“Haddii aanay Somaliland noo soo gurman kamaanaan Adkaaneen Farroole qorshihiisii, markaa Sool iyo Sanaag kama mid noqon karaan Baarlamaanka Puntland maadaama ay Somaliland yihiin”
Galkacayo - Mucaaradka Puntland ee dhawaan qaadacay Doorashadii Madaxweynaha Puntland doonayay in uu ku macaasho ayaa diiday in Baarlamaanka Punland ee la soo xulayo lagu soo daro labaatanka kursi ee laga soo xuli jiray Goboladda Sool iyo Sanaag, kuwaasoo ay ku tilmaameen in ay ka tirsan yihiin Somaliland, wakhtigii Puntland siyaasadayn jirtayna la dhaafay.
Af-hayeen u hadlay Mucaaradka Puntland horena Faroole ugula tartamay kursiga Maddaxweynenimada Maxamed Maxamuud Xirsi (Dhuunke) oo xalay Waaheen la soo xidhiidhay isagoo galkacayo ku sugan ayaa sheegay mucaarad ahaan in aanay aqbalayn mar danbe in Baarlamaankooda lagu soo daro siyaasiyiin Reer Somaliland ah oo ka yimaada Sool iyo Sanaag.
“ waxaan ka mid ahay siyaasiyiintii dhawaan qaadacday doorashadii Farroole doonayay in uu ka qabto Puntland ee boobka ahayd, imikana waxaanu doonaynaa in aan Baarlamaanka Maamulkayaga lagu soo darin siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan Goboladda Sool iyo Sanaag, haddii awal hore qaab qabiil looga faa’iidaysan jiray, imika suurtogeli mayso waa Reer Somaliland, Somali ka suurtogeli mayso in halkaana ay wax ku yeesheen, halkana ay wax ku yeeshaan waa in ay ku koobnaadaan SOMALILAND”
Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu intaa ku daray “ Somaliland Ixtiraam baanu u haynaa haddii aanu nahay Mucaaradka Puntland, haddii aanay culays soo saarin xuduudooda dhawaan markii Faroole qorsha doorashada watay ee aanu diidanayn kamaanaan adkaaneen ee taageerada ay na siiyeen baa noo suurtogelisay markaa abaal baanu ugu haynaa dhulkoodana Puntland ma sheegan karto Sool iyo Sanaag haddii hore siyaasad ahaan qaab qabiil halkan looga faa’iidaysan jiray way dhamaatay” ayuu yidhi
Isagoo ka sii hadlaya Kuraasta Sool iyo Sanaag la siin jiray mucaarad sida la odhanayo waxa uu yidhi “ Baarlamaanka Puntland waxa uu ka kooban yahay 66 xildhibaan oo xulaso ku imanaya, dhawr iyo labaatan baa Sool iyo Sanaag la siin jiray, imika waa in loo qaybiyaa degmooyinka Puntland isla markaana baaqiga la siiyaa beelaha Yar yare e Punland dega ee ay ka mid yihiin Madhibaanka iyo Tumaalaha, inta kalena waa in la siiyaa beesha Dir ee Mudug ee barriga Puntland” ayuu raaciyay
Hadalka siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ayaa ku soo hagaagaya xili Baarlamaanka kuraasta sii fadhiyaa fadhigoodii shalay ku ansixiyeen tuulada dhankayn geeyo in ay noqoto degmo ka tirsan Gobolka Sool ee ay sheegyaan. Sidoo kale baarlamaanka la kala dirayo waxa ay toddobaadkii hore gobol ka dhigeen meel lagu magacaabo Gardafuu oo ka tirsanayd gobolka Barri, isla markaana waxay Magaalo madax uga dhigeen degmadda Caluula
No comments:
Post a Comment