Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa
cafis ku sii daayay gabadh lagu
magacaabo Nadra Maxamed Jaamac, oo ah haweenay ay maxkamadda gobalka Hargeysa
ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ah ka dib markii ay ku heshay dambi aflagaado
madax qaran.
Nadra, oo iyadoo Hargeysa joogta xalay u warantay Wargeyska
Geeska Afrika, waxay sheegtay in lagu soo daayay cafis madaxweyne, ka dib
markii laga codsaday Madaxweynaha,
"Waxa la igu soo daayay cafis Madaxweyne, ka dib markii laga
codsaday." ayay tidhi Nadra, oo sheegtay inay maalmaha soo socda
saxaafadda la hadli doonto. Nadra, waxa shalay ay ka soo baxday xabsiga
magaalada Gabiley.
Haweenaydan ayaa wuxuu xadhigeedu abuuray dareeno xaasaasi
ah, ururada xuquuqda aadamaha oo horaantii taageero u fidiyay gabadhan ayaa sheegay
cadaymo hor leh oo ay heleen awgood kuwaasi oo daboolka ka fayday fariimaha ay
dirtay Nadra in ay ahaayeen cay laf jab ah oo dhaqanka, diinta iyo xuquuqda
aadamaha gef ku ah sidaasi darteed ay gabi ahaanba kala noqday taageeradii ay
siinayeen gabadhan.
Maxkamadu Gobolka oo dhagaysatay dacwada lidka ku ah Nadra oo
ay Xeer Ilaalinta Qaranku soo oogtay, ayaa ku xukuntay Nadra Maxamed Jaamac 8
bilood oo xadhig ah, iyadoo dhawr bilood haatan dhamaysatay xadhigaasi.
No comments:
Post a Comment