Saturday, August 10, 2013

Guddida Darajo bixinta Ciidamada Somaliland oo sheegay in wixii cabasho ah ee ka soo Baxay darajadii la bixiyey ay diyaar u yihiin siddii ay u Xalin lahayeen.



Hargeysa - Guddida loo Xilsaaray Darajo Siinta Ciidamada Somaliland ayaa Maanta ka hadlay Habkii ay ku qiimeyeen Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee darajada lagu taxay dhawaan, waxa kale oo ay Xuseen in wixii cabasho ah ee ka soo baxa Ciidamada ay Xalindoonan oo ay u diyaar yihiin, balse waxay u digniin u direen  dadka ay sheegen in warar Been abuur ah ay ka fidinayaan oo ah in si cadaalad darro ah loo qaybiyeyd Darajada , iyaga oo xusay in siddii illahay ku ogaa ay darajada u bixiyeen, oo ay u eegen Foomam ay sheegen in askari kasta laga soo buuxiyey.

Sidaasi waxay ku sheegen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabten Xafiiskooda oo ku yaala wasarada gaashandhiga Somaliland.

Waxa kale oo ay ka hadleen Xeerka Anshax ee qabanaya Saraakiisha kala duwan ee Darajooyinka la siiyey.
Saleeban Cumar (Kujoog) oo ah Guddomiyaha Guddida darajobixnta ciidamada Somaliland oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa Faahfaahin ka bixiyey Hanaankii ay u qaybiyeen Darajooyinka waxaanu yidhi.
“Halkan waxa ku sugan Guddidii loo magacaabay darajo bixinta oo uu madaxweynaha Somaliland digreyto ku magacaabay bishii Septenber 25-2012, kuwaasi oo ka soo tallo bixinayey soona qiimeeyan habkii darajooyinka ciidamada loo bixin lahaa, runtii hawshaasi darajo bixintu may ahayn mid dhib yar oo si sahal ah looga bixi karo, Runtii halkan aanu ka bilaabnay darajo bixintu waa halkii aanu ka unugnay ee ma ah mid dhamaystiran si hadhoowto halkaasi looga ambaqaado sidaasi ayaa loogu dhiiraday in darajooyinka la bixiyo, khaladku waxa uu yimaada marka wax la qabto, lakiin qof aan waxba qabani maba khaldamo, Illahay uunba khaldamin anagu bini’aadam ayaanu nahay, lakiin ma lihin anagu waxayagii waanu sugnay, lakiin waxaanu isleenahay siddii ugu fiicnayd ee cadaaladana waafaqsanayd  ee Illahayna nagu ogyahay ayaanu ku bixinayn, illahoow eexna hanooga tagin aqoon darana hanagu cadaabin ayaanu taaganahay.

Cabasho way jiraysaa cabashadu ma ah mid dad kale cabanayaan, ku beello cabanayso ma ah, ma ah in siddii u xisaabtano dad aan waxba kala garanayn, cabashada waxa la imanaya ciddii cabanaysay qofkaa cabashada leh ee Cid kale ma laha, sarkaal ayaa cabanaaya askari ayaa cabanaaya lakiin mid caaqil ka cabanaya ama mid odey ka cabanaya ma ah cabashadu, waxaasi waa waxa aanu doonayno in laga gudbo, ninkii isleh waxbaa kamaqan waa loo diyaar,  dib ayaa loo qiimaynayaa guddida kale way la eegaysa taliyihii ayaa wixii khaldan, nin walba qof ahaantiisa ayaa loo qancinayaa qofka suuqa ka buuqaya ee dacaayada suuqa dhegeysanayaa isagay jirtaa, horta dadkana waxaanu leenahay qofkii xogogaal ahoow dadka u waran lakiin kii kal loow dadka buuqa ka daa oo dadka tashuush hagalinin oo dadka buuq hagalinin.

Ciidamada galay  1993 ilaa 1994  ilaa imikan ku jira weeyi ciidamadu, mida kale dadku ha ogaadeen, haddii mid suuqa ku jiray oo ay yiqiineen ay arkeen oo maanta waxba la siinin, wuxu u heliwaayey ciidankana kuma jirin, foomna ama waraaqo muu soo buuxin ninka illaa 1993kii intuu ciidanka la bilaabay ee 250 kun  ee shilinka Somaliland u badheedhay in uu ku noolado ee illaa maanta u dul qaatay ee illa maanta joogay, ee gambadha ka dagaal galay ee u hawlgalay qarankan iyo ninka kursi ku qayilaya ee maanta soo hambabaray isku mid noqon maayan, runta in laysku sheego aaya fiican, ninka soo hambabaray maanta adeer adigaa soo habsaamay wakhtigaagii, ciidamada cidna looma diidin waa lawada qoranayey nin walba waa galayey, lakiin ninka dantiisa ka waayey ee is yidhi lacagtaasi kugu filnaan mayso ee meelahasi kale iska warawareego, dee maanta hasoo hambabarine fursadu way ku seegte, ciidmada dib u gal hadii aad doonayso.”Ayuu yidhi.

Maxamed Cali Ismaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay muddo dheer ay hawshaasi ku jireen oo ay Ciidamada oo dhan laga soo buuxiyey Foomam kala duwan kuwaasi oo ay ku qornaayeen Taariikhda ay ciidamada soo galeen iyo Haddii ay haystaan shahaadooyin jamacadeed ama tababaro dibadeed ah oo loo diray, iyo waliba haddii uu Ciidamadii SNM ka mid aha ma kuwii somaliya, qofka aqoontiisa iyo int auu ku jiray ayaa la eegeyey ee cid darajo layska siiyey ma jirto.

Ismaciil Adan Feeljeex oo isaguna gabogabadii halakasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee darajad la siiyey lagu dhiqidoono xeerka anshaxa Ciidanimo ee dhinca darajooyinka, isaga  oo  xusay in askarigii ama sarkaalkii lagu arko isaga oo darajo xidhan oo ku sugan meel xun in uu mutaysan doono in la rusqeeyo  ama darajada  laga rifo, waxa kale oo cidiimada Somaliland ee darajada la  siiyey  uga digeen in ay iska jiraan in meelaha Xun xun lagu arko isaga oo sheegay in darajadu tahay haybad loona bahan yahan in la illaaliyo.

No comments: