Muqdisho - Golaha
wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta soo
dhaweeyeen heshiiskii ay guddiyadii ka socday Soomaaliya iyo Somailand
ay ku kala saxiixdeen toddobaadkii hore magaalada Istanbuul ee dalka
Turkiga.
Kulankan
oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaalia, Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid) ayaa looga dooday qodobbo uu ka mid ahaa heshiiskan oo
10-kii bishan July ku dhex maray dawladda Soomaaliyeed iyo Somaliland
magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxayna dood dheer iyo falan-qeyn
kafdib si buuxda u soo dhaweeyeen heshiiskaas.
“Heshiiskan
waa talaabo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka,”
ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo hadal ka
jeediyay kulankii golaha wasiirrada ee maanta.
Heshiiskan
ayaa lagu taageerayay heshiiskii bishiiMay ay dawladda Somalia kula soo
wareegtay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaabkii farsamo ee loo maareyn
lahaa maamulka duulimaadyada hawada dalka.
Afhayeenka
xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay kadidb
shirka ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay ammaanka dalka oo uu
sheegay in laga hadlay sidii loo xoojin lahaa iyo sidii loo fududeyn
lahaa mushaaaraadka ciidamada qalabka sida, si kor loogu sii qaado
sugida amniga dalka.
Sidoo
kale, afhayeenka ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay magacaabeen
taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyadoo loo magacaabay Jeneraal
Xuseen Xasan Cismaan oo horay u ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka
Asluubta Soomaaliyeed, waxaana soo jeedinta lahaa wasiirka garsoorka iyo
cadaalada, Cabdullaahi Ebyan Nuur.
Source: hiiraan.com
No comments:
Post a Comment