shuruucda ayaan ilaa hada iyagana xubnaha guddigaasi aanay dooranin hogaanadoodii.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa wadani ayaa ilaa hada Kulmiye kaga guulaystay hogaanada guddiga arrimaha gudaha iyo joogtada, kuwaas oo ka mid ah guddiyada bartilmaameedka u ahaa gudoomiye Cirro xilligii uu isku shaandhaynta ku sameeyay guddi hoosaadyada golahaasi.

No comments: