Wednesday, September 4, 2013

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digay in ay burburto Xukuumada Federalka Somalia: Waxanu Dalbaday in Degdeg Loogu Geeyo Diyaarado La Dagaalama Al Shabaab


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

New-York - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kin Moon ayaa caalamka ka codsaday in Diyaaradaha Dagaalka loo adeegsado Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Gudaha Soomaaliya, si awooda Kooxdaasi loo wiiqo.

Mr Ban Kin Moon oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay fashil wajihi karto hadii aan lasiin taageero Dhinaca Cirka ah oo lagu wiiqayo awooda Kooxda Al-Shabaab oo wali Dagaalo kala horjeeda Dowlada iyo Ciidamada AMISOM.

Xoghayaha Guudd ee Qaramada Midoobay ayaa xusay in AL-Shabaab doonayaan in waxbo kama jiraan kasoo qaadaan Dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya lagu bad baadiyo laguna soo celiyo nabadii iyo kala danmbeyntii, waxa uuna Kooxdan Al-Qaacida Xariirka la leh ku eedeeyay Carqaladeynta amaanka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee QM ban Ki Moon aya ugu baaqay xubnaha QM in ay ciidamada midowga afrika kaga sugan Somaaliya ee ku howlgalaya magaca Howlgalka AMISOM in lagu taagero diyaaradaha dagaalka nooca qumaatiga u kaca iyo kuwa ciidamada qaada si ay u xoojiyaan dagaalka lagu doonayo in Somalia looga sifeeyo xarakada Al-shabab.

Hadalka ka soo yeeray Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya xili Al-Shabaab muujisay in ay wali diyaar u yihiin in ay weerar halis ah ku qaadaan Ciidamada itaalka yar ee Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

No comments: