Saturday, August 10, 2013

Somalia: Puntland oo dib ugu celisay Muqdisho markab Turkiga laga leeyahay oo gargaar siday


Garowe, Somalia - Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta dib ugu celiyay magaalada Muqdisho markab laga leeyahay dalka Turkiga oo siday raashin gargaar ah kaas oo laga celiyay xeebta dekedda Boosaaso ee gobolka Bari.

War-saxaafadeed loo diray xafiisyada wararka, Puntland waxay ku sheegtay in raashinka laga lahaa dano siyaasadeed.

“Waxaa caddaatay in raashinka uu qeyb ka yahay siyaasad jahwareersan oo Dowladda Federaalka ay ka waddo gudaha Soomaaliya, taasoo khilaafsan Dastuurka  Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo jiritaanka iyo Dastuurka Puntland,” ayay Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedka.

Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka inaysan wax codsi ah ama xiriir ah kala soo sameyn dowladda Puntland raashinka gargaarka, sidaas darteed ay go’aan ku gaartay in markabka dib loogu celiyo Muqdisho oo uu ka soo shiraacday.

Puntland waxay sheegtay inay guddi u saartay baaritaanka arrintan, iyadoo sheegtay inay qoraal gaar ah u diri doonto xafiiska hay’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo dowladda Turkiga si jawaab kaafi looga bixiyo xadgudubka siyaasadeed oo ay Turkiga qeyb ka noqdeen.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan celinta markabka.

No comments: