Monday, August 19, 2013

DAAWO: Orodyahan Soomaali ah oo ku matagay Marathonkii shalay






Mosco - Mustafa Mohamed oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya balse haysta dhalashada wadanka Swedan una ordayay ayaa wuxuu shalay kaalinta 22-aad ka galay tartankii shalay ee orodka Marathonka ee ciyaaraha caalamiga IAAF ee ka socda magaalada Moscow

Mustafa oo dadaal dheeri ah muujiyay, markii uu soo gaaray riijinta u danbeyso ee guusha ayaa mar qura uu istaagii ka dhacay, wuxuuna sii daayay matag iyadoo ay goobta soo gaareen shaqaalaha gurmadka deg dega
oo goobta ka qaaday.

Wuxuu sheegay Mustafa in uu xanuun adag qabtay, iskuna celin waayay
matag qabtay iyo wareer fara badan oo uu dareemay.

Orodyahankan asal ahaan kasoo jeeda Somalia ee u orda Swedan wuxuu
muujiyay karti iyo dadaal, wuxuuna kaalinta 22-aad ka galay tartankan oo ahaa mid ah.

Hadaba halkan ku dhufo si aad daawato ciyaaryahanka oo matagay 

No comments: