Saturday, July 27, 2013

Khatarta biyo xireenka Itoobiya dhisatay dood xasaasi ah + DAAWO



Dagaalada adduunka ee qarnigaan in uu sameeyo wadamo badan oo adduunka ka mid ah ayaa lagu tilmaamay in uu noqon doono dagaal lagu dagaalo biyaha oo wadamada qaarkood dhib weeyn uga imaan doono.

Dagaalada Biyaha ee adduunka ayaa waxaa bilaabay wadanka Turkiga oo dhistay biyo xireen weeyn oo ay ku xiran karaan ama biyaha wabiga ku leexsan karaan hadba sida ay doonaan.  Haddii Turkiga uu leexsado ama xirto biyaha wabiga waxaa dhib gali karo labada wabi ee Dajla iyo Al Furaat oo wadanka Ciraaq mara.

Soomaaliya oo leh labo wabi Jubba iyo Shabeele ayaa waxay ka soo bilaabmaan buuraleyda wadanka Itoobiya oo sidoo kale wabiga Niil isku meel ka wada imaadaan. Itoobiya ayaa waxay dhisatay biyo xireen weeyn oo biyaha lagu weecsan karo oo dhibaato weeyn uga imaan karto wadamada geeska Afrika oo dhan oo ay ku jiraan Suudaan, Soomaaliya, Masar waa haddii ay Itoobiya biyaha ku leexsato biyo xireenka ay dhisatay oo dad badan oo khubar o ku ah sheegeen in biyo xireenkaan uu keeni doono dagaalo lagu hoobto oo biyaha lagu dagaalamo.

Baarlamaanka Masar ayaa iyagoo aan ogayn laga duubay dood ay ka qabeen biyo xireenka ay Itoobiya dhisatay oo ay u arkayeen in si toos ah khatar ugu yahay jiritaankooda dooda  ka fiirso youtube-ka  kore


No comments: