Friday, July 19, 2013

Qaramada Midoobay” Fahad Yaasiin iyo C/raxmaan Ceynte waxay dalka Qadar ka soo qaadan Lacag Malaayin Dollar oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sh Maxamud

 
Ninkan Jaakada Madow ugu jirta waa C/raxmaan Ceynte waxaa uu ahaa wariye
laakiin hadda howlo kale ayuu haaya
C/raxmaan Caynte iyo Fahad Yaasiin oo labadaba ka tirsanaan jiray Telefishinka Al Jaziirada ayaa la sheegay inay suuragal ka dhigan in Xasan Sheekh Maxamud loo doorto Madaxweynaha soomaaliya 2012 kii markii dalka Qadar ka soo qaadan Lacag Malaayiin Dollar ah oo Qadar bixisay.

Lacagtaas ayaa lagu laalushay xubnaha Baarlamaanka si loo doorto Madaxweynaha Xilligan Xasan Sheekh Maxamud.

Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eretriya ayaa daabcaday warbixintii sannadlaha ahayd ee ku inta badan xoogga saartay ku xadgudubka cunaqabataynta hubka, musuqmaasuqa, budhcad badeedda; argaixisada iyo is-hortaagga hawlhaha bani’aadminnimada. Waxay warbixintu sheegtay in Al-Shabab ay weli halis ku tahay Soomaaliya iyo Gobolka, inkastoo khilaaf uu ka dhex jiro hoggaankana weli awooddu si buuxdo gacanta ugu jirto Axmed Cabdi Godane uuna ururku haysto ilaa 5 kun oo maleeshiyo ah oo hubaysan.

Waa ninkan Fahad Yaasiin, Waxaa uu ka soo shaqeeyay TVga al jaziira ee qeybta Carabiga
Haddaba annaga idaacaddaheena maanta iyo kuwo soo socdaba idinku maqshiin doono qaybo ka mid ah warbixintaasi Qaramada Midoobay oo ka kooban 487 bog, ayaan halkan idinkugu soo gudbineynaa warbixino ka hadlaya Jebinta Cunaqabateyntii hubka ee saareyd Somalia iyo ku Tagrifalka hantida dadweynah.

Halkan ka dhagayso warbixnta: 

http://www.voasomali.com/content/article/1704348.html

http://www.voasomali.com/audio/Audio/307012.html

No comments: