Friday, July 19, 2013

Maxbuus isku del-dalay Xabsiga Mandheera iyo Taliyihii oo daraadii loo Eryay



Mandheera - Maxbuus ku jiray Xabsiga Mandheera ayaa ku breadhex geeriyooday xabsigaasi kadib markii uu xabsiga gudihiisa isku del-dalay toddobaadkan gudihiisa, ilaa hadana lama garanayo sababta kaliftay.

Dhacdadan ayaa sababtay in Taliyihi Xabsiga Mandheera shaqada laga eryo, isla markaana waxa Xabsiga loo magacaabay Taliye cusub oo laga soo bedelay Xabsiga Berbera.

Xukuumadda Somaliland dhacdadan wax war ah kamay soo saarin, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloolay ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Marxuumkaasi Xabsiga Isku dhex del-dalay.

Marxuumka ayaa la sheegay in Maxkamadda Gobolka Saaxil Xukun dhawr sano ah ku riday, taasoo la sheegay in ay u cuskatay Eheladiisa oo ku soo Eedaysay in uu doonayo in uu dilo nin kale oo ay isku hayb yihiin, balse wakhtigaasi wax fal ah oo uu geystay may jirin.

Falka uu isku del-dalay Marxuumku ayaa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho cadho uu ka qaaday Xukumkaasi, balse ilaa hada ma jirto cid cadaynaysaa, maadaama aan wax warbixin ah aanay ka soo saarin Ciidanka Asluubtu.

Dhawaan waxa Saldhiga Gabilay hortiisa isku del-dalay nin ka cabanayay Cadaaladda Daro uu kala kulmay Booliiska iyo Maxkamadda Gobolkaasi, isagoo ka cadhooday Eedaysane nabaro u geystay oo laga sii daayay.

Sidoo kale, Askari ka tirsanaa Bilayska ayaa la sheegay in uu isku toogtay Saldhiga Wajaalew dhawaan, balse dhacdooyinkaasi oo dhan wax faahfaahin ah lagama bixin, inkasta oo Booliisku ay sheegeen labada dhacdo ee Gabilay iyo wajaaleba in ay baadhitaan ku samynayaan.

Xabsiga mandheera ayay maxaabiistu cabashooyin kala duwan ka soo jeediyaan marka ay ka soo baxaan, gaar ahaan qaabka nololeed ee xabsigaasi oo ay ka dayriyeen Caafimaad ahaan iyo Daryeel ahaanba.

Source: Waaheen.com

No comments: