Tuesday, May 28, 2013

Caasimada Somaliland oo si wayn looga xusay Sanad Guuradeeda 22aad Maalinta Qaranimada Itoobiya ee 20ka Ginbot




Xusaska heer qaran ee labada dal 20 ka Ginbot iyo 18 May ayaa mataaneeya Somaliland iyo Itoobiya oo bil isku mid ah talada ka tuuray dhiigya cabyadii Milatariga ahaa ee ka kala talin jiray

Hargeysa -  Safaaradda Itoobiya iyo Jaaliyadeeda ku dhaqan Somaliland ayaa caawa ku xusay magaaladda Hargeysa sanad guurada 22 aad ee 20 ka Ginbot oo ku beegan maalintii jabhadii EPRD talada ka tuurtay Taliskii Milatariga ahaa Mingistu Haila Mariam, kaasoo ay cudud Milatari kaga qabsadeen Ciidamadiisii awooda badnaa.

Xuska caawa ee loogu dabaal degayay sanad guurada 22 aad eek a soo wareegtay maalintii talada laga tuuray Mingistu oo ku beegnay 1991-kii waxa lagu xusay munaasibad balaadhan oo mataanaysay markii labadii Jabhadood ee la dagaalamayay Itoobiya iyo Somaliya (SNM & EPRDF) ay xukunka la wareegeen kuwaas oo kala danbeeyay toban maalmood oo kali ah, kuwaas oo kala maalmahaas oo kala ahaa 18 May iyo 28 May.


Xuska munaasibadda Dawladda Itoobiya ugu dabaal degaysay sanad guurada 20-ka Ginbot wax aka soo qayb galay wasiiradda Xukuumadda Somaliland, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Taliyayaasha ciidamadda, Madax dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo isugu jiray ganacsato iyo ururada bulshada, waxana lagu furay labada heesood ee Qaranka labada Dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Berha Tasfaye oo furay xaflada ayaa ka waramay taariikhda Itoobiya u soo martay Xorriyadda ay hoos hadhsanayaan shucuubta dalkaasi, waxaanu ku dheeraaday Horumarka balaadhan ee ay Xukuumadda talada haysaa gaadhsiisay shacabka reer Itoobiya, kuwaas oo ku ilaaway dhibtii iyo kadeedkii ay kala kulmeen taliskii dhiigyacabka ahaa ee uu hogaaminayay Taliyihii ciidamada Mingiste Haile Mariam.

Qudbad aad u dheerayd oo dhinacyo badan oo horumarka itoobiya gaadhay ka waramaysay oo uu safiirku munaasibadaas ka jeediyay ayuu ku bilaabay “22 sano ka hor waxa itoobiya ka jiray talis milatari ahaa oo macangag ahaa oo umadda dhibaato badan ku hayay, waxa la xusi karaa waa cududii midaysnayd ee lagaga tuuray taladi.

Waxa u dhintay boqolaal qof oo dhiigoodii u daadiyay, waxa kale oo aan ka madhnayn horumarka iyo nabadgelyada ay shacbigayagu ku faanayaan, anagoo tixraacayna 22 sano ee aanu soo dhaafnay, waxa daliil u ah talaabooyinka uu dalkayagu ku talaabsaday nooc kasta haloo cadaadiyee sinaanta ay ku nool yihiin.

Waxa marna aan la dhaafi karayn oo dalkayagu manta ku naaloonayaa in ay si siman uga faa’iidaysanayaan guusha ay haystaan, waxa kaloo taariikh la xuso mudan in shacbigayagu cida uu doono dooran karo, oo ay is maamuli karaan iyadoo Federal jiro, hadana ay ka go’I karaan oo maul samaysan karaan.

Guud ahaan shacabka dalakayagu waxay u siman yihiin Dastuur, waxaan taas uga jeedaa waxa dalkayaga ka jira Sinaan iyo Cadaalad. 22 ka sano marka laga reebo dagaalkii Itoobiya iyo Eratariya waxa dalka ka jira nabad buuxda, waxaanu dalkayagu ku hawlan yahay in uu ka qayb qaato dajinta khilaafaadka iyo colaadaha qaarada ka taagan. 22 sano waxyaabaha dlakayaga horumarka u sahlay waa nabada ka jirta.

Waxa xaqiiqo ah dadka Itoobiya ku nool 80% in ay ku nool yihiin miyiga waxaana u suurtogaliyay horumarkaas waa nabada ay ku nool yihiin. Waxa dalkayaga laga hirgaliyay jaan-gooyo shan sano ah oo horumar lagu gaadhi doono oo lagaga maarmi doono baahidii dibeda, toban milyan oo shacabkayaga ah ayaa durba ka faa’iiday.

Waxa kale oo farqigii ka baxay malaayiin beeralay ah, waxa kale oo loo bandhigay in ay ka qayb qaataan warshadaynta, tobanaan warshadood oo shaqo abuur sameeyay ayaa ah waxyaabaha 22 kaas sano hirgalay. Hal milyan in ka badan oo shaqo abuur ah ayaanua samaynay, waxaana la filayaa sadex sano kadib Itoobiya in ay noqoto dalka sadexaad ee xaga dhaqaalaha.” Ayuu yidhi

Ethiopian Dhaboo Food
Isagoo intaas raaciyay in ay wax ka qabteen adeegyadda kala duwan ee Caafimaadka, Waxbarashada, Isgaadhsiinta, Wadooyinka , Biyaha, Dabka iyo Tareenka, waxaanu sheegay dhamaan mashaariicdaasi in ay gayiga Itoobiya dhaxal siiyeen Horumar.

Safiirka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xafladaasi ku furay in ay jaraan mid ka mid ah cuntooyinka ay itoobiya dhaqanka u leedahay ee dhaabooga.



No comments: