Tuesday, September 17, 2013

Mid kamid ah Ergadii Xasan Daahir keentay Muqdisho oo la dilay


Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayana in daqiiqado kahor lagu dilay Faarax Shidane.

Faarax Shidane ayaa wuxuu kamid ahaa Xubnihii loo diray Sheekh Xasan Daahir Aweys, ee ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dilkiisa ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, xilli uu ka soo deganaayay gaarigii uu ku tagey Taleex.

Laba nin oo dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubeysneyd, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka dambeeyeen dilka marxuumka, kuwaa oo dilka kadib isaga baxsaday goobtaasi.

Ilaa iyo hadda si sax ah looma garanayao cidda dhabta ah ee dishay Faarax Shidane, oo sidoo kale kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee Suuqa Bakaaraha.

Source: universalsomalitv.com

No comments: