Monday, April 22, 2013

WAR DEGDEG AH: Dagaal Si Toos ah Uga Socda Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo Una Dhaxeeya Maamul Goboleedka Puntland iyo Maamulka Galmudug.


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in madaafiic xoogan

Gaalkacyo - Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in madaafiic xoogan saaka laga maqlayo gudaha magaalada Gaalkacyo kaasi oo sitoos ah ugu dhacaya garoonka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkaan u dhaxeeya maamulka Puntland iyo kan Galmudug ayaa ka dambeysay kadib markii nin ka soo jeeda maamulka Galmudug ay shalay dil ugeysteen rag ka tirsan maamulka Puntland iyadoona dagaalka saaka ka socda ay qaadeen ciidamo ka soo jeeda dhanka Galmudug.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in maleeshiyaad ka

tirsan maamulka Galmudug ay weerar madaafiic iyo hoobiyayal ah ku qaadeen Garoonak magaalada Gaalkacyo oo ay gacan ku heynteeda leeyihiin maamul goboleedka Puntland.,

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay in dagaalka sida tooska ah ugu socda Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo uu geystay wax Khasaaro ah.

Faahfaahin: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Koobnaa ee Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay


Wararka ugu dambeeya ee caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal kooban oo socdsay ku dhawaad hal saac oo maanta ka dhacay agagaarka saldhiga Booliiska Kismaayo.
  
Sidee wax u Dhaceen.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday maleeshiyaad dooneysay in ay xoog kula baxdo sarkaal iyo askar kawada tirsnaa ciidamada wax ka qabtay kismaayo oo lagu soo qabqabtay hawlgalo ay ciidamada AMISOM, iyo kuwa Soomaalida ah ee kasaaray Al Shabaab ay ka fuluyeen gudaha Magaalada Kismaayo.

Sida dadkii aan la hadalnay noo sheegeen dagaalka ayaa xilli barqanimadii maanta ah ka qarxay saldhiga booliska ee Kismaayo oo ku yaalla xaafada Calanley halkaasoo rag shalay la soo qabtay lagu soo xiray.   Dagaalka ayaa bilawday markii Maleeshiyaad ay isku heyb yihiin raga la xiray ay weerar ku soo qaadeen saldhiga halkaasoo ay ooda uga qaadeen dhammaan dadkii ku xirnaa saldhiga.

Waxaa goobtaasi lagu dilay taliyihii saldhiga booliska oo ka tirsanaa Raskambooni kaasoo lagu magacaabi jiray Labo Gadhle iyo sarkaalkii hawlgalka lagu soo  qabtay.

Ugu yaraan sagaal (9) ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo hubka fudud la isku weydaarsaday. si weyna looga maqlayay  magaalada Kismaayo.  Waxaa jira illaa 5 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo guryahooda rasaasta ugu tagtay oo ku dhaawacmay dagaalkii maanta.

Isgaarsiinta ayaa maanta go’nayd ka dib markii ay amreen maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo in hawada laga saaro dhammaan isgaarsiinta, taasoo adkeysay in markaas wax badan laga ogaado sida ay wax u dheceen maanta.


Hase yeeshee caawa ayay isgaarsiinta qeyb ka mid ah ay dib ugu soo laabatay, iyadoo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la hadasho dad ku sugan Kismaayo.

Dhammaan dhaqdhaqaaqii magaalada ayaa joogsaday markii dagaalku uu qarxay, waxaana la xiray ganacsiga iyadoo jawiga uu isu rogay mid colaadeed.

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa tan iyo casarkii ahayd mid degan ka dib markii ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay soo kala dhexgaleen dhinacyadii dagaalamayay.  Saldhiga degmada ayaa hada ku sugan ciidamada Kenya, markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada hoos taga maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo.

Dawlada oo ka hadashay dagaalka

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo war saxaafadeed ka soo saaray dagaalka Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed kuwaasoo ku wada sugan magaalada.

Wasiirka oo la weydiiyey dib u dhaca shir maanta ka furmi lahaa Kismaayo ayaa sheegay inuusan wax war ah ka heyn shir Kismaayo ka dhacaya isla markaana aan dawlada guud ahaan lagu martiqaadin shirkaasi.



No comments: