Sunday, August 18, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Saaray Xeer uu Xayirraadii Kaga Qaaday Wargeyska Hubaal

 
Hargeysa - Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu xayirraadii kaga qaaday Wargeyska HUBAAL, isla markaana uu cafis ugu fidiyay masuuliyiintii wargeyskaasi oo maxkamadda Gobolka Hargeysa hore xukun xadhig iyo ganaax lacageed iskugu jiray ku riday.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XM/249-1981/082013 uu cafis u fidiyey Wargeyska Hubaal iyo Masuuliyeentii wargeyskaba oo ay Hore maxkamadu u saartay Xayiraad.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka (90)aad, Faqradiisa (5)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka (149)aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Arkay: Xukunka Maxkamadda Gobolka Hargeysa MGH/DDL/598/013 ee 03/07/2013;
Markuu Tix-geliyey: Codsiga Cafiska ah ee ay soo gudbiyeen Guddida Suxufiyiinta Somaliland iyo Xukunsanayaashu;

Wuxuu Go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo Xukunsanayaasha kala ah:

1.Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), oo ay Maxkamaddu ku xukuntay Hal Sanno oo xadhig Ciqaabeed ah iyo Laba Milyan oo Somaliland Shillings oo ganaax lacageed ah.

2.Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-keef), oo ay Maxkamaddu ku xukuntay Laba Sanno oo xadhig ah iyo Laba Milyan oo Somaliland Shillings oo ganaax lacageed ah.

3. Xayiraadii oo laga qaaday Wargeyska Hubaal.”

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa 21 June 2013 xayirtay wargeyska madaxbannaan ee Hubaal, iyadoo 3 July 2013 maxkamaddu guddoomiyaha wargeyska Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan hal milyan oo shillinka Somaliland, halka tifatiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan 2 milyan oo shillinka Somaliland, kuwaasoo 4 July 2013 Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ku sii daysay damaanad.

Hasayeeshee, xubno Wasiirro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirrada warfaafinta, Madaxtooyada iyo Arrimaha Gudaha Somaliland iyo xubno ergo ah oo ka tirsan masuuliyiinta saxaafadda Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey wadahalo la xidhiidha wargeyska Hubaal u socdeen, ayaa ku guulaystay in madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka aqbalo cod ay u gudbiyeen oo ku saabsanaa in saamaxaad loo fidiyo weriyeyaasha wargeyska Hubaal ee xukunka madaxkamaddu ku dhacay, isla markaana wargeyska laga qaado xayiraada maxkamadda Gobolka Hargeysa saartay, kadib markii ay raaligelin iyo xaal ka bixiyeen warar wargeysku hore u qoray oo wax lagaga sheegay safaaradda Itoobiya ee Hargeysa iyo arrimo khuseeya dalalka dariska ah ee la saaxiibka ah Somaliland, gaar ahaan Itoobiya, kuwaasoo dhaawac ku ahaa qaranimada Somaliland.

Masuuliyiin ka socday saxaafadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee oo uu weheliyey Guddoomiyaha wargeyska xayiraada laga qaaday ee Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen wasiirrada warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mr. Cali Axmed Cali, kuwaaso madaxweynaha iyo dawladda Somaliland-ba raaligelin ka siiyey wararkii dhaawaca ku ahaa qaranimada Somaliland ee uu wargeyska Hubaal ka baahiyey safaarada Itoobiya, isla markaana waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu saamaxaad u fidiyo weriyeyaasha maxkamaddu xukuntay, xayiraadana laga qaado wargeyska Hubaal, arrintaasoo madaxweynuhuna aqbalay.

Waxa kale oo masuuliyiinta kulankaas ka hadashay ee saxaafadda ka socday sheegeen inay saxaafad ahaan ka xun yihiin wararkii sababay in wargeyska Hubaal la xayiro, isla markaana xukuno lagu rido weriyeyaasha wargeyskaas, kuwaasoo madaxweynaha ka hor caddeeyey inay damaanad qaadayaan in aannu wargeska Hubaal baahin doonin warar ka baxsan xeerarka iyo anshaxa saxaafadda Somaliland, isla markaana aanay dib u dhici doonin in warar meel-ka-dhac ah laga faafiyo dalalka jaarka ee xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhexeeyo Somaliland iyo wixii wax u dhimaya qaranida iyo masaaliixda guud ee Somaliland.

Waxa kale oo xubnahaasi madaxweynaha u sheegeen inay saxaafad ahaan diyaar u yihiin in dib-u-eegis iyo dib-u-habayn lagu sameeyo xeerka saxaafadda Somaliland, balse ay waajib tahay in saxaafaddu qayb libaax ka qaadato, tallo badana ku yeelato wax-ka-beddelka iyo dib-u-habaynta lagu samaynayo xeerka saxaafadda, kuwaasoo sidoo kale caddeeyey in bahda warbaahintu qayb ka tahay horumarka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanno qaaday dalka Somaliland, iyagoo xusay in dawlad ahaan iyo saxaafad ahaanba ay waajib tahay in markasta la ilaaliyo danta guud iyo qaranimada Jamhuuruiyada Somaliland.

Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Warfaafinta Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo iyaguna madaxweynaha ka hor kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay bahda saxaafadda kala shaqeeyeen sidii xal looga gaadhi lahaa arrinta wargeyska Hubaal, kuwaasoo sidoo kale xusay inay diyaar u yihiin sidii wadashaqayn fiicani u dhexmari lahayd saxaafadda iyo dawladda Somaliland, isla markaana saxaafadda loo madaxbannaaneeyo wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka saxaafadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ugu dambayntii hadal ka jeediyey kulanka uu la yeeshay guddida ergada ah ee ka socotay bahda saxaafadda Somaliland, waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan iyo dawlad ahaanba diyaar u yihiin sidii loo xaq-dhawri lahaa madaxbannaanida iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, isla markaana aanay xukuumad ahaan dhibsanayn dhalliilaha toosinta ah ee saxaafaddu baahiso, balse waxa uu xusay in dawlad ahaan, saxaafada ahaan iyo dadweynahaba meel looga soo wada jeedsado ilaalinta masaaliixda iyo danta guud ee qaranida Somaliland, maadaama dalku leeyahay cadaw badan, isla markaana aannu wax icitiraaaf ah ka haysan beesha caalamka, isagoo xusay in aannu aqbali doonin wixii wax u qarinada Somaliland, waxaannu madaxweynuhu sheegay inuu aqbalay codsida ergayada saxaafadda ka socotay u gudbisay ee la xidhiidhay sidii saamaxaad loogu fidin lahaa weriyeyaasha xukunku ku dhacay ee wargeyska Hubaal iyo sidii xayiraada looga qaadi laha wargeyskaas.

Kulanka dhexmaray masuuliyiinta ka socday saxaafadda iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa muujinaya sawir tilmaan u ah in xubno aan xilal qaran hayn ay ka ergeeyaan, isla markaana waanwaan ka galaan arrin khilaaf abuurtay, socdaana ilaa halka ugu saraysa ee dalka looga talliyo, kadibna xal ka gaadhaan muran taagan, taasoo Somaliland mooyaane aan inta badan ka dhicin dalalka caalamka, iyadoo arrintaasi tilmaan u tahay hab-dhaqanka wada-tashiga ee Somaliland ku caano-maashay.

No comments: