Saturday, July 27, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Baabuur Ku Abaal Mariyay Arday Ku Guualaystay Tartankii QURAANKA KARIIMKA AH


Hargeisa - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa galabta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ardadyii Tartanka Qur’aanka Kariimka ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Koowaad, Labaad, Saddexaad iyo Afraad.

Kulankan oo ahaa mid aan noociisa hore uga dhicin sida ay sheegeen Culimadu waxa uu ahaa mid xaga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa qaaliga ah ee Xifidsan quraanka kariimka ah iyo Culimadii soo qaban qaabisay iyo weliba macalimiintii qiimaha mudnaa ee ardaydaasi xiftisiiyey Qur’aanka.

Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana socday Gobolka Sool waxa la gudoonsiyey Gaadhi nooca loo yaqaan Indha-cadaha oo ah Numberkii ugu danbeeyey iyo sidoo kale Lacag iyo Kutub.


Tartanka Quraanka Kariimka ah dalka Waxa kaalinta labaad ku guulaystay Mahad Cali Xuseen oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa. Oo la gudooon siyey Laptop iyo $1,000 iyo hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin kutub saacado.


Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday Degmada Wajaale waxaanu ku guulaystay Abaal marin ah $800 iyo Mobile Samsung Galaxy 3 ah iyo Hadyado kala duwan Halka kaalinta Afraad uu ku guulaystay Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu isna ku Kitaab Tafiil ah $500, Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.


Tartankan ayaa noqonaysa kii ugu horeeyay ee Xukuumad Somaliland ka jirtaa qabato abid, iyadoo bilowgii bishan Ramadaana Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland uu xadhiga ka jaray Idaacad FM ah oo u gaar ah Quraanka KARIIMKA ah iyo Culuuntiisa taasi oo noqonaysa tii ugu horaysay ee taariikhda laga hirgaliyo dalka.

No comments: