Wednesday, July 17, 2013

Edward-Snowden Basaaskii ka fakaday Maraykanku Waxuu hayaa Macluumaad daqiiqad gudaheed waxyeelayn kara Ameerika

London - Wargayska Dalka Britain ee Guardian ayaa todobaadkan waxa uu baahiyey in basaaskii hore ee u dhashay dalka Maraykanka Mr Edward Snowdon uu hayo warbixino iyo xogo dheeraad ah oo ka khatarsan kuwa uu ilaa hadda sii daayey



“Snowdon waxa uu hayaa macluumaad badan oo muddo kooban oo daqiiqado ah waxyeelooyin hor leh gaadhsiin kara xukuumadda maraykanka, xogtaas oo ah mid aanu helin qof kale marka dib loo eego  taariikhda dalka maraykanka”.



Wargayska Guardian waxa uu soo qaatay xogo uu ka helay weriyaha reer Argentin ee lagu magacaabo Girinold oo ah weriyahii Mr Snowdon ka qaaday wareysigiisii hore ee uu ku kashifay sirta ku saabsanayd dhegaysiga taleefoonada dadka ee ay sameeyaan hay’adaha ammaanka ee dalka maraykanku ayaa weriyahasi waxa uu sheegay in Mr Snowdon aan ujeedadiisu ahayn inuu kashifo sir uu leeyahay dalka maraykanku laakiin waxa uu soo bandhigayaa ay tahay macluumaad ku saabsan barnaamijyo ay isticmaalaan dad badan oo caalamka ku kala nool, dadkaas oo aan la socon ama ogayn in isticmaalka barnaamijyadaasi ay xadgudub ku tahay arimo muhiim ah oo u gaar ah shaqsiyadooda.


Weriyaha reer Arjantin waxa uu u sheegay wargayska Guardian in Mr Snowdon uu warbixinaha uu hayey ku kaydiyey meelo kala duwan isla markaana hadii isaga wax la gaadhsiiyo la baahin doono xogahaas oo noqon doona  faylashii ugu xumaa ee taariikhda dalka maraykanka laga baahiyo.

No comments: