Tuesday, September 17, 2013

Dowladda oo Maxkamad Military saareysa Sheekh Xasan Daahir Aweys


Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in dhowaan Kiiska Sheekh Xasan Daahir Aweys ay ku wareejiso Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee dalka.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Ururkii burburay Xisbul islaam Sheikh Max’ed Macalin oo Shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Xasan Dahir Aweys lay Dowladda u gudbin doonto Xabsiga Dhexe kadibna loo gudbin doono Maxkamada Ciidamada qalabka sida .

“Mar aan dhowaan ku booqday Sheekh Xasan Daahir, waxa uu ii sheegay in Daruufo iyo dhibaatooyin dhanka Nolosha ah ay ku haysato Xabsiga uu hadda ku jiro, wuxuu kaloo ii sheegay in Xabsiga Dhexe loo gubdin doono kadibna Maxkamada Military la saari doono,” ayuu u sheegay  Saaxafada Sheikh Max’ed Macalin.

Wuxuu sheegay in Xaalad adag uu hadda ku sugan yahay Sheekha Sababtoo ah Xabsiga uu ku xiran yahay. Xasan Daahir waxa lagu daaweynayay Isbitaalka AMISOM ee Xalane kadib markii la keenay Muqdisho isagoo xanuunsanaya June-30-2013.

Todobaadyadii ugu danbeeyay ayaa waxaa socday Dadaalo ay wadeen Beesha uu Xasan Daahir uu kasoo jeedo kuwaasi oo doonayey in Dowladda Cafis ay u fidiso Wadaadka Xabsigana laga sii daayo, balse Arinkaas waxa uu hadda u muuqdaa Mid Fashilmay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u muuqata inay gaartay Go’aan ah in Xasan Dahir la maxkamadeeyo. Sidoo kale Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wariyaha Keydmedia ee Nairobi u xaqiijiyeen Arintaan, waxeyna sheegeen in Xasan Daahir lagu Maxkamadeyn doono Dambiyada: Argagixiso iyo Afduub.

No comments: