Diyaaradan oo nooceedu yahay 737 oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airline oo maanta soo fadhiisatay garoonka Egal intranational Airport ee magaalada Hargaysa ayaa wasiirku waxa uu ku tilmaamay inay ka mid tahay diyaaradaha waaweyn ee isaga goosha caalamka, talaabadaas oo uu wasiirku ku sifeeyey isbedelka ku yimid garoonkii diyaaradaha ee caasimadda oo balaadhintii iyo casriyayntii dhowaan lagu sameeyey ay xaqiijisay himiladii laga lahaa.
Wasiirka duulistu waxa uu sheegay in mustaqbalka dhow ay dalka ku soo furmayaan duulimaadada diyaaradaha waaweyn ee isugu jira xamuulka iyo rakaabka-ba.
Diyaarada Ethiopian Airline ayaa joojisay isticmaalka garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport kadib markii kooxda Al Shabaab weeraro is qarxin ah ka fulisay caasimada Hargeysa dabayaaqadii bishii October sanadkii 2009
No comments:
Post a Comment