Thursday, April 4, 2013

Ayaan Daranaa Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Bashiir Boob Argagax Leh oo Lagu Hayo Dhulkii yaraa ee Dayrkiisa ku dhexyaalay !!!!!!!!!

Ganacsade Dhisme Masaajid Ah Iyo Meherado Ka Bineeyay Dugsiga Sheekh Bashiir Oo La Sheegay Inuu Ku Boobayo Dhul Dugsigaasi.

Sida aynu la wada socono dhulka ku yaala gudaha dayrka dugsiga Sh. Bashiir waxa uu ka badbaaday dawladii kali taliska ahaa ee Siyaad Barre Balse Nasiib darada dhacday waxay tahay dugsigaasi dhulkiisii waxa uu ka nabadgali waayay dadkii dalka u dhashay ee caruurtoodu ay dhiganaysay dugsigaasi, Waxa kale oo ayaan daro ah iyadoo Dawlada Somaliland u fududaysay qorshayaal boob ah oo magacyo diimeed leh oo lagu boobayo dhulka yar ee ciriiriga ah ee dugsigaasi haysto.

Markaad booqato fasalada dugsigaasi iyo ardayda yar yar ee halkaasi wax loogu dhigo waxad ogaanaysaa in fasaladu ciriiri ku yihiin ardayda iyadoo halkii fasalba ay dhigtaan tiradii loogu talo galay laban laabkeed.

Hadaba iyadoo maanta cid uga baahi badan ubadkeenu aanay jirin in la kordhiyo fasalada dugsiga Sh. Bashiir ayaad waxa dhacday nasiibdaro tii ugu xumayd ee mustaqbalka ubadka lagu tirtirayo. Iyadoo dayrka dugsigaasi markaad taagan tahay ay dhinaca waqooyi iyo dhinaca bari ay kaaga muuqanayaan 2 ka mid ah masaajidada ugu waawayn caasimada ayaa laga bineeyay Masaajid iyadoo ardayda dugsiga dhigata ay qaadi la' yihiin fasaladii Xukuumadii Siyaad Barre dhistay.

Sida uu qoray Wargayska Haatuf Mid ka mid ah gacansatada waaweyn ee Somaliland ayaa dhisme masaajid ka bineeyay dhulka dugsiga Sheekh Bashiir ee faras magaalaha Hargeysa, iyadoo wax ka yar boqol mitir xaga waqooyi uu kaga beegan yahay masaajidka wayn ee Ibraahim Dheere Ex 26-June. Ganacsadahan ayaa la sheegay in dhismaha masaajidka uu ka binaynayo dugsiga Sheekh Bashiir uu salka ku hayo sidii uu dhul kale oo uu ka sameeyo meherado ganacsi uga heli lahaa, waxaana hadda ka socda dhisme la sheegay in Masaajid laga dhisayo.

Goobta dugsigaasi ee Masaajidka laga wado ayaa hareerihiisa waxa ku yaala Masaajidka ka soo horjeedka kaalinta Cajab, dhanka waqooyina waxa ka xiga masaajidka Ibraahim Dheere, kaas oo ujeedadiisu ay tahay dhul uu aakhirka ka hirgeliyo meherado ganacsi, ayaa waxay fadeexad ku noqonaysaa xukuumada in dhulka dugsigaasi oo qadiim ahaa, isla markaana dawladihii hore cid gaara ku wareejinin hada xukuumadu ganacsade ka siisay dhulkaasi inuu dhismayaal ka jeexo.

No comments: