Thursday, July 18, 2013

Warbaahinta Caalamka oo si Weyn Wax uga Qortay Heshiiskii Dhawaan ay Kala Saxiixdeen Somaliland/Soomaaliya



HARGEYSA - War-baahinta caalamka ayaa maalmahan dambe si mug leh u faaqidayey go’aamadii ka soo baxay wada hadalladii u dambeeyey ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Waxaanay sheegeen in qodobo ka mid ah go’aamadaasi ay yihiin kuwo Somaliland u horseedaya aqoonsi caalami ah oo ay mustaqbalka dhow ka hesho wadamada dunida qaarkood.

Telefishinka wadanka Cumaan oo ka mid ah war-baahinta arrintaas sida xooga leh uga hadashay ayaa galabnimadii Isniinta ee 15k-ii bishan July waxa uu baahiyey barnaamij aad u xiiso badanaa oo uu mawduucaas ka diyaariyey, kaas oo uu Telefhinku ku martiqaaday aqoonyahano waaweyn oo siyaabo kala gedisan oo aad u balaadhan barnaamijkaas ugu fallanqeeyey go’aamadii ka soo baxay wada hadalkii u dambeeyey ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen dalka Turkiga.

Gaar ahaan qodobkii ku saabsanaa maamulka hawada ee dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyada Soomaaliya, haatana ah Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo wufuudii wada hadalka u kala metelayey labada dhinac ku heshiiyeen in la sameeyo guddi labada wadan ka socda oo hawada dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey maamulkeeda kala wareega hay’adda qaramada midoobay ee ilaa 1991-kii hore gacanta ugu haysay, iyada oo isla markaa wixii dhaqaale ah ee ka soo baxa hawadana ay si siman u qaybsan doonaan labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo xarunta gudigaas wadajirka ahi ku shaqayn doonaana noqonayso caasimada Somaliland ee Hargeysa.

barnaamij aad u xiiso badan oo uu baahiyey galabnimadii Isniinta ee 15kii bishan waxa uu si oo ay mustaqbalka maalmahan dambe siyaabo kala gedisan dalka cumaan ayaa maanta si mug leh uga hadashay wadahadaladii dhawaan somalilnd iyo somaliya ugu soo gaba gabobay dalka Turkiga.

Barnaamijkaas oo loogu magac daray dal laba wadan noqonaya iyo dal cusub oo qaaradda Afrika ku so biraya, ayaa ugu horayn waxa hadal aad u kulul ku furay aqoonyahan u dhashay dalka Yaman oo lagu magacaabo Cabdinaasir, kaas oo si xoog leh uga soo horjeeday qodobka maamulka hawada ee ku jirey go’aamadii ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku dooday in uu qodobkaasi khatar ku yahay midnimada iyo jiritaanka wadanka Soomaaliya, isla markaana uu dan u yahay Somaliland oo uu sheegay in ay ka helayso faa’iido dhaqaale iyo aqoonsi caalami ah oo ay dunida ka hesho. Sidaas daraadeed waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in uu ka noqdo heshiiskii uu qodobkaasi ku jirey.

Cabdinaasir isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ Soomaaliya waa dal daalay oo u baahan in la taageero oo wax lala qabto, waxa uu u baahan yahay dib u heshiisiin culus in lagu sameeyo waayo 23 sano ayuu bur bur iyo qallalaase ku soo jiray, maantana waxaan arkayaa in burburkii ugu waynaa ku soo fool leeyahay, waayo laba dal ayaa iminkaba jira oo uu caalamku u kala yaqanaa Soomaaliya iyo Somalilnd. Waxaan la socday wada hadalo Somaliland iyo Soomaaliya mudooyinkan dambe uga socday.dalalka Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Turkiga oo kulankii ugu danbeeyay iminka lagu soo gebo-gebeeyey, isla markaana laga soo saaray qodob aan anigu u arko mid Soomaaliya lagu kala goynayo, waayo hawadii dalka oo ah halbawlihii ugu weynaa ee dhaqaalaha iyo wax kastaaba dalka ka soo geli lahaayeen, ayay dawlada tamarta yare ee Soomaaliya ka dhisani taladiisii iyo maamulkiisiiba gacanta u gelisay maamul aan ogolayn oo ku doodaya in uu Soomaaliya ka go’ay”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ”taasna waxaan u arkaa burbur hor leh oo ku habsaday Soomaaliya, sidaas daraadeed waxaan tallo ahaan ugu soo jeedin lahaa Madaxweynaha Soomaaliya in uu arinkaas dib uga laabto, hadii uu doonayo in uu Somaliland aqoonsi siiyona uu sidiisa u siiyo, balse aanu cid kale u ogolaanin in ay maamusho hawadii dalkiisa, sababtoo ah rikoodhka iyo xogta hawada oo dhan waxaa la dhigayaa meesha laga maamulayo oo ah Somaliland, taasina waxay keeni kartaa in ay Somaliland yeelato saaxiibo badan oo caalamka ka tirsan, waayo rikoodhka hawada iyo magaceeduba waxay noqonayaan halka laga maamulayo magaceeda arimahaasna waxay Somalilnd ka heli kartaa taageero dhaqaale iyo in diyaaradaha kala duwan ee hawadeeda marayaa ay dalkeeda xarumo ka samaystaan, taasina waxay u horseedaysaa in ay saaxiibo farabadan dunida ku yeelato ka dibna ay aqoonsi buuxa ka hesho saaxiibadaas iyo dawladahoodaba”.

Waxaa intaasi ka dib hadalka la wareegay aqoonyahan ku xeel dheer arrimaha siyasada qaarada afrika oo u dhashay dalka Cumaan oo magaciisa la yidhaahdo Shariif Caadiya, waxaanu si mugleh uga waramay taariikhda Somalilnd oo uu sheegay in ay Somaliland ahayd dal jiray wakhti hore bal se ku biiray Soomaaliya ka dib markii ay xorimadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska sanadkii 1960-kii, waxaanu intaasi raaciyay in Somaliland ay wakhtigaasi aqoonsadeen lix iyo sodon dawladood oo caalamka ka tirsan.

Aqoon yahan Shariif Caadiya ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay qodobka maamulka hawada ee ay dhawaan ku heshiiyeen Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid labada dhinacba wax tar wayn u leh oo ay dhaqalaha ka soo baxa hawada si siman u qaybsanayaan maadaama oo ay hore u ahaayeen laba dawladood oo caalamka ka jira. Waxaanu u soo jeediyay dawlada Soomaaliya iyo wadamada afrikaba in ay aqoon sadaan Somaliland oo uu sheegay in ay ku taalo gobol xasaasi ah.

Isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Somaliland dhawr iyo sodon dawladood ayaa aqoonsaday markii ay xornimada ka qaadatay dalka ingiriiska.waxaan talo siinlahaa anigu dawlada Soomaaliya iyo wadsamada qaarada Africa in ya aqoonsadaan Somaliland, maxaa yeelay qof iyo dawladba waa lagu abaal mariyaa wuxuu qabsado ee horumar ah, markaa in ay aqoonsi ku abaal mariyaan ayaa fiican Somaliland waayo waxay ku taalaa Somaliland mandaqad xaasasiya oo macno wayn ugu fadhida qaarada afrika iyo waliba Carbta, markaa in la soo dhaweeyo way wacnaan lahayd. maanta waynu ognahay dagaal qadhaadh ayaa ka soo dhex guuxaya dalka Masar iyo Itoobiya muranka ka taagan webiga niil-ka, haddii Somaliland aqoonsi ka hesho dalka Itobiya waxaa xaqiiqa in ay Somaliland dhabarka ka jabinayso dawladaha Carabta iyo dawlada Soomaaliya, waayo muddo dheer ayay aqoonsi ka sugayeen carabta iyo dawlada Soomaaliya oo ay is hayaan. Qodobkii ka mid ahaa heshiiskii ay Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen dalka Turkiga ee ahaa in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga maamulo Hargaysa ay dawlado badani u arkaan in uu guul u yahay Somaliland isla markaana uu yahay dariiqa ay ku heli karto aqoonsi caalami ah iyo saaxiibo badan oo caalamka ah.

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN

No comments: