Saturday, July 27, 2013

Somaliland: Qabiil la faquuqo oo raadinaya xuquuqdiisa siyaasadeed


Haweenay jooga tuulada Jaleelo oo u dhaw Hargaysa oo cunto dhuxul ku karinaysa sannadkii 2012-kii. [Simon Maina/AFP]

Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargaysa jooga

Qabiilka Gabooye ee Soomaliland ayaa tallaabo u qaadaya in uu helo xuquuq tii hore ka badan oo dhinaca siyaasadda ah kadib markii sannado uu ku jiray faquuq siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale taasoo loo maray faquuq ku saleeysan qabyaalad.

Gudi madax-bannaan oo ka kooban 16-xubnood oo ka kooban oday dhaqameedyo, culmaa'u diin iyo rag ka socda qabiilka Gabooyaha ayaa soo dhamaystiray baadhitaan lix bilood socday oo ay ku sameeyeen lixda gobal ee Soomaaliland si ay u ururiyaan xaqiiqada jinsi takoorka.

"Sababta oo ah iyaga oo qabiilku uu ka maqnaa Golaha Qaranka ee Soomaaliland 21 sano, lana ogaaday caqabadaha ud iidaya in ay siyaasada ka qayb qaataan [...] ayaa go'aan lagu gaadhay ah in la abuuro wacyi-galin dadkana wax la baro," ayuu sheegay Barkhad Jaamac Xirsi, oo ah la taliyaha arimaha dadaka laga tirada badan yahay ee madaxwaynaha Somaliland.

"Markii la waayay hal qof [oo ka soo jeeda qabiilkaas] oo kusoo baxay tartanka doorashadii degaannada dawladaha hoose [Noofember 2012], waxa la ogaaday in kala-daadsanaan iyo khilaafaad gudaha ahi jiraan," ayuu yidhi Xirsi, oo ah nin Gabooye ka soo jeeda oo xubin ka ahaa guddigaas. "Markaa waxa khasab noqotay in dhibaatada xalkeeda la raadiyo."

Muddadii uu kormeerku socday ayaa gudigu abuuray guddi-hoosaad horumarineed si uu uga shaqeeyo danaha qabiilka ee gabi ahaanba Soomaaliland, ayuu yidhi Xirsi.

Shir Hargaysa lagu qaban doono oo aan wali wkahtigiisa la xadidin ayaa lagu soo bandhigi doonaa loogana wadi hadli doonaa natiijada kormeerka guddigu uu sameeyay, sida uu sheegayo afhayeenka oday dhaqameedyada Gabooye Sultaan Maxamed Muuse Abuu Sufyaan.

Kulan ayaa isu keeni doona xubnaha qabiilka Gabooye, kuwaas oo ay ku jiraan oday dhaqameedyada, xubno ka socda qurba-joogta, wax-garadka iyo dhallinyarada, ayuu yidhi.

"Waa qayb ka go’doonsan bulshada inteeda kale, takoorkuna wuxuu keenay in aanay wax macaamil iyo isdhex-gal la wadaagin" Abuu Sufyaan ayaa u sheegay Sabahi.

"Dadkayagu marka shaqooyinka la eego, waxay hayaan shaqo ay gaar ku yihiin oo aanay dadka kale ka shaqaynin," ayuu yidhi. "Sidoo kalena degaan ahaan waa gooni, sida Hargeysa oo kale oo ay degen yihiin xaafad gaara oo la yidhaahdo Daami."

Qabiilka Gabooye ayaan sidoo kale ka guursan dadka qabaa'ilka kale.

Abuu Sufyaan wuxuu qabaa afar naagood oo dhamaantood Gabooye ah. Hadii aan fursad u heli lahaa, waxa dhici lahayd in qaarkood ay beelaha kale noqdaan, laakiinse taasi suurtagal nooma aha xiligan," ayuu yidhi.

"Xataa haddii ay gabadhu ogoshahay guurkayaga waxay uga joogsanaysaa sababtoo waxay ka cabsanaysaa go’doon bulshada iyo qoyskeeduba saaraan iyada iyo carruurteeda," ayuu yidhi Abuu sufyaan. "Sideed ku takoori kartaa qof kula diin, degaan iyo midab ah?"

Jinsi takoorku wakhtiga dheer ah ayaa burburiyay nolosha dadka laga tiro badan yahay sababtoo ah ma jirto isku-kalsooni ay ku dhex galaan bulshada inteeda kale, ayuu yidhi Abuu Sufyaan.

"Waxaanu aad uga walaacsannahay dhaqamadaa xun ee takoorka," ayuu yidhi. "Dadka waayeelka ahi dhaqankan way qabatimeen, laakiin dhalinyaradayadu waxay doonayaan isbeddel iyo inay ka xoroobaan."

Si wax looga qabto, waxa loo baahan yahay kacdoon wadajira oo ka dhan ah laguna tirtirayo takoorkan muddada soo jiray, ayuu yidhi Axmed Maxamed Diiriye, oo ah cilmi-baadhe ka tirsan hay'ada Arrimaha Xogta iyo Cilmi-baadhista ee fadhigeedu yahay Hargaysa.

"Darbiga takoorka waxa lagu jebin karaa in ilaa 100 xubnood oo isugu jira hoggaamiyeyaasha siyaasadda, culimada iyo shaqsiyaadka caanka ahi ay hal mar guursadaan gabdho kasoo jeeda bulshada Lahayb-sooco, haddii dhinaca kale dadka la takooraa ogolaadaan," ayuu Diiriye u sheegay Sabahi.

Sannadkii 2011-kii, ayuu Madaxwaynaha dalka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo magacabaay gudi talooyin ka soo bixiya sidii dadka laga tiro badan yahay iyo haweenkuba ay uga qayb qaadan lahaayeen siyaasadda.

Kadib markii uu guddigu soo saaray talooyinkiisii, ayaa aqalka hoose baarlamanaka gobalku diiday talooyinkaas 1-dii Sebtember, 2012-kii, isaga oo sheegay in ay sharci darro tahay in haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay qoondooyin gaar ah laga siiyo golayaasha degaanka iyo Aqalka Wakiillada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, kadib markii uu Siilaanyo khudbadiisii sannad laha ahayd u jeediday labada aqal ee sharci-dajinta dalka Somaliland 30-kii January ayuu wuxuu u gudbiyay qorshe lagu dhaqan-galinayo qoondaynta baarlamaanka.

In kasta oo Xirsi uu soo dhaweeyay qorshaha madaxwaynaha, haddana waxa uu sheegay in uunan ku rajo weynayn in la ansixiyo. "Baarlamaanku uma muuqdaan inay aqbalaan, ayna ansixiyaan qooto nala siiyo," ayuu yidhi.

No comments: