Thursday, July 18, 2013

Djibouti: Kuleylka Xagaaga Iyo Bisha Ramadan Iyo Maciishada Oo Aad U Qaali Ah




Djibouti wakhtigan bisha barakeysan ee Ramadaan waxa laga dareemayaa kor u kac ku imid qiimaha lagu iibsado raashinka iyo xab xabka oo aad loo isticmaalo wakhtiga afurka.

Waxa si xoog leh u kordhay qiimaha lagu iibsado caanaha iyadoo 2.5kg ee caanaha lagu iibsanayo 2500 Fnka Jabuuti oo ah $17.Qiimaha lagu iibsado xab-xabka aya isna kordhay iyado 1kg lagu iibsanayo 120 Faranka Jabuuti oo ah 80 cent.

Dhinac kale sanadkan bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ku so hagaagtay wakhtiga kuleylaha ee Jabuuti.

Qaar kamida dadka reer Jabuuti ayaa sheegay inay bishan Ramdaan ku soo beegantay wakhti ay kulayl tahay Jabuuti sidoo  kale waxay aad uga cawdeen qiimaha maciishada oo cirka isku shareertay iyo biyo la cabo oo aad iyo aad cidhiidhi u ah helitaankoodu.

No comments: