Thursday, May 30, 2013

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Si Faahfaahsan uga Hadlay Sooyaalka Taariikheed ee Somaliland Iyo Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid soo jireen ah isla markaana dadka Somaliland ay xusuusan yihiin in dalka Itoobiya tahay meeshii ay ku qaxeen markii ay dhibaatadu haysatay.
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad lagu xusayay sanad guuradii 22 ee ka soo wareegtay markii talada dalka Itoobiya laga tuuray xukunkii Mingiste Xayle Maryam 1991-kii oo xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa waxana uu wasiirku hambalyo u diray ummada dalka Itoobiya.

isaga oo Wasiirku arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magacayga, afka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo afka bulshada Somaliland waxaan hambalyo halkan uga dirayaa shacbi weynaha Itoobiya iyo maamulka dawlada Itoobiya guud ahaan, inta halkan joogta iyo inta Itoobiya joogtaba”.

Waxaanu intaasi raaciyay wasiir Xirsi “xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland waa mid soo jireen ah, waana mid dadka Somaliland xusuusan yihiin dhibaatadu markii ay haysay inay ahayd meeshii ay ku baxsadeen, halgankuna ka soo bilaabmay” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

No comments: